Markos 7
7
Waxyaalaha qofka nijaaseeya
1Haddaba qaar ka mid ah Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga Muuse oo ka yimid Yeruusaalem ayaa ku soo ag ururay Ciise, 2waxeyna arkeen xertii qaarkood oo cunteynaya iyagoo gacmahooda wasaq ah oo aan la dhaqin. 3Waayo Farrisiinta iyo Yuhuudda wax ma cunaan iyagoo aan gacmaha dhaqanin si ey u ilaaliyaan caadada odayaasha. 4Markey wax suuqa ka iibsadaanna ma cunaan iyagoo aan dhaqin. Waxyaalo badan oo dhaqankooda ku saabsan ayaa jira oo ey ilaaliyaan, sida dhaqitaanka koobka, jeega iyo jalmad naxaas ah.
5Markaas ayaa Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga Muuse weydiiyeen Ciise, “Xertaadu maxaysan u ilaalin dhaqanka odayaasha, waayo gacmahooda wasaq leh oo aan la dhaqin ayey wax ku cunaan?”
6Markaas ayuu Ciise ugu jawaabay, “Nebi Isayos wuu saxsanaa markii uu sii sheegay waxa idin ku saabsan labawejiilayaal yahow, sida qoran,
“ ‘Dadkan waxey igu qadariyaan afkooda,
laakiin qalbiyadoodu aad ayey iiga fog yihiin.
7 Si been ah ayey ii caabudaan,
waxeyna dadka baraan amarro binu aadanku sameeyay.’
8 Oo waxey ka tageen amarrada Illaahey waxeyna haystaan waxbaridii binu aadanka.”
9Hadalkii ayuu sii watay, “Waxaad iska dheggo tirteen amarrada Illaahey si aad dhaqankiina u ilaalisaan! 10Waayo Muuse ayaa yiri, ‘Aabahaa iyo hooyadaa xushmee, oo qofkii caaya aabihiis ama hooyadiis waa in la dilaa.’ 11Laakiin waxaad dhahdaan ma banaana in qof uu siiyo hooyadiis iyo aabihiis maalkiisa hadduu ku yiraahdo Illaahey ayaan hadiyad ugu baxsaday wixii aan idin siin lahaa. 12Kadibna mar dambe uma ogolaanaysaan inuu waalidkiis caawiyo. 13Sidaa darteed awooddii ereyga Illaahey waxaad ku burburiseen waxbaridiina.”
14Markaas ayaa Ciise haddana dadkii badnaa iskugu yeeray oo ku yiri, “Bal kuligiin i dhageysta oo arintan fahma. 15Cuntadaad cuntid kuma nijaaseynayso, laakiinse waxa qofka nijaaseeya waa waxa qalbigiisa kasoo baxa. [16Qofkii dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.”]#7:16 Qoraallada qaar ma laha aayadda 16.
17Markey ka tageen dadkii badnaa oo ey galeen guriga ayaa xertii weydiiyeen Ciise waxyaalo ku saabsan tusaalahaan. 18Markaas ayuu u jawaabay oo ku yiri, “Idinkuna ma fahmi weydeen? Miyeydan ogayn in waxaad cuntid eysan ku nijaaseynin? 19Waayo waxyaalahaas qalbiga ma galaan ee caloosha ayey galaan kadibna suuliga la geeyo.” (Ciise markii uu waxyaalahan ka hadlayay cuntada oo dhan ayuu xalaal ka dhigay.)
20Ciise hadalkii ayuu sii watay, “Waxa qofka kasoo baxa ayaa nijaaseeya. 21Waayo qalbigeena waxaa kasoo baxa, fikradaha sharta leh, sinada, tuugnimada iyo dilka, 22gogol dhaafka, damaca, hungurinimada, xaasidnimada, been sheegida, kufsiga, il xumada, caayda, camal xumaanta iyo kibirka. 23Waxyaalahan oo dhan qalbiga ayey ka yimaadaan oo waxey nijaaseeyaan qofka.”
Iimaankii naagta aan Yuhuudda ahayn
24Ciise halkaas wuu ka tagay oo wuxuu aaday meel u dhaw magaalada Turos. Qof ayuu gurigiisa joogay oo ma uusan dooneyn in dadku ogaadaan meesha uu joogo, laakiin dadkii wey ogaadeen meesha uu joogay. 25Markaas ayaa naag gabadheeda ruux wasakh leh qabtay maqashay halkii uu Ciise joogay. Isla markiina wey u timaaday oo lugihiisa isku tuurtay. 26Naagtu waxey ahayd Gariig waxeyna ku dhalatay Suuriyadii Foynike. Waxeyna ka bariday Ciise inuu gabadheeda ruuxyada wasakhda leh ka saaro.
27Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Marka hore caruurtayda ha dhergaan, waayo ma wanaagsana in caruurta kibistooda laga qaado oo loo tuuro eeyaha.”
28Markaas ayey haweeneydii ku jawaabtay, “Rabbiyow, xitaa eeyuhu miiska caruurta ku cunteynayaan hoos fadhiyaanba waxey cunaan jajabka caruurta ka dhacay.”
29Kadibna Ciise wuxuu iyada ku yiri, “Jawaabtaad i siisay darteed ruuxyadii wasakhda lahaa gabadha wey ka baxeen ee tag.”
30Markey guriga tagtay waxey aragtay cunugteeda oo sariirta ku jiifta oo ruuxyadii wasakhda lahaana ka baxeen.
Ciise wuxuu bogsiiyay nin aan hadli karin
31Kadib Ciise wuxuu ka tagay deegaankii Turos ku dhawaa, wuxuuna maray Siidoon oo yimid wartii Galili illaa gobolka Dekabolis. 32Halkaas isaga oo jooga ayaa dadkii u keeneen nin dhagool ah oo aan si fiican u hadli karin, markaas ayey Ciise ka baryeen inuu bogsiiyo isaga.
33Markaas ayaa Ciise dadkii badnaa ninkii ka dhex saaray oo dhinac ugula baxay, oo farahiisa ayuu dhegta ka geliyay, kadibna gacantiisi ayuu candhuuf mariyay oo ku taabtay ninkii carrabkiisa. 34Markaas ayuu samada fiiriyay oo ninkii ku yiri, “Efata,” taas oo macnaheedu tahay, “Furan!” 35Isla markiiba dhegahiisi wey furmeen oo carrabkiisina wuu dabcay oo wuxuuna bilaabay inuu si fiican u hadlo.
36Ciisana wuxuu iyagii ku amray in eysan qofna u sheegin arintan. Laakiin siduu usii amrayay ayey iyagana usii sheegayeen. 37Dadka aad iyo aad ayey u yaabeen oo waxey yiraahdeen, “Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyaa, wuxuu bogsiiyay qof aan wax maqli karin oo xitaa hadalku dhibo.”
தற்சமயம் தேர்ந்தெடுக்கப்பட்டது:
Markos 7: EI
சிறப்புக்கூறு
பகிர்
நகல்

உங்கள் எல்லா சாதனங்களிலும் உங்கள் சிறப்பம்சங்கள் சேமிக்கப்பட வேண்டுமா? பதிவு செய்யவும் அல்லது உள்நுழையவும்
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.