YouVersion Logo
Search Icon

Luukos Hordhac

Hordhac
Injiilkan labadiisa cutub ee ugu horeeya waxaa ku qoran dhowr dhacdo oo qaas u ah kuna saabsan dhalashadii Ciise iyo bilowgii noloshiisa. Luukos wuxuu qoray abtirsiimada Ciise illaa laga gaaro Aadan, taas oo muujinaysa Ciise inuu yahay badbaadiyaha aduunka oo dhan. Wuxuu xoogga saarayaa inuu Ciise daryeelayay dadka laga tirada badan yahay, dadka masaakiinta ah iyo dadka la liido. Qeybaha kale ee muhiimka ah waa duco, farxad iyo Ruuxa Quduuska ah. Qoraagu wuxuu badanaa soo qaadanayaa dhacdooyin illaa taariikhyo hore ah. Sidoo kalena waa qoraha buugga Falimaha Rasuullada. Buugaagta Luukos iyo Falimaha Rasuullada waa laba qeybood oo hal shaqo isla ah. Labadooduba waxey ka sheekeynayaan siduu Illaahey markii hore ugu yeeray reer binu Israa’iil, kadibna quruumaha kaloo dhan, si ey Ciise u raacaan. Qeybta hore, waxaa xoogga la saarayay Yeruusaalem, taas oo ahayd udub dhaxaadka nolosha dadka Yuhuudda. Qeybta labaad, wuxuu dhaqdhaqaaqu ka imaanayay Yeruusaalem iyadoo xoogga la saarayay quruumaha kale, waxaana lagu soo gabagabeeyay Bawlos oo boqortooyada Illaah ka wacdinaya Rooma, magaala madaxdii boqortooyadii Talyaaniga.
Luukos wuxuu sheekadiisa u sheegayay, Mudanaha sharafta leh ee Te’ofilos, oo u badnayd inuu ka tirsanaa madaxdii Rooma. Qeybaha uu buuggan ka kooban yahay waxaa laga soo kala ururiyay ilo warbixineed oo faahfaahsan oo kala ah, warqado, hadallo, heeso, safar uu ku tagay meeshii ey wax ka dhaceen, warbixin qornayd iyo sheeko taariikh nololeed. Ujeedada Luukos waxey tahay inuu dadka tuso siduu Illaahey uga dhabeeyay qorshihiisi ahaa inuu iftiinkiisa aduunka keeno isaga oo adeegsanaya reer binu Israa’iil. Ciise xertiisi ugu horeysay wey ku dhaqaaqeen hawshan iyagoo u sheegaya quruumaha oo dhan in Ciise ka guuleystay dembiga iyo dhimashada.
Qeybta hore ee Luukos uu ka hadlayo sheekada Ciise, waxey leedahay saddex qeybood oo kala ah,
Qeybta koowaad, Ciise wuxuu ka dhex shaqeynayay Galili, dhinaca waqooyi ee dhulka Israa’iil.
Qeybta labaad, Ciise wuxuu ku jiray safar dheer oo uu ku aaday Yeruusaalem, oo intuu safarkaas ku guda jirayna wuxuu dadka ku soo dhaweynayay jidka xukunka Illaah wuxuuna reer binu Israa’iil kala doodayay sidii ey markaas u fahansanaayeen boqortooyada Illaahey.
Qeybta saddexaad, Luukos wuxuu ka hadlayaa sida uu Ciise ugu bixiyay noloshiisa Yeruusaalem dhexdeeda kadibna uga sarakacay dhimashada si loo soo muujiyo isaga oo ah boqorka reer binu Israa’iil iyo Sayidka dhabta ah ee aduunka.

Currently Selected:

Luukos Hordhac: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in