Logo YouVersion
Icona Cerca

BILOWGII 49

49
Yacquub Oo Barakeeyey Wiilashiis
1Markaasuu Yacquub wiilashiisii u yeedhay; oo wuxuu ku yidhi, Isa soo urursada, aan idiin sheego waxyaalaha maalmaha ugu dambeeya idinku dhici doona.
2Wiilashii Yacquubow, isa soo urursada, oo maqla,
Oo i dhegaysta anigoo ah aabbihiin Israa'iil.
3Ruubeenow, waxaad tahay curadkayga, iyo xooggayga, iyo itaalkayga bilowgiisa,
Xagga sharafka adaa u sarreeya, xagga xooggana adaa u sarreeya.
4Waxaad tahay sida biyo socda, oo ma sarrayn doontid,
Maxaa yeelay, adigu waxaad fuushay sariirtii aabbahaa;
Waanad nijaasaysay. Wuxuu fuulay sariirtaydii.
5Simecoon iyo Laawi waa walaalo,
Seefahoodu waa hub dirireed.
6Naftaydiiyey, ha gelin guddigooda,
Oo ururkoodana ha la midoobin, ammaantaydiiyey;
Waayo, cadhadoodii nin bay ku dileen,
Oo qushigooday dibi ku boqno jareen.
7Habaar ha ku dhaco cadhadooda, waayo, xoog bay lahayd,
Habaar ha ku dhaco ciilkooda, waayo, naxariis ma uu lahayn.
Reer Yacquub baan ku kala qaybin, oo reer binu Israa'iil baan ku kala firdhin.
8Yahuudahow, walaalahaa waa ku ammaani doonaan.
Gacantaadu waxay saarnaan doontaa cadaawayaashaada qoortooda,
Anigoo ah aabbahaana wiilashaydu way kuu sujuudi doonaan,
9Yahuudah waa libaax dhashiis.
Wiilkaygiiyow, wixii aad ugaadhsatay waad ka tagtay.
Wuu kadaloobsaday, oo wuxuu u jiifsaday sida aar,
Iyo sida gool, haddaba yaa kicin doona?
10Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah,
Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto;
Ilaa Shiiloh yimaado;
Dadkuna isagay addeeci doonaan.
11Qaylkiisa wuxuu ku xidhaa geed canab ah,
Dameerkiisa yarna canabka la doorto,
Dharkiisa wuxuu ku maydhaa khamri,
Lebiskiisana dhiig canab.
12Indhihiisu waxay la guduudan doonaan khamri,
Ilkihiisuna waxay la caddaan doonaan caano.
13Sebulun wuxuu degganaan doonaa badda xeebteeda.
Wuxuuna noqon doonaa marsada doonniyaha,
Xuduudkiisuna wuxuu ahaan doonaa Siidoon agteeda.
14Isaakaar waa dameer xoog weyn,
Oo jiifsada xeryaha idaha dhexdooda.
15Oo wuxuu arkay meel lagu nasto inay wanaagsan tahay,
Iyo dhulku inuu nimcaysan yahay;
Kolkaasuu garbihiisa u soo goday inuu wax ku qaado,
Oo addoon buu u noqday hawshii.
16Daanna wuxuu dadkiisa u xukumi doonaa
Sidii qabiilooyinka Israa'iil middood.
17Daan wuxuu noqon doonaa abeeso jidka dhex joogta,
Iyo jilbis waddada dhex yaal,
Oo fardaha cedhbaha ka qaniina,
Si uu kii faraska ku joogaana dib ugu dhaco.
18Rabbiyow, waxaan sugayay badbaadintaada.
19Waxaa Gaad cidhiidhi gelin doonta guuto wax dhacda;
Laakiinse isna cedhibtooduu cidhiidhi gelin doonaa.
20Aasheerna cuntadiisu subag bay lahaan doontaa,
Wuxuuna keeni doonaa cunto ay reer boqor ku farxaan.
21Naftaali waa cawl la furay,
Hadallo wanwanaagsanna wuu ku hadlaa.
22Yuusuf waa laan midho leh,
Waa laan midho leh oo il biyo ah ku ag taal;
Laamihiisuna derbigay kor u dhaafaan.
23Qaansolayaasha ayaa aad u dhibay,
Wayna toogteen oo silciyeen;
24Laakiinse qaansadiisu xoog bay sii yeelatay,
Dhudhummadii gacmihiisana waxaa lagu xoogeeyey
Gacmaha Kan xoogga leh oo Yacquub,
(Kaasuu adhijirku ka imanayaa, waana dhagaxii Israa'iil)
25Oo ah Ilaaha aabbahaa oo ku caawimi doona,
Iyo Ilaaha Qaadirka ah, oo kugu barakayn doona
Barakooyinka samada sare,
Iyo barakooyinka moolka hoos jiifa,
Iyo barakooyinka naasaha iyo maxalka.
26Barakooyinkii aabbahaa
Way ka xoog badnaadeen barakooyinkii awowayaashay
Ilaa meesha ugu fog oo buuraha weligood waara;
Waxay saarnaan doonaan madaxa Yuusuf,
Iyo dhakada kan walaalihiis laga soocay.
27Benyaamiin waa yeey hilib dillaacsada;
Oo aroorta wuxuu cuni doonaa wixii uu ugaadhsaday,
Fiidkana wuxuu qaybin doonaa wixii uu dhacay.
28Kuwan oo dhammu waa laba iyo tobankii qabiil oo reer binu Israa'iil; tanuna waa wixii aabbahood kula hadlay oo ugu duceeyey; mid walbana sidii ducadiisu ahayd buu ugu duceeyey.
Dhimashadii Yacquub
29Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed, 30kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah. 31Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo afadiisii Saarahba, halkaasaa lagu aasay Isxaaq iyo afadiisii Rebeqahba, oo anna Lee'ah baan ku aasay halkaas 32oo ah berrinka iyo godka ku dhex yaalba, oo laga iibsaday reer Xeed. 33Oo markii Yacquub dhammeeyey dardaarankii uu wiilashiisii kula dardaarmayay ayuu cagihiisii ku soo urursaday sariirta, oo markaasuu naf baxay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii.

Attualmente Selezionati:

BILOWGII 49: SOM08

Evidenziazioni

Condividi

Copia

None

Vuoi avere le tue evidenziazioni salvate su tutti i tuoi dispositivi?Iscriviti o accedi