Sida ey ahayd maalmihii Nuux ayey ahaan doontaa waqtiga imaanshaha Wiilka Aadanaha. Waayo daadku inta uusan dhicin ka hor, dadku wax ayey cunayeen, cabayeen, weyna guursanayeen waana la guursanayay, illaa laga gaaray maalintii Nuux uu galay doonta, waxa soo socdana war kama hayn illaa daadkii yimid kuligoodna baabi’iyay. Sidaas oo kale ayeyna noqon doontaa imaanshaha Wiilka Aadanaha.