YouVersion Logo
Search Icon

Matayos 26

26
Shirqoolkii Ciise lagu sameeyay
1Ciise markii uu dhameeyay hadalkiisi ayuu xertiisi ku yiri, 2“Sidaad ogtihiin Iidda Kormaridda waxaa ka dhiman laba maalin, Wiilka Aadanahana waa la gacangelin doonaa si iskutallaabta loogu qodbo.”
3Isla waqtigaas gudoomiyayaasha wadaaddada iyo odayaasha ayaa ku kulmayay guriga Kayafas oo ahaa wadaadkii sare, 4waxeyna si sira uga hadlayeen qabashada Ciise iyo dilkiisa. 5Laakiin waxey yiraahdeen, “Waa in aanan qaban waqtiga dabaaldegga lagu guda jiro waayo dadka ayaa rabshad kicin doona.”
Ciise oo lagu subkay Beytaniya
6Ciise oo jooga magaalada Beytaniya oo wax ka cunaya guriga Simoon kii baraska qabi jiray, 7waxaa u timid naag wadata dhalo laga sameeyay dhagax qaali ah oo cadar qaali ahna ku jiro, kaasoo ey ku shubtay madaxiisa isaga oo miiska cuntada fadhiya.
8Laakiin markey xertiisi arkeen waxey naagtu sameysay, wey xanaaqeen waxeyna isku yiraahdeen, “Maxey tahay khasaarahan oo dhan? 9Cadarkan waxaa lagu gadi karay lacag badan waxaana la siin karay dadka masaakiinta ah.”
10Ciise oo ogaa waxey ku fikirayaan ayaa ku yiri, “Maxaad u dhibaysaan naagtaan? Wax wanaagsan ayey ii sameysay. 11Dadka masaakiinta ah weligood ayey idin la joogi doonaan, laakiin anigu weligiin idin lama joogi doono. 12Markey cadarkan ku shubtay jirkeyga waxey ugu shubtay si ey aasitaanka iigu diyaariso. 13Runtii waxaan idin ku leeyahay, meel walboo aduunka ka mid ah oo injiilkan laga wacdiyo waxey sameyseyna waa laga sheegi doonaa si iyada loogu xasuusto.”
Yuudas oo ogolaaday inuu khiyaano Ciise
14Kadib mid ka mid ah laba iyo tobankii xerta Ciise oo magaciisa la yiraahdo Yuudas Iskariyod ayaa u tagay gudoomiyayaashii wadaaddada 15wuxuuna weydiiyay, “Haddaan idiin soo gacangeliyo Ciise meeqa ayaad i siineysaan?” Markaas ayey siiyeen soddon shilin oo qalin ah. 16Waqtigaas laga bilaabo Yuudas wuxuu raadinayay fursad uu Ciise kusoo gacangeliyo.
Cashadii ugu dambaysay
17Maalintii ugu horeysay ee Iidda Dabaaldega Kimista aan khamiirka lahayn, ayey xertii Ciise u yimaadeen waxeyna weydiiyeen, “Halkee ayaad dooneysaa inaan kuugu diyaarino cuntada Iidda Kormaridda?”
18Markaas ayuu Ciise ku jawaabay, “Magaalada aada oo hebal u taga waxaadna ku tiraahdaan, ‘Macalinku wuxuu yiri, waqtigeygi wuu soo dhawaaday, waxaanna rabaa inaan xerteyda gurigaaga kula dabaaldego Iidda kormaridda.’ ” 19Markaas ayey xertii sameeyeen siduu Ciise amray waxeyna diyaariyeen cashada Iiddii Kormaridda.
20Markii fiidkii la gaaray, Ciise oo la fadhiya laba iyo tobankii xerta ahaa miiskii cashada, 21ayaa iyagoo wax cunaya ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, midkiin ayaa i gacangelin doona.”
22Xertii aad ayey u murugoodeen waxeyna bilaabeen iney yiraahdaan, “Runtii ma aniga ayaad iga waddaa, Sayidow!”
23Markaas ayuu Ciise ugu jawaabay, “Mid idin ka mid ah oo gacanta ila geliyay baaquliga ayaa i khiyaani doona. 24Wiilka Aadanahu waa inuu dhinto siduu qoraalku sheegayo. Waxey hoog u tahay midka Wiilka Aadanaha gacangelinaya! Ninkaas waxaa u roonaan lahayd in uusan dhalanin.”
25Kadib Yuudas oo ahaa kan khiyaani doona ayaa yiri, “Runtii ma aniga ayaad iga wadaa Macalinow?”
Ciise ayaa ugu jawaabay, “Adiga ayaa sidaa yiri.”
26Intey wax cunayeen, Ciise wuxuu kor u qaaday kibis, markii uu Illaahey u mahadceliyay kadibna wuu kala gooyay wuxuuna xertii ku yiri, “Kani waa jirkeyga ee qaata oo cuna.”
