YouVersion Logo
Search Icon

Markos 3

3
Ciise oo maalinta Sabtida dad bogsiiyay
1Mar kale ayuu Ciise tagay sunagogga, halkaasna waxaa joogay nin gacanta curyaan ka ahaa. 2Farrisiintii waxey raadinayeen marmarsiyo ey Ciise ku dacweeyaan, waxey fiirinayeen inuu Ciise maalinta Sabtida ah qof bogsiiyo. 3Markaas ayuu Ciise ku yiri ninkii gacanta curyaanka ka ahaa, “Kac oo dadka oo dhan soo hor istaag.”
4Kadibna Ciise ayaa iyaga weydiiyay, “Maalinta Sabtida ah sharcigeena muxuu noo ogolaadaa inaan sameyno? In wax wanaagsan la sameeyo ama wax xun, in nolol la badbaadiyo ama in la dilo?” Markaas ayey wada aamuseen.
5Markaas ayuu Ciise iyagii fiiriyay isaga oo xanaaqsan, aad ayuuna uga xumaaday qalbi adeegooda, kadibna ninkii ayuu ku yiri, “Fidi gacantaada.” Isaguna wuu fidiyay gacantiisana wey bogsatay. 6Markaas ayey Farrisiintii tageen oo la qorsheeyeen dadkii boqor Herodos raacsanaa sidii ey Ciise u dili lahaayeen.
Dad badan ayaa Ciise raacay
7Ciise wuxuu la tagay xertiisi warta agteeda, markaas ayaa dad badan oo ka yimid Galili iyo Yahuudiya ayaa iyaga soo raaceen. 8Markey maqleen waxyaalihii uu sameynayay oo dhan ayey ka kala yimaadeen Yuhuudiya, Yeruusaalem, Idumiya, kuwa kalana waxey ka yimaadeen meelahaas Urdun iyo gobolada Turos iyo Siidoon. 9Dadkii badnaa dartood ayuu Ciise ku yiri xertiisi ii diyaariya doon yar, si eysan dadku isaga ugu soo ag ururin. 10Haddaba Ciise dad badan ayuu bogsiiyay, sidaa darteed kuwa kale oo xanuusanna waxey isku dhex ciriiriyeen dadkii badnaa si ey u yimaadaan horey oo ey u taabtaan isaga. 11Dadkii ruuxyada wasakhda leh qabayna markey Ciise arkeen intey dhulka ku dhaceen ayey yiraahdeen, “Waxaad tahay Wiilka Illaahey.” 12Laakiin aad ayuu uga digay in eysan qofna u sheegin wax isaga ku saabsan.
Ciise oo doortay xertiisi laba iyo tobanka ahayd
13Ciise wuxuu tagay dhinaca buurta, oo wuxuuna u yeeray xertiisa wayna u yimaadeen. 14Wuxuu doortay laba iyo tobankii rasuullada ahaa si ey ula joogaan oo uu u diro si ey u soo wacdiyaan, 15iyo iney lahaadaan awood ey ruuxyada wasakhda leh ku saaraan.
16Kuwani waa laba iyo tobankii uu doortay.
Simoon (kan uu u bixiyay Butros),
17Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa (wuxuu u bixiyay Bo’anegres taas oo macnaheedu yahay “wiilashii onkodka”),
18Andaros,
Filibos,
Bartolomayos,
Matayos,
Toomas,
Yacquub ina Alfayos,
Tadayos,
Simoon reer Kaana
19iyo Yuudas Iskariyod kii gacangeliyay.
Ciise oo cadeeyay in uusan isticmaalin xoogga Shaydaanka
20Markii uu Ciise guriga tagay ayaa haddana dad badan isku urureen, oo isaga iyo xertiisana ma eysan awoodin iney wax cunaan. 21Reerkiisa markey maqleen arintan ayey u yimaadeen si ey xaafada ugu wadaan, oo waxey yiraahdeen, “Wuu waalanyahay.”
22Macalimiinta sharciga Muusana waxey ka yimaadeen Yeruusaalem oo waxey yiraahdeen, “Wuxuu ruuxyada wasakhda leh ku saaraa waa awoodda Be’elsebul oo ah amiirka ruuxyada wasakhda leh.”
23Balse Ciise intuu iyaga iskugu yeeray ayuu bilaabay inuu kula hadlo tusaalahan, “Sidee ayuu Shaydaanku Shaydaan kale u saari karaa? 24Haddii boqortooyo kala qeybsanto, boqortooyadaas ma taagnaan karto. 25Reer walboo kala qeybsamana wuu dumayaa. 26Marka haddii boqortooyada Shaydaanku kala qeybisanto oo ey isweeraraan sidee ayey u taagnaan doontaa, taasi dhamaadkiisa ayey noqon. 27Ninna nin xoog leh intuu gurigiisa galo alaabtiisa kama dhici karo, marka hore waa inuu ninka xoogga leh xiraa, kadibna guriga dhacaa. 28Run ahaantii waxaan idin ku leeyahay, binu aadanka waa loo cafin doonaa dembiyada iyo caayda ey ku caaytamaan oo dhan, 29laakiin mid walboo caaya Ruuxa Quduuska ah weligiis lama cafin doono, waayo wuxuu ku eedeysanyahay dembi weligiis ah.”
30Ciise waxyaalahan wuxuu u yiri waayo iyaga ayaa isaga ku yiri, “Wuxuu qabaa ruuxyo wasakh leh.”
31Markaas ayaa waxaa yimid Ciise hooyadiis iyo walaalihiis, oo waxey istaageen banaanka qof ayeyna u direen inuu u yeero Ciise. 32Dadkii badnaa oo agtiisa fadhiyay ayaa ku yiri, “Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa jooga banaanka oo wey ku raadinayaan.”
33Markaas ayaa Ciise iyaga weydiiyay, “Yaa waaye hooyaday iyo walaalahay?”
34Kadibna wuxuu fiiriyay dadkii isaga ag fadhiyay wuxuuna ku yiri, “Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay! 35Mid walboo sameeya doonista Illaahey wuxuu noqonayaa hooyaday iyo walaalahay.”

Currently Selected:

Markos 3: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in