Markos 1
1
Yooxanaa Baabtiisaha oo jidka sii diyaarinaya
1Kani waa warka wanaagsan ee ku saabsan Ciise Masiix Wiilka Illaahey. 2Sida ku qoran kitaabkii nebi Isayos,
“Waxaan hortaada soo diri doonaa wargeeyaheyga,
kaasoo jidka kuu sii diyaarin doona.”
3“Codka kan cidlada ka dhawaaqaya,
oo leh, ‘Rabbiga jidka u hagaajiya,
waddooyin toosan isaga u sameeya.’ ”
4Yooxanaa Baabtiisahana wuxuu yimid cidlada, isaga oo ku wacdinaya baabtiiskii toobadkeenka iyo cafiska dembiga. 5Markaas ayaa dad badan ka yimaadeen Yuhuudiya iyo Yeruusaalem si ey u dhageystaan Yooxanaa. Dembiyadooda markey qirtaanna wuxuu ku baabtiisayay webi Urdun. 6Yooxanaa wuxuu xiran jiray dhar dhogorta geela laga sameeyay, suun maqaar laga sameeyeyna dhexda ayuu ku xiran jiray, oo cuntadiisuna waxey ahayd anyax iyo malab duureed. 7Wuxuuna dadka ku wacdiyay oo yiri, “Waxaa iga daba imaan doona mid iga awood weyn, kan aanan anigu istaahilin inaan suumanka kabahiisa furo. 8Aniga waxaan idin ku baabtiisaa biyo, laakiin isaga wuxuu idin ku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.”
Baabtiiskii iyo jarribaadii Ciise
9Isla waqtigaas Ciise ayaa ka yimid Naasareddii Galili, oo Yooxanaa ayaa isaga ku baabtiisay webi Urdun. 10Ciise goortii uu biyaha kasoo baxayay ayuu arkay samada oo furantay, iyo Ruuxa Quduuska ah oo ugu soo kor dagaya sida qoolley ahaan. 11Markaas ayaa cod samada ka dhawaaqay isaga oo leh, “Waxaa tahay Wiilkeyga aan jeclahay, waana kugu faraxsanahay.”
12Isla markaas ayuu Ruuxa Quduuska ah Ciise u hogaamiyay cidlada, 13halkaas ayuuna afartan maalmood Shaydaanku ku jarribayay. Meeshaasna waxaa joogay xayawaan duureed, laakiin waxaa u yimid malaa’ig oo caawisay.
Ciise oo wacdiyay warka wanaagsan
14Goortii Yooxanaa xabsiga la galiyay kadib, Ciise wuxuu tagay Galili, isaga oo ku wacdinaya warka wanaagsan ee Illaahey. 15Wuxuuna yiri, “Waqtigii wuu yimid, boqortooyada Illaahey wey soo dhawaatay. Toobadkeena oo rumeysta warka wanaagsan!”
Ciise oo u yeeray xertiisi ugu horeysay
16Ciise oo ag maraya badda Galili ayaa arkay Simoon iyo walaalkiis Andaros iyagoo shabaag badda ku tuuraya, waayo waxey ahaayeen kalluumaysato. 17Ciise ayaa ku yiri, “Kaalaya oo isoo raaca, waxaan idin ka dhigi doonaa kuwa dadka jillaabta.” 18Isla markiiba intey shabaagyadoodi ka tageen ayey Ciise raaceen.
19Goortii Ciise cabbaar socday ayaa wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, waxeyna kala ahaayeen Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa. Doontoodi ayey ku jireen oo shabaagyadooda ayey diyaarsanayeen. 20Isaga oo aan waqti lumin ayuu u yeeray, iyagana aabahood Sebedi iyo nimankii shaqaalaha ahaa ayey doontii uga tageen oo Ciise ayey raaceen.
Ciise oo bixiyay ruux wasakh leh
21Ciise iyo xertiisi waxey aadeen Kafarna’um. Oo maalintii Sabtida Ciise wuxuu tagay sunagogga wuxuuna bilaabay inuu dadka wax baro. 22Wax baritaankiisi ayaa ka yaabiyay dadka, waayo wuxuu wax u baray sidii mid awood leh, mana uu ahayn sida macalimiinta sharciga Muuse oo kale. 23Isla markiiba nin ruux wasakh leh ku jirtay oo joogay sunagogga ayaa qayliyay oo yiri, 24“Maxaad naga rabtaa Ciisihii reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabi’iso? Waan garanayaa qofka aad tahay, waxaad tahay kan Quduuska Illaahey ah!”
