Markos 5
5
Ciise oo bogsiiyay nin ruuxyo wasakh leh qabay
1Markii ey wartii kasoo gudbeen ayey waxey yimaadeen gobolka Gadareni. 2Ciise markii uu doontii ka degtay ayaa nin ruuxyo wasakh leh qabay oo xabaalaha ku noolaa u yimaaday. 3Ninkani wuxuu ku noolaa xabaalaha oo qofna isaga ma xiri karin, xitaa silsiladu ma eysan xijin karin. 4Mar walba waxaa lugta iyo gacanta looga xiri jiray silsilad, laakiin silsiladii iyo birtii ayuu jabin jiray, oo qofna ma awoodin inuu xiro xoogga uu lahaa dartiis. 5Habeen iyo maalin ayuu joogi jiray xabaalaha iyo meelaha buuraha ah, isaga oo qaylinaya dhagaxyana isku jarjaraya.
6Laakiin goortii uu Ciise meel dheer ka arkay ayuu u soo orday oo hortiis jilba jabsaday. 7Markaas ayuu cod dheer ku qayliyay oo yiri, “Maxaad iga rabtaa, Ciisow, Wiilka Illaaha ugu Sareeyow? Ballan magaca Illaahey iiga qaad in aadan i ciqaabin!” 8Markaas ayaa Ciise isaga ku yiri, “Kasoo baxa ninkan, Ruux yahow wasakhda leh!”
9Markaas ayuu Ciise weydiiyay isaga, “Magacaa?”
Ninkii ayaa ku jawaabay oo yiri, “Magacaygu waa Liijon, waayo waan badanahay.” 10Aad ayey Ciise uga baryeen in uusan agagaarkaas ka saarin.
11Waxaa buurta halkaas u dhaw daaqayay doofaarro badan. 12Markaas ayaa ruuxyadii wasakhda lahaa Ciise ka baryeen oo ku yiraahdeen, “Doofaarradaas noo dir, noo ogolow inaan iyaga galno.” 13Markaas ayaa Ciise u fasaxay, oo ruuxyadii wasakhda lahaa ninkii ayey kasoo baxeen oo waxey galeen doofaarradii. Isla markiiba doofaarradii oo gaaraya laba kun ayaa hoos u daadagay oo ku yaacay warta, biyihii ayaana laqay.
14Kuwii doofaarrada daajinayay ayaa u cararay magaalada iyo agagaarkeeda oo arintii dadka u sheegay, dadkiina wey yimaadeen si ey u arkaan waxyaalihii dhacay. 15Markii dadkii Ciise u yimaadeenna waxey arkeen ninkii ruuxyada wasakhda leh qabi jiray oo fadhiya, isaga oo caqligiisu fiicanyahay oo dhar fiican qaba, aad ayeyna u cabsadeen. 16Kuwii arkay wixii dhacay ayaa dadka kale u sheegay waxa ku saabsan ninkii ruuxyada wasakhda leh qabi jiray iyo doofaarrada. 17Markaas ayaa dadkii Ciise ka baryeen inuu deegaankooda ka tago.
18Ciise goortii uu doonta fuulay oo baxayay ayaa ninkii ruuxyada wasakhda leh laga saaray ka baryay inuu isaga soo raaco. 19Ciisana uma ogolaan, laakiin wuxuu ku yiri, “Bax oo dadkaaga u tag oo u sheeg wuxuu Rabbigu kuu sameeyay, iyo siduu kuugu naxariistay.” 20Markaas ayuu ninkii tagay oo bilaabay inuu ka sheego Dekabolis wixii uu Ciise u sameeyay isaga. Dadkiina aad ayey u yaabeen.
