YouVersion Logo
Search Icon

Matayos 24

24
Ciise oo sii sheegay burburka macbadka
1Markii uu Ciise kasii baxayay macbadka ayaa waxaa u yimid xertiisi waxeyna kala hadleen quruxda dhismaha macbadka. 2Markaas ayuu Ciise iyagii ku yiri, “Waxan oo dhan ma aragtaan, runtii waxaan idin ku leeyahay, halkan laguma dhaafi doono dhagax dhagax kale dul saaran, kuli waa la burburin doonaa.”
3Kadib Ciise oo dul fadhiya Buur Saytuun, ayey xertiisi si gaar ah ugu yimaadeen oo weydiiyeen, “Noo sheeg, waxyaalahan goorma ayey dhici doonaan, calaamadee ayaan ku garan doonnaa imaanshahaaga iyo waqtiga qiyaamaha?”
4Ciise ayaa ugu jawaabay, “Iska ilaaliya in uusan qofna idin khiyaanin. 5Waayo kuwa badan ayaa magacayga ku imaan doona, oo dad badan ayey khiyaani doonaan iyagoo dhahaya, ‘Waxaan ahay Masiixa.’ 6Waxaad maqli doontaan dagaallo iyo waxyaalo ku saabsan dagaal, laakiin ha cabsanina. Waxyaalahan oo kale waa iney dhacaan, laakiin dhamaadka aduunka weli lama gaarin. 7Qowmiyadna qowmiyadda kale ayey ka hor imaan doontaa, boqortooyana boqortooyada kale ayey ka hor imaan doontaa. Waxaana meelo badan ka dhici doona abaar iyo dhul gariir. 8Laakiin waxan oo dhan waa bilowga dhibaatooyinka.
9 “Kadib waxaa la idiin gacangelin doonaa si la idiin silciyo oo la idiin dilo, dadka oo dhanna waxey idiin nici doonaan aniga daraadey. 10Waqtigaas dad badan ayaa iimaanka ka laaban doona, qaarkiinna qaarka kale ayuu khiyaani doonaa oo nici doonaa. 11Waxaana soo bixi doona nebiyo been ah dad badan ayeyna khiyaani doonaan. 12Sharta oo badatay darteedna dad badan jaceylkooda ayaa yaraan doona, 13laakiin kan illaa dhamaadka adkeysta ayaa badbaadi doona. 14Warkan wanaagsan ee boqortooyada Illaaheyna waxaa lagu wacdin doonaa aduunka oo dhan si uu marqaatifur ugu noqdo quruumaha oo dhan, markaas kadib ayaa dhamaadka aduunkan la gaari doonaa.
15 “Haddaba marka aad aragtaan waxyaalihii xumaa ee uu nebi Daanyeel ka hadlay, oo ka dhacaya meesha quduuska ah, kii wax akhriyaa ha fahmo, 16kadibna kuwa Yahuudiya joogaa ha u cararaan buuraha. 17Haddii qof saaranyahay gurigiisa korkiisana, gurigiisa yuusan galin si uu wax ugala soo baxo. 18Qofkii beerta joogana yuusan ku laaban guriga si uu jaakaddiisa u soo qaato. 19Waqti dhib badan ayey u ahaan doontaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya! 20Ku duceysta waqtiga aad cararaysaan in uusan ku soo aadmin xiliga qabowga ama maalinta Sabtida. 21Waayo waqtigaas wuxuu ahaan doonaa waqtigii ugu dhibaatada badnaa illaa markii aduunka la abuuray, wax sidan oo kale u xunna mar dambe ma dhici doonaan.
22 “Haddii aan maalmahaas la soo gaabin, qofna ma badbaadi lahayn, laakiin Illaahey dadkiisa uu doortay dartood ayaa waqtiga loo soo gaabin doonaa. 23Waqtigaas haddii uu qof kugu yiraahdo, ‘Fiiri, Masiixi waa kan!’ Ama uu kugu yiraahdo, ‘Masiixi waa kaas!’ Ha rumeysan. 24Waayo waxaa imaan doona masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, waxeyna sameyn doonaan mucjisooyin waaweyn oo layaab leh si ey dadka ugu khiyaanaan, xitaa waxey isku dayi doonaan iney khiyaanaan dadka uu Illaahey doortay. 25Laakiin waan idiin sii sheegay.