25Markaas ayaa Ciise canaantay ruuxdii oo ku yiri, “Aamus! Oo kasoo bax!” 26Markaas ayaa ruuxii wasakhda lahaa dadka oo dhan hortooda ninkii dhulka ku tuuray, wuuna kasoo baxay isaga oo aan nabar xitaa u geysanin.
27Markaas ayaa dadkii oo dhan la yaabeen oo ey is weydiiyeen, “Maxey tahay hadalladan amarka iyo xoogga leh oo xitaa ruuxyada wasakhda leh ayuu amray oo wey soo baxeen!” 28Isla markiiba warka isaga ku saabsan ayaa ku faafay Galili oo dhan.
Ciise oo bogsiiyay dad badan
29Haddaba markii uu Ciise ka tagay sunagogga isaga oo ey la socdaan Yacquub iyo Yooxanaa ayaa waxey tageen guriga Simoon iyo Andaros. 30Simoon sodohdiis ayaa qandha la jiiftay, markaas ayey Ciise u sheegeen. 31Kadib ayuu u tagay oo gacanta qabtay isla markiina qandhadii wey deysay. Weyna kacday oo waxey iyaga u diyaarisay cunto.
32Qoraxdi markey dhacday, dadkii ayaa Ciise u keenay kuwii xanuusanaa oo dhan iyo kuwii kale ee ruuxyada wasakhda leh qabay. 33Dadkii magaalada oo dhan ayaa albaabkii guriga ku soo hor ururay, 34Ciisana wuxuu bogsiiyay kuwa badan oo cudurro kala duduwan qabay. Dadkana ruuxyo badan oo wasakh leh ayuu ka saaray. Laakiin ruuxyada wasakhda leh wey garanayeen isaga sidaa darteed uma ogolaan iney hadlaan.
Ciise oo meel cidla ah ku duceystay
35Aroornimadii weli inta uusan waagii si fiican u baryin ayuu Ciise intuu kacay ayuu tagay meel cidla ah si uu u soo duceysto. 36Simoon iyo kuwa la jiray ayaa isaga raadinayay, 37markey arkeen ayey ku yiraahdeen, “Qof walba ayaa ku raadinaya!”
38Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Soo baxa aan tagnee tuulooyinka meelahaan ka dhaw, si aan halkaasna uga soo wacdiyo waayo arintaas ayaan u imid.” 39Kadibna Ciise wuxuu maray Galili oo dhan isaga oo ka wacdinaya sunagogyadooda oo dadkana ka saaraya ruuxyada wasakhda leh.
Ciise oo nin baras leh bogsiiyay
40Nin baras qaba ayaa u yimid Ciise jilbihiisa ayuuna dhulka dhigtay oo baryay isaga oo leh, “Haddaad dooneyso waad i bogsiin kartaa.”
41Markaas ayaa Ciise u naxariistay, intuu gacantiisa fidiyay ayuu ninkii taabtay wuxuuna ku yiri, “Waan doonayaa ee bogso!” 42Isla markiiba baraskii ayaa ninka ka baxay wuuna bogsaday.
43Ciisana wuu diray ninkii isaga oo canaantay oo ku yiri, 44“Qofna ha u sheegin, bax oo wadaadka is tus oo allabari bixi sidii uu sharciga Muuse kuu amray, si ey iyaga nadiifintaadu marqaatifur ugu noqoto.” 45Ninkii ayaa wuxuu bilaabay inuu ka hadlo arintaas oo warkiina wuu faafay, sidaa darteed Ciise mar dambe ma uusan gali karin magaalo isaga oo la arkayo, wuxuuna joogay meelaha cidlada ah. Laakiin dadka meel walba ayey uga imaanayeen.
انتخاب شده:
Markos 1: EI
هایلایت
به اشتراک گذاشتن
کپی

می خواهید نکات برجسته خود را در همه دستگاه های خود ذخیره کنید؟ برای ورودثبت نام کنید یا اگر ثبت نام کرده اید وارد شوید
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.