Markos Hordhac

Hordhac
Injiilkan wuxuu badanaa xoogga saarayaa waxyaalihii Ciise sameeyay, inkastoo uu qoraagu kusoo daray wax ka mid ah waxbaridii Ciise. Waxey u egtahay inuu Markos buuggan u qoray dad joogay Rooma. Nin boqol utaliye reer Rooma ah ayaa dhamaadka buugga yiri, Runtii ninkan wuxuu ahaa Wiilka Illaahey! Taasi waxey tuseysaa marqaatifurka Ciise iyo warkan wanaagsan.
Qeybta hore ee furitaanka sheekada ayaa muhiimadeedu tahay su’aasha. Yaad igu sheegtaan? Qeyb ka mida dhamaadka qeybta hore ee sheekada waxey tuseysaa Ciise oo nin indhala’aa laba mar kala bogsiiyay, si uu si tartiib ah wax ugu arko. Sidoo kalana xertii Ciise si tartiib ah ayey ku ogaadeen Ciise qofka uu yahay. Kadib qeyb muhiim ah oo u dhaxeysa sheekada labadeeda qeybood, Butros wuxuu qiranayaa Ciise inuu yahay Masiixa.
Haddaba khilaafkii banaanka ayuu u soo baxay. Ciise wuxuu keenay qaab cusub ee loo noolaado kaasoo dadka ka goynaya xiriirkoodii xoogga lahaa ee horey u soo jiray. Qeybta labaad ee sheekada waxey arintan ku muujineysaa saddex qeybood:
Qeybta ugu horeysa, Ciise iyo xertiisi waxey u safreen Yeruusaalem.
Qeybta labaad, Ciise wuxuu wax ku barayay macbadka taas oo dagaal ka dhex abuurtay isaga iyo hogaamiyayaashii macbadka aasaasay.
Qeybta ugu dambeysa, hogaamiyayaashii waxey fuliyeen qorshahoodi, waxeyna qabteen oo iskutallaabta ku qodbeen Ciise, si ey u haleeyaan wuxuu sameeyay oo dhan. Laakiin Illaahey wuxuu haleeyay qorshahoodi oo Ciise ayuu soo sarakiciyay. Sidaa darteed kuwa Markos akhrista waxaa loo sheegay iney Ciise iimaanka saartaan, xitaa markey silaca marayaan, waayo sidan ayuu Illaahey u haleyn doonaa amarka soo jiray una dhisi doonaa qaabka loo noolaado ee uu Ciise na baray.

انتخاب شده:

Markos Hordhac: EI

های‌لایت

به اشتراک گذاشتن

کپی

None

می خواهید نکات برجسته خود را در همه دستگاه های خود ذخیره کنید؟ برای ورودثبت نام کنید یا اگر ثبت نام کرده اید وارد شوید