Matayos 27
27
Yuudas oo is daldalay
1Aroortii markey ahayd ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii oo dhan kulmeen waxeyna go’aansadeen in Ciise la dilo. 2Markaas ayey xireen oo kaxeeyeen waxeyna u dhiibeen Bilaatos oo ahaa taliyaha reer Rooma.
3Yuudas kii khiyaanay markii uu arkay in Ciise dil lagu xukumay, wuu ka shalaayay wuxuu sameeyay, wuxuuna gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii u celiyay sodonkii shilin ee qalinka ahaa. 4Wuxuuna ku yiri, “Waan dembaabay, waayo waxaan khiyaanay nin dembi la’aan ah.”
Markaas ayey ugu jawaabeen, “Maxaa naga galay? Adiga ayey ku quseysaa.”
5Haddaba Yuudas intuu lacagtii macbadka gudihiisa ku tuuray kadibna tagay ayuu is daldalay.
6Gudoomiyayaashii wadaaddada intey lacagtii qaadeen ayey yiraahdeen, “Waa xaaraan in lacagtan lagu daro khasnada macbadka, waayo waa lacag qof dhiigiis lagu gaday.” 7Markaas ayey go’aansadeen iney lacagtii ku gadaan dhul uu lahaa nin dheryaha sameyn jiray si ey dadka shisheeyaha ah ugu aasaan. 8Sababtaas darteed ayey dadku illaa maanta dhulkaas ugu yeeraan Dhulkii Dhiigga. 9Sidaas ayeyna ku dhaboowday wixii nebi Yeremyaah uu sii sheegay, “Waxey qaateen sodankii shilin ee qalinka ahaa, oo ah lacagtii ey dadka reer binu Israa’iil ku qiimeeyeen isaga, 10waxeyna u isticmaaleen iney ku gadaan dhulkii dheri sameeyaha, sida Rabbigu igu amray.”
Ciise oo la hor geeyay Bilaatos
11Ciise waxaa la hor geeyay taliye Bilaatos, wuxuuna weydiiyay, “Ma waxaad tahay boqorka Yuhuudda?”
Ciise ayaa ugu jawaabay, “Adiga ayaa yiri.”
12Markey gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii eedeeyeenna ma hadlin. 13Kadib Bilaatos ayaa weydiiyay, “Ma maqashid miyaa waxyaalaha ey kugu eedeynayaan?” 14Laakiin Ciise uma jawaabin, taliyihiina aad ayuu ula yaabay.
15Marka la joogo Dabaaldaga Iidda kormaridda taliyaha caadadiisu waxey ahayd inuu dadka usii daayo maxbuuska ey dalbadaan. 16Waqtigaas waxaa xirnaa nin caan ah oo la dhihi jiray Baraabbas. 17Haddaba markey dadkii isku soo urureen, Bilaatos ayaa weydiiyay, “Keebaan idiin soo daayaa, ma Baraabbas mise Ciise Masiix?” 18Waayo wuu ogaa iney Ciise maseyr dartiis ugu soo dhiibeen.
19Markii uu Bilaatos wax xukumayay naagtiisi ayaa fariin u soo dirtay waxeyna ku tiri, “Waxba haku sameynin ninkaas xaqa ah, waayo waxaa la i tusay riyo xun isaga dartiis.”
20Laakiin gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii ayaa dadkii ku qanciyay iney dalbadaan in Baraabbas loo soo daayo oo Ciise la dilo.
21Bilaatos ayaa dadkii weydiiyay, “Labadooda keebaan idiin soo daayaa?”
Waxey ku jawaabeen, “Baraabbas.”
22Markaas ayuu Bilaatos iyagii weydiiyay, “Haddaba Ciise Masiix maxaan ku sameeyaa?”
Markaas ayey kuligood ku qayliyeen, “Iskutallaabta ku qodob.”
23Bilaatos ayaa weydiiyay, “Sabab, waa maxey dembiga uu galay?”
Laakiin waxey aad ugu sii qayliyeen, “Ha la qodbo.”
