YouVersion Logo
Search Icon

Markos 4

4
Tusaalihii beeraleyda
1Kadib Ciise wuxuu dadka ku barayay xagga warta Galili. Dad badan ayaa ag yimid, wuxuuna fuulay doon biyaha ku jirtay oo wuu fariistay, dhamaan dadkiina waxey joogeen xeebta warta qarkeeda si ey u dhageystaan isaga. 2Waxyaalo badan ayuu tusaale ku baray, markii uu wax barayay wuxuu u sheegay tusaalahaan. 3“Dhagaysta! Nin beeraley ah ayaa u baxay inuu abuurkiisi beerto. 4Markii uu beerayay, abuurkii qaar ayaa ku dhacay jidka agtiisa, oo shimbirrihii ayaa cuneen. 5Qaarna waxey ku dhaceen meel dhagaxyo leh oo ciiddu ku yartahay isla markiina wey soo baxeen waayo ciiddu dhulka kuma badneyn. 6Kadib markii qoraxdii soo baxday, wey gubteen weyna qalaleen maxaa yeelay xidid ma lahayn. 7Kuwa kalana waxey ku dhex dhaceen qodaxyo, markey soo baxeenna qodaxyadii ayey kasoo dhex bixi waayeen, sidaa darteed may bixinin mirro. 8Kuwa kalana waxey ku dhaceen carro fiican, taas oo qaar soo saartay boqol jibaar qaarna lixdan jibaar qaarna soddon jibaar in ka badan wixii la abuuray.”
9Kadib Ciise ayaa iyaga ku yiri, “Mid walboo dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.”
10Markii dadkii badnaa ka tageen ayaa laba iyo tobankii xertiisa ahaa iyo kuwa kale oo la jiray isaga weydiiyeen wax ku saabsan tusaalihii. 11Markaas ayuu ku yiri, “Waxaa la idin siiyay sirta boqortooyada Illaah. Laakiin kuwa kale waxaan ku barayaa tusaale. 12Sababtoo ah,
“ ‘Wax ayey fiiriyaan, mana arkaan,
wax ayey maqlaan, mana fahmaan,
haba ahaatee hadday ey Illaahey u soo laabtaan waa la cafin lahaa!’ ”
13Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Haddii eydan tusaalahaan fahmin, sidee ayaad tusaale kale ku fahmi doontaan? 14Haddaba waxa beeraleygu abuurtay waa ereyga Illaahey. 15Dadka qaarkood waa sida abuurka jidka ku dhacay ereyga wey maqlaan laakiin Shaydaanku intuu u yimaado ayuu qalbigooda ka saaraa ereygii lagu beeray. 16Kuwa kalana waa sida abuurkii ku dhacay meesha dhagaxyada leh ereyga farxad ayey ku qaateen markey maqleen. 17Laakiin iimaankooda oo aan sal adag lahayn dartiis, waxey sii jiraan waqti yar. Markii dhib iyo silac yimaado ereyga dartiisna, isla markiiba iimaanka wey ka laabtaan. 18Abuurkii meesha qodaxda leh ku dhacayna waa kuwa ereyga maqla, 19laakiin welwelka noloshan, damaca taajirnimada iyo rabitaanka waxyaalo kale ayaa baabi’iya warkii wanaagsanaa, wuxuuna noqdaa mirro la’aan. 20Kuwa kalana waa sida abuurkii carrada fiican lagu beeray, waa kuwa ereyga maqla oona aqbala kadibna mirro dhala waxeyna soo saaraan soddon jibaar, lixda jibaar qaar kalana boqol jibaar in ka badan intii la beeray.”
Tusaalihii feynuusta
21Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Miyaad laambad u shidaan si aad weel ugu dabooshaan ama sariirta hoosteeda u dhigtaan? Laambada soo lama dhigo laambad saarka? 22Waayo wax walboo qarsoon waxaa loogu talagalay iney banaanka u soo baxaan, wax walboo daboolanna iftiinka ayaa la keeni doonaa. 23Qofkii dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.”
24Hadalkii ayuu watey, “Ka fiirsada waxaad maqashaan, waayo qiyaastii aad ku qiyaastaan iyo in ka badan ayaa la idin ku qiyaasi doonaa. 25Mid walboo wax haysta waxaa la siin doonaa in ka badan intuu haysto, laakiin kuwa aan waxba haysaninna xitaa waxey haystaan waa laga qaadi doonaa.”
Tusaalihii iniintii la abuuray
26Sidoo kale Ciise wuxuu yiri, “Boqortooyada Illaahey waa sida nin abuur dhulka ku daadshay. 27Beeraleydu habeenkii wey seexdaan subixiina wey soo kacaan, laakiin abuurkii wuu baxaa wuuna weynaadaa iyagoo aan garaneynin sida ey ku dhacday. 28Dhulka kaligiis ayaa badar bixiya, marka hore wuxuu bixiyaa jirrida iyo sabuulka kadibna sabuulkii ayaa mirro bixiya. 29Kadib badarkii markii uu bislaado waxey ku gooyaan mindi waayo waqtiga beer gooyska wuu yimid.”
Tusaalihii iniinta khardalka
30Ciise ayaa haddana yiri, “Maxaan u ekeysiin karnaa boqortooyada Illaah? Tusaalaheen u ekeysiin karaa? 31Waxey u egtahay iniin khardal ah taas oo ah iniinta ugu yar dhulka oo dhan. 32Laakiin haddii uu nin beertiisa ku beero wey baxdaa oo waxeyna noqotaa geed weyn shimbirraha hawadana laamihiisa ayey buulal ka dhistaan.”
33Tusaalahaan iyo kuwa kale oo badan ayuu Ciise isticmaalay inuu ereyga ku baro iyaga si ey u fahmaan. 34Waxna uma uusan sheegin tusaale ahaan maahee, laakiin markii uu la joogo xertiisa wuu u faahfaahinayay wax walba.
Ciise oo duufaanta dejiyay
35Maalintaas galabteedii markii la gaaray ayuu Ciise xertiisi ku yiri, “Bal aan dhinaca kale tagno.” 36Dadkii badnaa ayey ka tageen oo waxey galeen doontii uu Ciise ku jiray oo dhinaca kale ayey tageen, dooma kale ayaana la jiray. 37Isla markiiba waxaa kacay duufaan daran, hirarkiina doontii ayey ku dhaceen oo doontiina biyo ayaa ka buuxsami gaaray. 38Ciisana wuxuu joogay xagga dambe ee doonta wuuna jiifay barkin. Markaas ayaa xertiisi kiciyeen isaga oo ku yiraahdeen, “Macalinow, miyeysan waxba kula ahayn haddii ey biyuhu na qaadaan?”
39Isla markii ayuu kacay oo canaantay duufaantii iyo hirarkii oo ku yiri, “Aamus oo deg!” Kadibna duufaantii ayaa degtay oo wax walbana wey wada aamuseen.
40Markaas ayuu xertiisi ku yiri, “Maxaad sidan oo dhan ugu cabsateen? Iimaan malihidiin miyaa?”
41Markaas ayey xertii wada argagaxeen oo ey is weydiiyeen, “Kani yuu yahay? Xitaa duufaanta iyo hirarka ayaa adeecaya!”

Currently Selected:

Markos 4: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in