Markos 10
10
Furitaanka
1Ciise iyo xertiisi waxey ka tageen Kafarna’um oo waxey aadeen Yahuudiya, kadibna waxey sii aadeen dhinaca kale ee webi Urdun. Dad kale oo badan ayaa u yimid, oo sida caadadiisu ahaydna wax ayuu baray.
2Markaas ayaa qaar ka mid ah Farrisiintii u yimaadeen Ciise oo waxey doonayeen iney isaga jarribaan, waxeyna weydiiyeen, “Ma banaantahay in ninku uu furo xaaskiisa?”
3Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Sharciga Muuse muxuu idin ku amray?”
4Waxey yiraahdeen, “Sharciga Muuse wuxuu fasaxayaa in ninku warqadda furitaanka u qoro xaaskiisa kadibna uu iska diro.”
5Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Qalbiyadiina adag dartiis ayuu Muuse amarradan idiin kuugu qoray, 6laakiin bilowgii abuurka Illaahey wuxuu sameeyay nin iyo naag. 7Sababtaas darteed ninku wuxuu ka tagi doonaa aabihiis iyo hooyadiis wuxuuna la midoobi doonaa xaaskiisa, 8labadooduna waxey noqon doonaan hal jir. 9Haddaba laba ma kala aha, laakiin waxey isku yihiin hal jir. Sidaa darteed wax uu Illaahey hal ka dhigay qofna yuusan kala saarin.”
10Markey Ciise iyo xertiisi guriga ku laabteen, ayey xertii Ciise weydiiyeen waxa ku saabsan arintan. 11Markaas ayuu ugu jawaabay, “Mid walboo xaaskiisa fura oo mid kale guursada wuu sineystay. 12Haddii haweeney ninkeeda furto oo nin kale guursatana wey sineysatay.”
Caruurta iyo Ciise
13Dadka ayaa Ciise u keenayay caruur si uu gacantiisa madaxa uga saaro oo u barakeeyo, laakiin xertii ayaa iyaga canaanteen. 14Ciise goortii uu arintaas arkay ayuu aad u xanaaqay oo iyagii ku yiri, “Daaya caruurta yar yar ha ii yimaadaane, hana celinina, waayo boqortooyada Illaahey waxaa leh iyagoo kale. 15Runtii waxaan idin ku leeyahay, qofkii aan boqortooyada Illaah u aqbalin sida cunug yar oo kale ma gali doono.” 16Markaas ayuu caruurtii habsiiyay oo gacmihiisa madaxa ka saaray, wuuna barakeeyay.
Nin taajir ah
17Kadib Ciise iyo xertiisi waxey bilaabeen safarkoodi oo isla markaas ayaa nin intuu Ciise ku soo orday ayuu isku duuduubay isaga oo hortiisa jilbaha dhigtay. Wuxuuna weydiiyay, “Macalin wanaagsanow, maxaan sameeyaa si aan u dhaxlo nolosha weligeed ah?”
18Ciise ayaa ugu jawaabay, “Maxaad iigu yeereysaa wanaagsanow? Qof wanaagsan ma jiro Illaahey maahee. 19Waad garaneysaa amarrada, ‘Waa in aadan qof dilin, waa in aadan sineysan, waa in aadan wax xadin, waa in aadan marqaati been ah furin, waa in aadan qofna khiyaanin, xushmee hooyadaa iyo aabahaa.’ ”
20Markaas ayuu ninkii ku yiri Ciise, “Macalinow, amarradaas oo dhan waan ilaaliyay illaa waagii aan yaraa.”
21Ciise intuu ninkii fiiriyay ayuu jeclaaday oo ku yiri, “Hal wax ayaa kaa maqan, bax oo wax walboo aad haysatid iibi oo lacagtana sii masaakiinta, waxaadna hanti ku lahaan doontaa jannada. Kadib kaalay oo isoo raac.”
22Laakiin ninkii markii uu maqlay arintan wuu ka xumaaday, waayo wuxuu lahaa maal badan.
23Ciise intuu hareerihiiiisa fiiriyay ayuu xertiisi ku yiri, “Imisee adagtahay hantiile inuu galo boqortooyada Illaahey!”
24Xertii ayaa ka yaabay hadaladiisa. Markaas ayaa Ciise haddana yiri, “Caruurteydiyow aad ayey u adagtahay in boqortooyada Illaahey la galo! 25Xaqiiqdii, inuu qof hanti leh galo boqortooyada Illaah waxaa ka fudud inuu neef geel ah dhex maro cirbad duleelkeed.”
26Haddaba xertii Ciise aad ayey uga sii yaabeen hadaladaan, oo waxey is weydiiyeen, “Haddaba yaa badbaadi kara?”
27Ciise ayaa intuu iyaga fiiriyay ku yiri, “Binu aadanka agtooda arintan macquul kama aha, laakiin Illaahey xaggiisa wax walba suurtogal ayey ka yihiin.”
28Markaas ayaa Butros ku yiri, “Anagu wax walba waan kasoo tagnay si aan adiga kuu raacno!”