24Bilaatos markii uu arkay in uusan waxba sameyn karin dadkuna ey rabshad kicin rabaan, wuxuu qaatay biyo hortooda ayuuna gacmaha ku dhaqday wuxuuna yiri, “Ninkan dhiigiisa shaqa kuma lihi, idinka ayaa dembigiisa qaadi doona!”
25Dadkii oo dhan ayaa ku jawaabay, “Dembiga dhiigiisa anaga iyo caruurteena ayaa qaadayna!”
26Bilaatos wuxuu amray in Baraabbas iyaga loo sii daayo. Kadibna wuxuu amray iney Ciise garaacaan oo ey iskutallaabta ku qodbaan.
Askartii oo ku jeesjeestay Ciise
27Kadib askartii gudoomiyaha ayaa Ciise u kaxeeyeen xaruuntii gudoomiyaha waxeyna iskugu yeereen askartii kale oo dhan. 28Dharkiisi ayey ka jeexjeexeen waxeyna u galiyeen dhar guduudan, 29madaxiisana waxey saareen taaj qodax laga sameeyay. Waxey gacanta midig u galiyeen ul, kadibna intey ku hor sujuudeen ayey si jeesjees ah u yiraahdeen, “Boqorka Yuhuudda ha noolaado!” 30Wejiga ayey kaga candhuufeen kadibna ushii ayey madaxa kaga mudmudeen. 31Markey ku jeesjeeseen kadib, waxey ka siibeen dharkii guduudnaa waxeyna u geliyeen dharkiisi. Kadibna waxey u kaxeeyeen iney iskutallaabta ku qodbaan.
Ciise oo iskutallaabta lagu qodbay
32Markey sii socdeen waxey jidka kula kulmeen nin reer Sayriin ah, oo lagu magacaabo Simoon, waxeyna ku qasbeen inuu iskutallaabta qaado. 33Waxey yimaadeen meel la yiraahdo Golgota oo macnaheedu yahay, “Meeshii lafta Madaxa.” 34Markii meeshii la gaaray waxey siiyeen khamri wax qaraar lagu daray, laakiin markii uu dhadhamiyay wuu diiday inuu cabo. 35Markey iskutallaabta ku qodbeen ayey qori tuur ku qeybsadeen dharkiisi. 36Kadibna meeshaas ayey fariisteen oo ku waardiyaynayeen. 37Waxey meel madaxiisa ka sareysa ku qoreen eeddii ey ku eedeeyeen, waxaana ku qornaa,
Kani Waa Ciise Boqorka Yuhuudda.
38Waxaa lala qodbay laba dembiile, mid wuxuu ka jiray dhinaca midig midka kalana dhinaca bidix. 39Dadkii meesha marayay oo dhan waxyaalo xun ayey Ciise ka sheegeen. Madaxooda ayeyna ruxayeen, 40waxeyna ku qaylinayeen, “Adiga ayaa sheegtay inaad burburin doonto macbadka kadibna aad ku dhisi doonto saddex maalmood gudahood! Is badbaadi oo iskutallaabta kasoo deg haddii aad Wiilka Illaahey tahay!” 41Sidoo kale ayeyna gudoomiyayaashii wadaaddada, macalimiintii sharciga Muuse iyo odayaashii ugu jeesjeeseen Ciise, 42waxeyna yiraahdeen, “Wuxuu badbaadiyay dad kale, laakiin naftiisa ma badbaadin karo! Hadduu yahay boqorka Israa’iil, ha kasoo dego iskutallaabta, waanna rumeyn doonnaa. 43Illaahey ayuu isku haleeyay, haddaba Illaahey hadda ha badbaadiyo hadduu raali ka yahay, waayo wuxuu yiri, ‘Waxaan ahay Wiilka Illaahey.’ ” 44Sidoo kale labadii dembiile ee iskutallaabta kula qodbanaa ayaa waxyaalo xun ku yiri Ciise.
Dhimashadii Ciise
45Laga bilaabo lix saac mugdi ayaa qariyay dhulka oo dhan illaa saddexdii duhurnimo. 46Markii sagaal saac oo galabnimo la joogay, ayaa Ciise cod dheer ku yiri, “Eloy, Eloy, lama sabakhtani?” (Taas oo macnaheedu yahay “Illaaheyow, Illaaheyow, maxaad ii deyrisay?”)
