Luukos 20

20
Awooddii Ciise oo wax laga weydiiyay
1Maalin maalmaha ka mid ah Ciise wuxuu dadka wax ku barayay macbadka isaga oo ku wacdinaya injiilka, gudoomiyayaashii wadaaddada iyo macalimiintii sharciga iyagoo ey la socdaan odayaashii, ayey Ciise u yimaadeen. 2Waxeyna ku yiraahdeen, “Noo sheeg awoodda aad waxyaalahan ku sameyneysid, yaana ku siiyay awoodan?”
3Wuxuu ugu jawaabay, “Waxaan aniguna idin weydiinayaa su’aal. Ii sheega, 4Yooxanaa baabtiiskiisii samada miyuu ka yimid mise dhinaca binu aadanka?”
5Intey dhexdooda ka wada hadleen ayey isku yiraahdeen, “Haddii aan dhahno, ‘Samada xaggeeda,’ wuxuu na weydiin doonaa, ‘Maxaad u aamini weyseen?’ 6Laakiin haddii aan niraahno, ‘Dadka xaggiisey ka timid,’ dadka oo dhan wey na tuuryeyn doonaan, sababtoo ah waxey aaminsanyihiin in Yooxanaa uu nebi ahaa.”
7Marka waxey ku jawaabeen, “Ma garaneyno meesha ey ka timid.”
8Ciise ayaa yiri, “Aniguna idiin ma sheegi doono awoodda aan waxyaalahan ku sameynayo.”
Tusaalihii kiroolayaasha
9Ciise ayaa dadka u sheegay tusaalahaan, “Nin ayaa beer canab ah beertay, kana kireeyay kuwa beeraley ah wuuna ka tagay oo muddo badan ka maqnaa. 10Markii la gaaray waqtigii gurashada wuxuu u soo diray kiroolayaashii mid shaqaalihiisi ka mid ah si uu xoogaa canab ah uga soo qaado. Laakiin kiroolayaashii ayaa garaacay ninkii oo diray isagoon waxba wadin. 11Wuxuu diray shaqaale kale, laakiin isagiina wey garaaceen oo aflagaadeeyeen direenna asoon waxba wadin. 12Haddana mid saddexaad ayuu diray, balse isagiina wey dhaawaceen oo soo ceyriyeen.
13 “Kadibna ninkii beerta canabka lahaa ayaa yiri, ‘Maxaan sameeyaa? Aniga ayaa aqaan waxaan sameyn doono. Waxaan dirayaa wiilkeyga aan jeclahay, waxaa laga yaabaa iney xushmeeyaan.’
14 “Laakiin kiroolayaashii markey arkeen ninkii beerta lahaa wiilkiisa, waxey isku yiraahdeen, ‘Kani waa kii dhaxli lahaa beerta, kaalaya aan dilnee kadibna aan dhaxalno beerta.’ 15Markaas ayey beerta canabka ah banaanka uga baxsheen oo dileen,
“Maxey kula tahay ninka beerta lahaa wuxuu iyaga ku sameyn doono? 16Wuu u imaan doonaa oo dili doonaa kiroolayaasha, beerta canabka ahna wuxuu siin doonaa kuwa kale.”
Markey dadkii sheekadan maqleen, waxey yiraahdeen, “Illaahey naguma keeno!”
17Ciise ayaa ku jeestay oo weydiiyay, “Haddaba maxey idin la tahay macnaha waxa kitaabka ku qoran,
“ ‘Dhagaxii ey kuwa guriga dhisaya diideen,
ayaa noqday dhagaxa ugu muhiimsan dhismaha guriga,’
18 Qof walboo dhagaxaas ku dul kufa wuu jajabi doonaa, kii uu ku soo kor dhacana wuu burburin doonaa.”
19Macalimiintii sharciga Muuse iyo gudoomiyayaashii wadaaddada ayaa isku dayay iney Ciise isla waqtigaas qabtaan, waayo wey ogaadeen inuu tusaalahaan iyaga kaga hadlayay. Laakiin waxey ka cabsanayeen dadka meeshaas joogay.
Canshuurta Kaysar la siiyo
20Kuwii Ciise cadowgiisa ahaa ayaa ilaalinayay isaga, waxeyna u soo direen jaajuusiin iska dhigay kuwa daacad ah. Laakiin waxey rabeen iney Ciise hadalkiisa qalad ka helaan, oo ey u gacan galiyaan taliyaha iyo amarka madaxda dowladda. 21Markaas ayey jaajuusiintii Ciise weydiiyeen, “Macalinow, waan ognahay inaad ku hadashid oo aad dadka bartid runta, qofna aadan u eexan balse aad barto wadada Illaah ee runta ah. 22Haddaba ma banaantahay inaan Kaysar canshuurta siino mise ma banaano?”