27Kadibna wuxuu kor u qaaday koob sharaab ah, markii uu Illaahey u mahadceliyay kadib ayuu iyagii siiyay wuxuuna ku yiri, “Kuligiin koobkan ka caba. 28Kani waa dhiigeyga axdiga cusub kaasoo loo daadshay dad badan cafiska dembigooda dartiis. 29Waxaan idin ku leeyahay, ma cabi doono miraha geedka canabka ah illaa laga gaaro maalinta aan iyadoo cusub idin kula cabi doono boqortooyada Aabahay.”
30Markey hees ammaan ah qaadeen kadib ayey aadeen Buur Saytuun.
Ciise oo sii sheegay Butros inuu dafiri doono
31Kadib Ciise ayaa xertii ku yiri, “Caawa kuligiin waad iga carari doontaan waayo wey qorantahay,
“ ‘Waxaan dili doonaa arijirka,
iduhuna wey kala carari doonaan.’
32 Laakiin markaan dhimashada kasoo sarakaco, waxaan idin kaga hor mari doonaa Galili.”
33Markaas ayaa Butros ku yiri, “Xitaa hadday kuligood kaa tagaan anigu kaama tagi doono.”
34Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan kugu leeyahay, caawa inta uusan waagu baryin oo uusan diiqu ciyin, waxaad i inkiri doontaa saddex jeer.”
35Laakiin Butros ayaa yiri, “Xitaa hadday noqoto inaan kula dhinto waan kula dhiman doonaa, laakiin kuma inkiri doono.” Xertii kalana sidaas oo kale ayey yiraahdeen.
Ciise oo Getsemane ku duceystay
36Kadib Ciise wuxuu xertiisi la aaday meel la yiraahdo Getsemane, wuxuuna iyaga ku yiri, “Halkan fariista oo igu suga intaan halkaas ku soo duceysanayo.” 37Wuxuu sii watey Butros iyo labadii walaal ee ahaa wiilashii Sebedi, murugo iyo dhibaato ayaana ka muuqatay. 38Kadib ayuu iyagii ku yiri, “Nafteyda murugo ayaa ka buuxsantay illaa heer dhimasho. Meeshan jooga oo ila soo jeeda.”
39Ciise xoogaa yar ayuu iyagii ka dhex baxay oo jilbaha dhulka dhigtay oo duceystay, “Aabow hadday suurtogal tahay, koobkan silaca ah iga leexi. Laakiin yeysan doonisteyda ahaanin ee doonistaada ha ahaato.”
40Kadib Ciise wuxuu ku soo laabtay xertiisi wuxuuna u yimid iyagoo hurda. Markaas ayuu ku yiri Butros, “Hal saac xitaa ilama soo jeedi kartaan miyaa? 41Soo jeeda oo duceysta si eydan jarribaadda ugu dhicin. Ruuxdu wey rabtaa laakiin jirku waa daciif.”
42Mar labaad ayuuna Ciise u baxay inuu soo duceysto wuxuuna yiri, “Aabow haddeysan suurtogal ahayn in koobkan silaca ah la iga leexiyo, haddaba doonistaada ha ahaato.”
43Markii uu mar labaad soo laabtay ayuu haddana u yimid iyagoo hurda, waayo hurdada oo ka badatay darteed ma soo jeedi karin. 44Haddana mar saddexaad ayuu ka tagay oo ducadii oo kale ku soo duceystay.
45Kadib xertii ayuu ku soo laabtay oo ku yiri, “Weli ma hurdo iyo nasasho ayaad ku jirtaan? Fiiriya waqtigii Wiilka Aadanaha loo gacangelin lahaa dembiilayaasha waa la gaaray. 46Kaca aan tagnee! Wuu yimid kii i gacangelin lahaa.”
Qabashadii Ciise
47Ciise oo weli hadlaya ayaa waxaa yimid Yuudas oo laba iyo tobankii xerta ahaa ka mid ah, waxaana la socday dad badan oo ku hubeysan seefo iyo ulo, oo ey soo direen gudoomiyayaasha wadaaddada iyo odayaasha. 48Haddaba Yuudas ayaa wuxuu iyaga kula heshiiyay calaamad ey ku gartaan Ciise wuxuuna ku yiri, “Kan aan dhunkado waaye ninka aad raadineysaan ee qabta.” 49Si toos ah ayuu Yuudas u abaaray Ciise wuxuuna ku yiri, “Waan ku salaamay Macalin!” Wuuna dhunkaday.
50Ciise ayaa ugu jawaabay, “Saaxiib samee wixii aad u timid inaad sameyso.”
Kadib nimankii ayaa qabtay Ciise oo xiray. 51Markaas ayaa mid ka mid ah xertii Ciise seeftiisi la soo baxay oo dhagta ka gooyay mid ka mid ah adeegayaashii wadaadka sare.