47Markii qaar ka mid ah kuwii meesha taagnaa maqleen hadalkaas, waxey yiraahdeen, “Wuxuu u yeeranayaa Eliyaas.”
48Mid iyagii ka mid ah ayaa orday oo suuf ku dhex riday khamro dhanaan, kadibna ul ku muday Ciisana u dhiibay si uu bishimaha ugu qoysto. 49Kuwii kale ayaa ku yiri, “Iska dhaaf aan aragnee in Eliyaas u yimaado oo uu badbaadiyo.”
50Markii uu Ciise mar labaad cod dheer ku qayliyay, ayuu ruuxiisi bixiyay.
51Isla waqtigaas daahii macbadkana laba meel ayuu u kala jeexmay kor ayuu kasoo bilowday illaa hoos. Dhulkii ayaa gariiray, dhagaxyadii ayaa burburay. 52Xabaalihii ayaa furmay, jirrarka dad badan oo quduus ah ee dhintay ayaa nolol loo sarakiciyay. 53Xabaalahoodi ayey kasoo baxeen markii uu Ciise soo sarakacay kadib waxeyna tageen magaalada quduuska ah dad badan ayaana arkay.
54Markii boqol u taliyihii iyo askartiisi Ciise ilaalinayay arkeen dhul gariirkii iyo wax walboo dhacay, wey argagaxeen waxeyna yiraahdeen, “Xaqiiqdii wuxuu ahaa Wiilka Illaahey!”
55Halkaasna waxaa joogay dumar badan oo meel fog ka daawanayay, kuwaas oo Ciise kala yimid Galili si ey ugu adeegaan. 56Dumarkaas waxaa ka mid ahaa Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yuusuf hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.
Aaskii Ciise
57Markii galabtii la gaaray nin taajir ah oo Ciise xertiisa ka mid ahaa magaciisana Yuusuf la yiraahdo kana yimid magaalada Arimataya, 58ayaa Bilaatos u yimid oo weydiistay in la siiyo jirka Ciise. Bilaatosna wuxuu amar ku bixiyay in Yuusuf jirka Ciise la siiyo. 59Yuusuf wuxuu jirkii Ciise kasoo dajiyay iskutallaabtii wuxuuna ku duuduubay karfan nadiif ah. 60Kadibna wuxuu galiyay qabri uu lahaa oo dhagax laga qoday oo aan weligiis qof lagu aasin, kadibna wuxuu albaabkii xabaasha ku daboolay dhagax weyn wuuna tagay. 61Waqtigaas oo dhan Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxey fadhiyeen meel kasoo hor jeeda xabaasha.
Ilaaladii qabriga
62Maalintii ku xigtay oo ahayd Sabti, gudoomiyayaashii wadaaddada iyo Farrisiintii waxey u tageen Bilaatos. 63Waxeyna ku yiraahdeen, “Mudane, waxaan xasuusanaa beenaalahaas intuu noolaa inuu yiri, ‘Saddex maalmood kadib waan soo sarakici doonaa.’ 64Haddaba amar ku bixi in xabaasha la ilaaliyo illaa maalinta saddexaad. Waayo waxaa laga yaabaa in xertiisu yimaadaan oo ey jirkiisa xadaan kadibna dadka ugu sheekeeyaan wuu sarakacay. Beentan dambe ayaana ka darnaan doonta tii hore.”
65Markaas ayuu Bilaatos ugu jawaabay, “Waardiyayaal qaata, oo ilaaliya xabaasha in alla intaad awoodaan.” 66Markaas ayey tageen oo hubiyeen qabrigii iyagoo dhagax kula shaabadeynaayo waardiyana saaraaya.
Currently Selected:
Matayos 27: EI
Highlight
Share
Copy
![None](/_next/image?url=https%3A%2F%2Fimageproxy.youversionapi.com%2F58%2Fhttps%3A%2F%2Fweb-assets.youversion.com%2Fapp-icons%2Fen.png&w=128&q=75)
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.