Luukos 21

21
Sadaqadii Carmalada
1Ciise ayaa arkay kuwii taajiriinta ahaa oo sadaqadooda sanduuqa macbadka ku ridaya. 2Wuxuu kaloo arkay carmalad masaakiin ah oo iyadana ku ridaysa shilimaad maar. 3Markaas ayuu Ciise dadkii ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, carmaladaan maskiinta ah ayaa ku riday sanduuqa in ka badan dadka kaloo dhan. 4Waayo dadkan oo dhan waxey sadaqeysteen wax yar oo ka mid ah hantidoodi, laakiin iyadu waxey bixisay waxey lacag ka haysatay oo ey ku sii noolaan lahayd.”
Ciise oo sii sheegay dumida macbadka
5Qaar ka mid ah xertiisi ayaa ka hadlayay sida macbadka loogu sharaxay dhagxan qurux badan iyo hadiyadaha loo bixiyay Illaahey dartiis. Laakiin Ciise ayaa yiri, 6“Waxyaalahan aad aragtaan oo dhan, waqti ayaa imaan doona oo dhagax dhagax kale dul saaran aan la dhaafi doonin, kuli waa la burburin doonaa.”
7Markaas ayey weydiiyeen, “Macalin, waxyaalahan goorma ayey dhici doonaan? Calaamadee ayaan ku garan doonaa iney dhici rabaan?”
8Ciise ayaa ugu jawaabay, “Iska ilaaliya yaan la idin khiyaanin. Waayo kuwa badan ayaa magacayga ku imaan doona, iyagoo dhahaya ‘Waxaan ahay Masiixa!’ Waxey kaloo dhihi doonaan, ‘Waqtigu wuu dhawyahay!’ Ee iska jira in aad raacdaan. 9Markaad maqashaan dagaallo iyo rabshado ha cabsanina. Waxyaalahan waa iney marka hore dhacaan, laakiin ma aha in dhamaadkii la gaaray.”
10Wuxuu kaloo ku yiri, “Qowmiyadna qowmiyadda kale ayey ka hor imaan doontaa, boqortooyana boqortooyada kale ayey ka hor imaan doontaa. 11Waxaa jiri doona dhul gariir aad u weyn, meelo badanna dadku gaajo iyo xanuuno aad u xun ayey u dhiman doonaan. Waxaa kaloo samada laga arki doonaa waxyaalo cabsi leh iyo calaamado waaweyn.
12 “Laakiin waxyaalahan oo dhan ka hor, wey idin qaban doonaan oo idin silcin doonaan. Waxeyna idin ku gacan galin doonaan sunagogyada oo idin dhigi doonaan xabsiga. Aniga daraadeydana waxaa la idin hor keeni doonaa boqorro iyo taliyayaal si ey idiin xukumaan. 13Laakiin taas waxey idiin ahaan doontaa fursad aad aniga iigu marqaatifurtaan. 14Hana ka welwelina waxaad dhihi lahaydeen si aad naftiina u difaacdaan. 15Waayo waxaan idin siin doonaa xigmad aad ku garataan waxaad dhahdaan, cadowgiinuna idin kuma heli doono hadal is qilaafsan. 16Xitaa sidoo kale waxaa idin khiyaani doona waalidkiin, walaalihiin, qaraabadiina iyo xitaa saaxiibadiin, qaarkiinna wey dili doonaan. 17Aniga daraadey ayuuna qof walba idiin nici doonaa. 18Laakiin waxba idin ma gaari doonaan. 19Daacada aad ii tihiin daraadeed waxaad heli doontaan noloshiina.
20 “Markaad aragtaan Yeruusaalem oo ey ciidamo hareereeyeen, waxaad ogaataan in waqtigii duminteeda la gaaray. 21Haddaba kuwa Yahuudiya joogaa ha u cararaan buuraha, kuwa magaalada Yeruusaalem joogana ha ka baxaan, kuwa banaanka ka joogana yeysan ku laabanin magaalada. 22Maxaa yeelay waqtigaas waxaa la ciqaabayaa dadka Yeruusaalem si looga dhabeeyo waxa ku qoran kitaabka. 23Waqti dhib badan ayey u ahaan doontaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya! Waayo dhulka waxaa ka dhici doona dhibaato aad u daran dadkana waxaa ku dhici doona carada Illaahey. 24Qaarkood waxaa lagu dili doonaa seefo qaarka kalana waxaa loo kaxaysan doonaa waddama kale iyagoo maxaabiis ah. Magaalada Yeruusaalemna waxaa la wareegi doona dad aan Illaahey garaneyn illaa uu dhamaado waqtigii uu Illaahey ugu talagalay dadka aan Yuhuudda ahayn iney xukumaan.
25 “Calaamado layaab leh ayaad ku arki doontaan qoraxda, dayaxa iyo xiddigaha. Dadka dhulka joogtana waxey ka welweli doonaan oo ka cabsan doonaan guuxa badda iyo awoodda hirarkeeda. 26Dadkuna waxey la suuxi doonaan argagax, waxa aduunka ka dhacaya daraadiis. Awoodaha cirkana waa la gariirin doonaa. 27Markaas ayey dadku arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imaanaya isaga oo awood weyn iyo ammaan leh. 28Goortii ey waxan oo dhan bilowdaan iney dhacaan, istaaga madaxiinana kor u qaada, waayo madax furashadiinu wey soo dhawaatay.”
29Ciise ayaa haddana u sheegay tusaalahaan, “Fiiriya geedka berdaha ah iyo geedaha oo dhan. 30Markey caleemo bixiyaan, waad garaneysaan in roobku dhowyahay. 31Sidaas markaad aragtaan waxyaalahan oo dhacaya waad ogtihiin in boqortooyada Illaahey ey dhowdahay.
32 “Runtii waxaan idin ku leeyahay, dadka qarnigaan wey noolaan doonaan illaa ey waxyaalahan oo dhan ka dhacaan. 33Cirka iyo dhulka wey dhamaan doonaan, laakiin ereyadaydu weligood ma dhamaan doonaan.
34 “Iska jira, iney qalbiyadiinu ku mashquulaan cunid badan iyo sarqaamid iyo ka welwelida nolosha. Haddii kale maalintaas waxey idin ku soo kadin doontaa sida dabin oo kale. 35Weyna u imaan doontaa qof walboo aduunka jooga. 36Is ilaaliya, mar walbana ku duceysta si aad u awoodaan inaad ka baxsataan waxaas dhici doona, oo aad u awoodaan inaad hor istaagtaan Wiilka Aadanaha.”
37Maalin walba Ciise wuxuu dadka wax ku barayay macbadka, habeen walbana wuxuu aadayay buur la yiraahdo Buur Saytuun, 38dadkuna waxey ku soo kalahayeen macbadka si ey isaga u dhageystaan.

वर्तमान में चयनित:

Luukos 21: EI

हाइलाइट

शेयर

कॉपी

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in