52Laakiin Ciise ayaa ku yiri, “Seeftaadi meesheedi ku celi, waayo mid walboo seef ku dagaalama wuxuu ku dhiman doonaa seef. 53Miyaydnaan ogayn inaan Aabahay u yeeran karo, oo uu isla markiiba ii soo diri karo laba iyo toban ciidan oo malaa’ig ah? 54Laakiin haddaan sidaas sameeyo sidee ayey ku dhaboobaysaa, wixii qorniinka lagu sheegay oo dhahaya waa iney sidan u dhacdaa?”
55Kadibna Ciise wuxuu ku jeestay dadkii oo ku yiri, “Maxaad ula timaadeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidii inaan ahay tuug? Maalin walba waxaan fariistaa oo dadka wax ku baraa macbadka deerkiisa, mana eydan i qaban. 56Laakiin waxan oo dhan waxey u dhacayaan si qorniinka nebiyadu u dhaboobaan.” Kadib xertii oo dhan wey kala carareen oo kaligiis ayey meesha ku dhaafeen.
Ciise oo maxkamadda la hor geeyay
57Kuwii Ciise qabtay ayaa u kaxeeyay gurigii Kayafas oo ahaa wadaadka sare, halkaas oo ey macalimiintii sharciga Muuse iyo odayaashii ku kulmayeen. 58Laakiin Butros ayaa meel fog kasoo daba socday, illaa laga soo gaaray deyrkii guriga wadaadka sare. Gurigii ayuu galay wuxuuna la fariistay askartii si uu u ogaado waxa dhici doona.
59Gudoomiyayaashii wadaaddada iyo kuwii shirka ku jiray oo dhan ayaa waxey raadinayeen cadayn been ah si ey Ciise ku dilaan. 60Inkastoo ey marqaatiyo been ah yimaadeen haddana wax cadayn ah ma eysan helin.
Ugu dambayntii laba nin ayaa yimid 61waxeyna yiraahdeen, “Ninkan wuxuu yiri, ‘waxaan awoodaa inaan burburiyo macbadka Illaahey oo aan haddana ku dhiso saddex maalmood gudahood.’ ”
62Kadib wadaadkii sare ayaa istaagay oo Ciise weydiiyay, “Maxaadan waxyaalahan uga jawaabeynin oo aadan isku difaaceynin? Waa maxey marqaatifurkaan ey nimankan kaa sheegayaan?” 63Laakiin Ciise wuu aamusay.
Markaas ayaa wadaadkii sare Ciise ku yiri, “Waxaan kugu dhaariyay Illaaha nool ee noo sheeg haddaad tahay Masiixa ah Wiilka Illaahey.”
64Ciise ayaa ugu jawaabay, “Adiga ayaa yiri, laakiin waxaan idin ku leeyahay, hadda laga bilaabo waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya gacanta midig ee Illaaha awoodda leh kuna imaanaya daruuraha cirka.”
65Kadib wadaadkii sare ayaa intuu dharkiisi jeex jeexay yiri, “Wuu ku caytamay! Maxaan uga baahannahay marqaati kale? Waad maqasheen caayda. 66Go’aankiinu waa maxey?”
Markaas ayey ugu jawaabeen, “Waa dembiile wuxuuna u qalmaa in la dilo.”
67Kadib wejiga ayey candhuuf kaga tufeen weyna garaaceen, qaarna wejiga ayey ka dharbaaxeen 68waxeyna ku yiraahdeen, “Waxaad isku maleysaa inaad Masiixa tahay! Haddaba noo sheeg yaa markaan ku dharbaaxay?”
Butros oo Ciise inkiray
69Waqtigaas Butros wuxuu fadhiyay deyrka, waxaana u timid gabar adeege ah oo ku tiri, “Adiga xitaa waxaad la jirtay Ciisihii reer Galili.”
70Laakiin Butros dadkii hortooda ayuu ku inkiray oo wuxuu ku yiri, “Waxaad ka hadleyso ma garanayo.”
71Kadib albaabka tagay, halkaas oo ey gabar kale oo adeege ah ku aragtay oo eyna dadkii ku tiri, “Ninkan wuxuu la jiray Ciisihii reer Naasared.”
72Wuu inkiray mar labaad isaga oo dhaaranaya wuxuuna yiri, “Ninkan ma garanayo!”
73Wax yar kadib, kuwii meesha taagnaa ayaa Butros u yimid oo ku yiri, “Xaqiiqdii waxaad tahay midkood, waayo lahjadaada ayaa laga garanayaa.”
74Kadib Butros wuxuu bilaabay inuu is habaaro isaga oo dhaaranaya, “Ninka ma garanayo!”
Isla markii ayuu diiqu ciyay. 75Kadib Butros wuxuu xasuustay hadalkii uu Ciise ku yiri oo ahaa, “Inta uusan diiqu ciyin ka hor, waxaad i dafiri doontaa saddex mar.” Kadib Butros banaanka ayuu uga baxay gurigii wadaadka sare aad ayuuna u ooyay.

Currently Selected:

Matayos 26: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in