Ciise oo bogsiiyay naag xanuusan sarakiciyayna gabar dhimatay
21Kadib markii uu Ciise doonta fuulay oo u laabtay dhinaca kale ee warta, dad badan ayaa ku soo ag ururay. 22Kadibna nin hogaamiye sunagogga ka ahaa oo magaciisuna yahay Yayros ayaa yimaaday, markii uu Ciise arkay ayuu lugahiisi ku dhacay. 23Aad ayuu uga baryay isaga oo leh, “Gabadheydi waa sakaraad ee fadlan kaalay oo gacantaada saar si ey u bogsato oo ey u noolaato.” 24Sidaa darteed Ciise wuu raacay isaga.
Dad badanna wey raaceen oo agtiisa ayey isku ciriiriyeen. 25Dadkii badnaa dhexdooda waxaa ku jiray haweeyney laba iyo toban sano dhiig ka socday. 26Dhakhtarro badan ayey u tagtay laakiin ma eysan bogsan xitaa waxey haysatay oo dhan ayey ku bixisay laakiin intey bogsan lahayd wey kasii daraysay. 27Markey Ciise warkiisa maqashay ayey dadkii soo dhex martay oo ey gadaashiisa timid, markaas ayey maradiisa taabatay, 28waayo waxey isku tiri, “Haddii aan maradiisa taabto waan bogsan doonaa.” 29Isla markiina dhiiggii ka socday wuu joogsaday oo waxey jirkeeda ka dareentay in cudurkii laga xoreeyay.
30Isla waqtigaasba Ciise wuxuu gartay in xoogga wax lagu bogsiiyo isaga ka baxay. Markaas ayuu dadkii badnaa u jeestay oo weydiiyay, “Yaa dharkeyga taabtay?”
31Markaas ayaa xertiisi u jawaabeen oo yiraahdeen, “Waad u jeedaa dadkan badan oo kugu ag ururay, sidee ayaad u weydiin kartaa, ‘Yaa i taabtay?’ ”
32Laakiin Ciise dadkii ayuu fiiriyay si uu u arko qofka isaga taabtay. 33Kadib naagtii oo ogaatay in la bogsiiyay ayaa timaaday oo cagihii Ciise ku dhacday, iyadoo cabsi la giriiraysa, oo sheegtay runtii wixii ey sameysay. 34Ciise ayaa ku yiri, “Gabadheydiyey iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay. Nabad ku tag oo ka xorrow xanuunkii ku hayay.”
35Ciise oo weli hadlaya ayaa kuwa ka yimaadeen gurigii Yayros, kaasoo hogaamiyaha sunagogga ahaa, oo ku yiraahdeen, “Gabadhaadi wey dhimatay, ee macalinka maxaad u dhibaysaa?”
36Ciise markii uu arintan maqlay ayuu ku yiri Yayros kan sunagogga hogaamiya, “Ha cabsan ee iimaan lahaw.”
37Qofna uma ogolaan inuu raaco waxaanan ka ahayn Butros, Yacquub iyo Yooxanaa. 38Markey yimaadeen gurigii Yayros kan sunagogga hogaamiya ayaa waxey arkeen dadkii oo ooynaya oo aad u barooranaya. 39Ciise intuu gurigii galay ayuu ku yiri, “Maxaad u buuqaysaan oo aad u ooyneysaan? Cunugtu ma dhimanin ee wey jiiftaa.” 40Laakiin wey ku qosleen isaga.
Markaas ayuu Ciise iyagoo dhan banaanka u saaray oo la haray gabadha waalidkeed iyo xertiisi, oo waxey galeen gabadhu halkii ey jiiftay. 41Gabadhii ayuu gacanta qabtay oo ku yiri, “Talita qumi!” (Taas oo macnaheedu yahay “Yariisay, waxaan kugu leeyahay kac!”) 42Isla markiiba gabadhii wey kacday oo waxey bilowday iney socoto. Dadkii oo dhan ayaa aad uga yaabeen arintan. 43Laakiin Ciise wuxuu iyaga ku amray in eysan qofna u sheegin arintaas, wuxuuna u sheegay iney cunto siiyaan gabadha.
Currently Selected:
Markos 5: EI
Highlight
Share
Copy

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.