23Ciise wuu gartay khiyaanadoodi wuxuuna ku yiri, 24“Diinaar i tusa.” Wey tusiyeen, intuu fiiriyay ayuu iyagii weydiiyay, “Yuu sawirkiisa iyo magaciisaba ku dul yaalaa diinaarkan?”
Waxey yiraahdeen, “Kaysar.”
25Markaas ayuu ku yiri, “Haddaba wuxuu Kaysar leeyahay siiya Kaysar, wuxuu Illaahey leeyahayna siiya Illaahey.”
26Wey ku heli waayeen wax qalad ah dadka hortooda. Weyna la cajabeen jawaabtiisa oo hadalkii ayaa ku dhagay.
Su’aal ku saabsan sarakicidda
27Qaar ka mid ah Sadukiinta, kuwaasoo aan aaminsaneyn sarakicidda dhimashada, ayaa Ciise u yimid oo weydiiyay. 28“Macalinow, Muuse wuxuu inoo qoray haddii nin uu dhinto xaasna ka tago balse uusan caruur lahayn, waxaa walaalkiis ku waajib ah inuu carmalada walaalkiis dumaalaa uuna ka dhalaa caruur walaalkiis dhaxasha. 29Haddaba waxaa jiray toddobo nin oo walaala ah. Kii ugu weynaa ayaa guursaday naag kadibna dhintay isagoon caruur dhalin. 30Kii labaad ayaa dumaalay 31isaguna wuxuu dhintay caruur la’aan kadibna kii saddexaad ayaa dumaalay haweeneydii, sidaas ayeyna ku wadeen illaa kii toddobaad uu dhintay, iyagoo aanan wax caruur ah ka tagin. 32Ugu dambeyntiina haweeneydii wey dhimatay. 33Haddaba noo sheeg, yey xaaskiisa ahaan doontaa maalinta sarakicinta? Ileen toddobadooduba wey guursadeene.”
34Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dadka aduunkan joogaa wey is guursadaan. 35Laakiin kuwa istaahila iney ka qeyb qaataan waqtiga soo socdo iyo kasoo sarakicidda dhimashada ma guursan doonaan lamana guursan doono, 36mana dhiman doonaan. Waxeyna noqon doonaan sida malaa’igtoo kale waxeyna ahaan doonaan caruurta Illaahey, maxaa yeelay waxey ka sarakaceen dhimashada. 37Muuse ayaa tilmaamay in dhimashada laga sarakacayo, xiligii uu geedka gubanayay, isaga oo ugu yeeray Rabbiga ‘Illaaha Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub.’ 38Sidaa darteed Illaahey ma aha Illaaha kuwa dhintay, balse waa Illaaha kuwa nool, waayo wax walba xaggiisa wey ka nool yihiin.”
39Markaas ayaa qaar ka mid ah macalimiintii sharciga ku yiraahdeen Ciise, “Si fiican ayaad uga jawaabtay macalin!” 40Kadibna qof ku dhaca inuu Ciise su’aal weydiiyo ma jirin.
Su’aal ku saabsan Masiixa
41Kadib Ciise ayaa iyagii weydiiyay, “Maxey u yiraahdaan Masiixu waa wiilka Daa’uud? 42Daa’uud ayaa ku yiri kitaabkii Sabuurradda,
“ ‘Rabbiga ayaa Sayidkeyga ku yiri,
“Fariiso gacanteyda midig
43 Illaa aan cadowgaaga
cagahaaga hoos keeno.” ’
44 Daa’uud ayaaba ugu yeeraya ‘Sayid.’ Haddaba sidee ayey ku noqon kartaa inuu yahay wiilkiisa?”
Digniin macalimiinta sharciga ka dhan ah
45Dadkii oo dhagaysanaya, ayuu Ciise xertiisi ku yiri, 46“Iska ilaaliya dhaqanka macalimiinta sharciga Muuse! Maxaa yeelay waxey ka helaan iney meelaha ku maraan khamiisyo dhaadheer oo qaali ah, waxeyna jecelyihiin in si xushmad leh loo salaamo markey suuqa marayaan. Waxeyna jecelyihiin iney fariistaan safka hore markey joogaan sunagogyada iyo meelaha ey xafladaha ka jiraan. 47Waxey carmalada ka khiyaanaan guryahooda, kadibna salaadda ayey dheereeyaan markey tukanayaan si ey dadka isku tustusaan. Macalimiintan ciqaabtoodu aad ayey u darantahay.”

वर्तमान में चयनित:

Luukos 20: EI

हाइलाइट

शेयर

कॉपी

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in