YouVersion Logo
Search Icon

Luukos 1

1
Hordhac
1Ku socota mudane Te’ofilos. Dad badan ayaa isku dayay iney wax ka qoraan waxyaalihii ka dhacay dhexdeena ee la hubsaday. 2Sida ey noogu soo dhiibeen kuwii hore waxey ahaayeen marqaatiyaal iyo adeegayaal ereyga. 3Sidaas darteed aniguna waxaan si taxadar leh ku sameeyay baaritaan wax walba leh illaa bilowgii, waxeyna ila ekaatay iney fiican tahay inaan si habeysan kuugu soo qoro, mudane Te’ofilosow, 4si aad adiguba u ogaato runta waxyaabihii lagu soo baray.
Dhalashada Yooxanaa Baabtiisaha oo la sii sheegay
5Waqtigii Herodos ahaa boqorka Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la yiraahdo Sakariyas oo ka mid ahaa wadaaddadii Abiya. Xaaskiisa Elisabedna waxey ahayd farcankii Haaruun. 6Labadooduba Illaahey hortiisa waxey ku ahaayeen kuwa xaq ah, wey adeeci jireen amarrada Illaah oo eed la’aan ayey ku noolaayeen. 7Laakiin ilmo ma haysan, waayo Elisabed waxey ahayd madhalays, labadooduna wey da’ weynaayeen.
8Maalin maalmaha ka mid ah Sakariyas wuxuu qabanayay shaqadiisii wadaadnimada, oo Illaahey ayuu u adeegayay. 9Sida caadadii wadaadnimada u ahayd maalintaas isaga ayaa la doortay inuu macbadka Rabbiga galo oo foox ka shido. 10Waqtigii fooxa la shidayay markii la gaaray, kuwii cibaadeysanayay ayaa banaanka iney ku duceystaan isugu yimid.
11Markaas ayaa waxaa Sakariyas u muuqday malag xagga Rabbiga ka yimid, kaasoo taagnaa dhinaca midig ee meesha fooxa lagu shido. 12Sakariyas goortuu arkay wuu isku naxay, cabsi ayaana gashay. 13Laakiin malagii ayaa ku yiri “Sakariyas ha cabsan, waayo Illaahey wuu maqlay ducadaadi. Xaaskaaga Elisabed waxey kuu dhali doontaa wiil, waxaadna u bixin doontaa Yooxanaa. 14Dhalashadiisuna aad ayey kaaga farxin doontaa, dad badanna sidoo kale wey ku farxi doonaan dhalashadiisa. 15Waayo qof weyn ayuu Illaah hortiisa ku ahaan doonaa. Mana cabi doono khamri ama cabitaan kale oo la khamiiriyay, inta uusan dhalan ka hor ayaa Ruuxa Quduuska ah ka buuxsami doonaa. 16Dad badan oo reer binu Israa’iil ah ayuu Illaaha Rabbigooda ah ku soo celin doonaa. 17Wuxuuna kasoo hor mari doonaa Rabbiga isaga oo leh ruuxii iyo xooggii Eliyaas. Si uu quluubta waalidka ugu soo jeediyo caruurtooda, kuwii caasiyeyna wuxuu ku celin doonaa xigmadda xaqa ah, si uu dadka Rabbiga ugu diyaariyo.”
18Sakariyas wuxuu malagii weydiiyay, “Sidee ayaan ku garan karaa tani iney dhici doonto? Waayo waxaan ahay nin oday ah xaaskeyguna sidoo kale wey da’ weyn tahay.”
19Malagii ayaa ugu jawaabay, “Waxaan ahay Jibriil, adeegihii Illaah waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan kuu sheego warkan wanaagsan. 20Haddaba waad aamusnaan doontaa, illaa maalinta ey waxaan ka dhacayaan, waayo ma aadan aaminin hadalkeyga kaasoo rumoobi doona waqtiga loogu talagalay.”
21Dadkii ayaa Sakariyas banaanka ku sugayay weyna la yaabeen wuxuu macbadka ugu soo daahay. 22Markii uu banaanka u soo baxay, ma la hadli karin iyaga. Markaas ayey ogaadeen inuu macbadka wax ku soo arkay, waayo gacmaha ayuu wax ugu tilmaamayay laakiin wax ma dhihi karin.
23Goortii waqtigiisi uu macbadka ka shaqeynayay dhamaaday ayuu guriga u laabtay. 24Kadibna xaaskiisi Elisabed wey uuraysatay oo shan bilood ayey is qarineysay. 25Waxeyna tiri, “Arintan Rabbiga ayaa ii sameeyay. Waqtigan naxariistiisi ayuu i tusay oo wuxuu iga qaaday ceebteydi ilma laanta ahayd.”
Dhalashada Ciise oo la sii sheegay
26Markii Elisabed uurkeedu bishii lixaad marayay, ayaa Illaah wuxuu u soo diray malag Jibriil magaalo la yiraahdo Naasared oo ku taalay Galili. 27Wuxuuna u soo diray gabar bikro ahayd oo u doonaneyd nin la dhihi jiray Yuusuf, kaasoo ahaa dhashii Daa’uud. Gabadhaas bikrada ahayd magaceedu wuxuu ahaa Maryan. 28Malagii ayaa u yimid oo ku yiri, “Waan ku salaamay, adigan aadka loogu nimceeyay! Rabbiga ayaa kula jira.”
