Falimaha 6

6
Doorashadii toddobada nin
1Markey dad badan kusoo darsamayeen xerta Sayid Ciise ayaa waxaa dhacday in qaar ka mid ah Yuhuuddii Gariigga ahayd ey ka dacwoodeen kuwii Cibraaniyiinta ahaa. Maxaa yeelay carmalooyinkoodi ayaa la iska indha tirayay qeybinta cuntada maalinlaha ah. 2Markaas ayaa laba iyo tobankii rasuul iskugu yeereen xertii oo dhan waxeyna ku yiraahdeen, “Ma wanaagsana inaan adeegida ereyga Illaahey kaga mashquulno cunto qeybin darteed. 3Sidaa darteed walaalayaalow, iska dhex doorta toddoba nin oo sharaf iyo xigmad leh oo uu Ruuxa Illaahey ka buuxo. Waxaan masuul uga dhigeynaa arimahan. 4Anaguna waa inaan waqtigeena ku qaadanaa duceysi iyo faafinta ereyga Illaah.”
5Hadalkaas ayaa ka wada farxiyay dadkii oo dhan, waxeyna ugu hor doorteen Istefanos oo ahaa nin iimaan weyn leh Ruuxa Quduuska ahna ka buuxo. Kadibna waxey doorteen Filibos, Barokhoros, Nikanoor, Timoon, Barmenaas iyo sidoo kale Nikolas kii reer Antiyokh ee diinta Yuhuudda qaatay. 6Waxeyna toddobadii nin hor keeneen rasuulladii, kadibna rasuulladii wey u duceeyeen gacantana dusha ayey ka saareen iyagoo Illaahey weydiinaya inuu barakeeyo.
7Markaas ayaa ereygii Illaah faafay. Dad badan oo Yeruusaalem joogayna waxey noqdeen xerta Sayid Ciise, kuwa tira badan oo wadaaddo ahaana waxey rumeysteen Ciise.
Istefanos oo la qabtay
8Haddaba Istefanos oo ahaa nin ey ka buuxdo nimcada Illaahey iyo awood ayaa dadka dhexdooda ku sameeyay mucjisooyin waaweyn. 9Laakiin waxaa kacay mucaaradkii, haba ahaatee kuwa ka mid ah sunagogga xoryada dadka, sida loo yaqaanay, Yuhuudda ka timid Sayriin iyo Iskanderiya oo ka tirsanaa koox isku magacaabi jirtay kuwii xorta ahaa#6:9 Kuwii xorta ahaa Koox Yuhuudda oo la adoonsan jiray laakiin hadda xor ah. iyo qaar ka yimid Kilikiya iyo Aasiya ayaa bilaabay iney la murmaan Istefanos. 10Laakiin ma eysan ka hor imaan karin xigmadda uu Ruuxa Quduuska ah siiyay markii uu hadlayo.
11Sidaa darteed waxey ku laaluusheen niman iney yiraahdaan, “Waxaan maqalnay Istefanos oo wax xun ka sheegaya sharciga Muuse iyo Illaahey!”
12Markaas ayey Istefanos ku kiciyeen dadkii, odayaashoodi iyo macalimiintii sharciga. Kadib intey Istefanos qabteen ayey golihii shirka hor geeyeen. 13Niman ayaana marqaati been ah ku furay oo yiri, “Ninkani wuxuu mar walba waxyaalo xun ka sheegaa macbadkan quduuska ah iyo sharciga Muuse. 14Waxeynu maqalnay isaga oo leh Ciisihii reer Naasared meeshan wuu dumin doonaa wuuna beddeli doonaa caadooyinkii uu Muuse nooga tagay.”
15Kuwii meesha fadhiyay oo dhan ayaa Istefanos aad u fiiriyay, waxey arkeen in muuqaalkiisu uu ahaa sida waji malag.

ಪ್ರಸ್ತುತ ಆಯ್ಕೆ ಮಾಡಲಾಗಿದೆ:

Falimaha 6: EI

Highlight

ಹಂಚಿಕೊಳ್ಳಿ

ಕಾಪಿ

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in