26 “Haddaba haddii uu qof kugu yiraahdo, ‘Masiixi wuxuu joogaa saxaraha,’ ha aadina, haddii sidoo kale la idin ku yiraahdo, ‘Wuxuu ku jiraa qolalka qarsoon,’ ha rumeysanina. 27Waayo sida hilaaca ka yimaada bariga uu uga muuqdo galbeedka sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanaha u imaan doonaa. 28Meel alla meesha uu bakhtigu yaal halkaas haaddu wey iskugu imaataa.
29 “Maalmahaas dhibka leh kadib
“ ‘qoraxdu wey madoobaan doontaa,
dayaxuna iftiin ma lahaan doono,
xiddigahana cirkey kasoo dhici doonaan,
awoodaha cirkana waa la gariirin doonaa.’
30 “Kadib calaamada imaanshaha Wiilka Aadanaha ayaa ka muuqan doonta samada. Kadibna dadka dhulka jooga oo dhan wey barooran doonaan markey arkaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka dhinacooda ka imaanaya isaga oo awood iyo ammaan weyn leh. 31Wuxuuna diri doonaa malaa’igtiisa oo wata buun aad u dhawaaqaya, waxeyna aduunka oo dhan kasoo ururin doonaan dadka uu doortay.
32 “Haddaba casharkan ka barta geedka berdaha ah. Haddii ey laamihiisu curdan noqdaan oo uu caleemo bixiyo, waxaad ogaataan in roobku dhowyahay. 33Sidaas markaad aragtaan waxyaalahan oo dhan waad ogtihiin inuu dhowyahay oo albaabka ag joogo. 34Runtii waxaan idin ku leeyahay, dadka qarnigaan wey noolaan doonaan illaa ey waxyaalahan oo dhan ka dhacaan. 35Cirka iyo dhulku wey dhamaan doonaan, laakiin ereyadaydu weligood ma dhamaan doonaan.
Qofna ma garanayo maalinta iyo waqtiga qiyaamaha
36 “Laakiin maalinta iyo waqtiga qiyaamaha qofna ma garanayo, xitaa malaa’igta jannada iyo Wiilku ma garanayaan, laakiin Aabaha oo kaliya ayaa garanaya. 37Sida ey ahayd maalmihii Nuux ayey ahaan doontaa waqtiga imaanshaha Wiilka Aadanaha. 38Waayo daadku inta uusan dhicin ka hor, dadku wax ayey cunayeen, cabayeen, weyna guursanayeen waana la guursanayay, illaa laga gaaray maalintii Nuux uu galay doonta, 39waxa soo socdana war kama hayn illaa daadkii yimid kuligoodna baabi’iyay. Sidaas oo kale ayeyna noqon doontaa imaanshaha Wiilka Aadanaha. 40Waqtigaas waxaa jiri doona laba nin oo beer wada jooga, mid waa la qaadan doonaa kan kalana waa laga tagi doonaa. 41Laba naag oo badar shiidaya, mid waa la qaadi doonaa midda kalana waa laga tagi doonaa.
42 “Sidaa darteed is ilaaliya, waayo ma garaneysaan maalinta uu Sayidkiinu imaan doono. 43Laakiin tan ogaada, haddii qofka guriga leh garan lahaa waqtiga uu tuugu imaanayo, wuu soo jeedi lahaa oo ma u ogolaan laheyn inuu guriga ku soo jabiyo. 44Sidaa darteed idinkuna waa inaad diyaar noqotaan, waayo Wiilka Aadanahu wuxuu imaan doonaa waqti aadan filaneynin.
45 “Haddaba yaa waaye adeegaha aaminka ah ee xigmadda leh, oo uu sayidkiisu madax uga dhigay adeegayaasha kale si uu waqti fiican cuntadooda u siiyo? 46Wey u roontahay adeegahaas markii sayidku soo laabto uu heli doono isaga oo waxyaalahan sameynayo. 47Runtii waxaan idin ku leeyahay sayidku wuxuu adeegahaas masuul uga dhigi doonaa hantidiisa oo dhan. 48Laakiin hadduu adeegahaas yahay mid shar badan oo uu isku yiraahdo, ‘Sayidkeygu wax badan ayuu maqnaan doonaa,’ 49kadibna uu bilaabo inuu garaaco adeegayaasha kale, oo wax la cuno waxna la cabo sarqaamayaasha. 50Adoonkaasi sayidkiisu wuxuu soo laaban doonaa maalin uusan filanayn, iyo waqti uusan ogayn. 51Adeegahaas waa la ciqaabi doonaa oo lala dajin doonaa meesha ey labawejiilayaashu joogaan, halkaas oo ey ku barooran doonaan ilkahoodana xanuun dartii iskugu qaban doonaan.

Currently Selected:

Matayos 24: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in