29Ciisana wuxuu ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, ma jiro qof dartey iyo warka wanaagsan dartiis uga soo tagay gurigiisa, walaalkiis, walaashiis, hooyadiis, aabihiis, caruurtiisa, dhulkiisa 30oo aan aduunkan ku heli doonin boqol jibaar guriyo, walaalo, hooyo, aabe, caruur iyo dhul, inkastoo la silcin doono, markey dhintaanna waxey heli doonaan nolosha weligeed ah. 31Laakiin kuwo badan oo sareeya wey hooseyn doonaan kuwo hooseeyana wey sareeyn doonaan.”
Ciise oo mar saddexaad ka hadlay dhimashadiisi
32Ciise iyo xertiisi waxey u socdeen Yeruusaalem, Ciise ayaa jidka ku hogaaminayay iyaga, xertiisi aad ayey u yaabeen kuwii iyaga soo raacayna wey cabsadeen. Markaas ayaa Ciise haddana laba iyo tobankii xertiisa ahaa gooni ula baxay oo u sheegay waxa isaga ku dhici doona. 33Wuxuu yiri, “Waxaan u soconaa Yeruusaalem, Wiilka Aadanahana waxaa loo gacangelin doonaa gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muuse. Waxey ku xukumi doonaan dil waxaana loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, 34wey bahdili doonaan oo candhuuf ayaa lagu tufi doonaa, waana la garaaci doonaa illaa uu ka dhinto. Saddex maalmood kadibna wuu soo sarakici doonaa.”
Yacquub iyo Yooxanaa oo Ciise wax ka codsaday
35Kadib Yacquub iyo Yooxanaa wiilashii Sebedi ayaa u yimid Ciise. Waxeyna ku yiraahdeen, “Macalinow, waxaan dooneynaa inaad noo sameysid wax walboo aan kaa codsano.”
36Markaas ayuu weydiiyay, “Waa maxey waxaad dooneysaan inaan idiin sameeyo?”
37Markaas ayey ugu jawaabeen, “Noo ogolow meesha ammaantaada in midkeenna fariisto gacantaada midigta kan kalana fariisto bidixda.”
38Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Ma garaneysaan waxaad weydisaneysaan, miyaad ka cabi kartaan koobka aan ka cabayo, mise miyaa la idin ku baabtiisi karaa baabtiiskii la igu baabtiisay?”
39Waxey ku jawaabeen, “Haa waan awoodnaa.”
Ciisana wuxuu iyaga ku yiri, “Runtii waad ka cabi doontaan koobka aan Anigu ka cabayo oo waana la idin ku baabtiisi doona baabtiiskii Aniga la igu baabtiisay, 40laakiin inaad midigtayda ama bidixdayda fariisataan anigu ma idiin ogolaan karo. Boosaskaas waxaa leh kuwii loo diyaariyay.”
41Markey tobankii kale ee xerta ahaa arintan maqleen aad ayey Yacquub iyo Yooxanaa uga xanaaqeen. 42Laakiin Ciise ayaa iskugu yeeray oo ku yiri, “Waad garaneysaan sida ey boqorrada dadka aan Yuhuudda ahayn ugu taliyaan dadkooda, iyo sida ey madaxdu dadka si awood ah ugu taliyaan. 43Laakiin idinku sidaas ha u dhaqmina. Qofkii raba inuu madax noqdo waa inuu dadka u adeego, 44qofkii raba inuu ugu hormarana waa inuu adeege u ahaado qof walba. 45Waayo Wiilka Aadanahu uma imaan in loo adeego, laakiin inuu adeego, iyo inuu naftiisa u huro si uu kuwo badan u badbaadiyo.”
Bartimayoskii indhaha la’aa oo la bogsiiyay
46Kadib Ciise iyo xertiisi waxey yimaadeen Yerixoo. Markey magaalada ka tagayeen ayaa dad badan iyaga soo raacay. Nin indha la’ oo tuugsade ah oo la yiraahdo Bartimayos kaasoo ahaa ina Timayos ayaa fadhiyay jidka agtiisa. 47Markii uu maqlay Ciisihii reer Naasared inuu halkaas marayo ayuu qayliyay oo yiri, “Ciisow ina Daa’uudow, ii naxariiso!”
48Dad badan ayaa canaantay oo u sheegay inuu aamuso laakiin wuu sii qayliyay oo yiri, “Inankii Daa’uudow, ii naxariiso!”
49Ciise ayaa joogsaday oo yiri, “U yeera.”
Markaas ayey ninkii indhaha la’aa u yeereen oo ku yiraahdeen, “Dhiiranaw! Oo istaag! Wuu kuu yeerayaa.” 50Ninkiina intuu dharkiisa iska tuuray ayuu istaagay oo Ciise u yimid.
51Ciisana wuxuu ninkii weydiiyay, “Maxaad rabtaa inaan kuu sameeyo?”
Wuxuu ku jawaabay, “Macalinow, waxaan doonayaa inaan wax arko.”
52Markaas ayaa Ciise ku yiri ninkii, “Iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay.” Isla markiiba waxbuu arkay oo Ciise raacay.
Currently Selected:
Markos 10: EI
Highlight
Share
Copy

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.