29Maryan aad ayey hadalkii malaga uga welweshay waxeyna istiri salaantan maxey noqon kartaa. 30Laakiin malagii ayaa ku yiri, “Ha cabsan Maryaney, waayo nimco ayaad Illaah ka heshay. 31Waxaad dhali doontaa wiil, waxaadna u bixin doontaa Ciise. 32Qof weyn ayuu noqon doonaa, waxaana loogu yeeri doonaa Wiilka Illaaha ugu Sareeya. Rabbiga Illaaha ah ayaa wuxuu siin doonaa carshiga aabihiis Daa’uud. 33Wuxuuna weligiis boqor u ahaan doonaa dhashii Yacquub oo boqortooyadiisuna ma dhamaan doonto weligeed.”
34Markaas ayey Maryan weydiisay malagii, “Sidey arintan ku dhici kartaa, waayo waxaan ahay bikro?”
35Malagii ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, xoogga Kan ugu Sareeya ayaad hoos tagi doontaa. Sidaa darteed kan quduuska ah ee dhalan doona waxaa loogu yeeri doonaa Wiilka Illaah. 36Xitaa Elisabed oo aad qaraabo tihiin waxey dhali doontaa ilmo iyadoo da’ weyn, dadku madhasho ayey ugu yeeri jireen laakiin hadda wey uuraysatay oo bishii lixaad ayey u tahay. 37Waayo ma jiro erey ka yimid xagga Illaahey oo weligiis fashilmo.”
38Markaas ayaa Maryan ku tiri, “Waxaan ahay adeegaha Rabbiga, hadalkaad igu tiri oo dhan ha ii rumoobo.” Kadibna malagii wuu ka tagay.
Maryan waxey booqatay Elisabed
39Maalmo kadib Maryan ayaa si dhaqso ah u tagtay magaaladii buuraha lahayd ee Yahuudiya. 40Waxey tagtay gurigii Sakariyas deganaa, wey soo gashay waxeyna salaantay Elisabed. 41Elisabed markey maqashay salaantii Maryan cunuggii uurkeeda ku jiray ayaa ku dhex boodbooday, Elisabedna Ruuxa Quduuska ah ayaa ka buuxsamay. 42Markaas ayey cod dheer ku tiri, “Illaahey dumarka oo dhan dhexdooda ayuu kaa barakeeyay, waxaana barakeysan ilmaha aad dhali doonto. 43Laakiin maxaa sidan oo dhan la iigu nimceeyay, oo Rabbiga hooyadiis ii soo booqatay? 44Isla markaan codkaaga maqlay ayaa ilmihii uurkeyga ku jiray farxad la boodbooday. 45Waxaa barakeysan tan aamintay in Rabbigu u sameyn doono wuxuu ka ballan qaaday.”
Heesihii Maryan
46Maryanna waxey tiri,
“Nafteydu Rabbigey ammaantaa.
47Ruuxdeydana waxey ku faraxdaa Illaaha ah badbaadiyaheyga.
48Waayo wuu u naxariistay
adeegtadiisa is hooseysiisa.
Hadda laga bilaabo qarniyada oo dhan waxey iigu yeeri doonaan tan barakeysan.
49Waayo Kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyay,
magaciisu waa Quduus.
50Naxariistiisu waxey gaartaa kuwa isaga ka cabsada,
jiil ka jiil.
51Waxyaalo waaweyn ayuu gacantiisa ku sameeyay,
wuxuuna kala firdhiyay kuwii ka kibrey fikradihii qalbigooda.
52Boqorro ayuu carshigoodi ka qaaday,
laakiin kuwii hooseeyayna wuu sareeysiiyay.
53Kuwii gaajeysnaa ayuu wax wanaagsan ka dherjiyay
oo kuwii taajirka ahaana wax la’aan ayuu diray.
54Wuxuu caawiyay adeegihiisi Israa’iil,
oo xasuustay ballantii uu ka qaaday oo ahayd inuu u naxariisto.
55Waayo ballan ayuu ka qaaday Ibraahim iyo dhashiisii weligoodba,
sidii uu ballanta uga qaaday awoowayaasheen.”
56Maryanna waxey Elisabed la joogtay muddo saddex bilood ah, kadibna waxey u noqotay gurigeeda.
Dhalashadii Yooxanaa Baabtiisaha
57Haddaba waxaa la gaaray waqtigii Elisabed umuli lahayd, oo waxey dhashay wiil. 58Deriskeedii iyo qaraabadii oo dhan markey maqleen Rabbigu inuu naxariistiisi tusay, iyagiina wey la farxeen.
59Cunugu markii uu jiray siddeed maalmood ayaa dadkii yimaadeen si ey u gudaan. Waxeyna rabeen iney ku samiyaan magaca aabihiis Sakariyas. 60Laakiin hooyadiis ayaa hadashay waxeyna tiri, “Maya! Yooxanaa ayaa loo bixinayaa.”
61Dadkii ayaa waxey ku yiraahdeen, “Laakiin qof magacaas leh reerkiina kuma jiro.”
62Markaas ayey aabihiis tilmaan ku weydiiyeen magaca uu doonayo in cunugga loo bixiyo. 63Markaas ayuu weydiistay loox wax lagu qoro, wuxuuna qoray, “Magaciisu waa Yooxanaa.” 64Isla markii ayaa afkiisi furmay oo carrabkiisuna dabcay, wuxuuna bilaabay inuu hadlo isaga oo Illaah ammaanaya. 65Dadkii oo dhan ayaa cabsi gashay, oo wixii halkaas ka dhacayna waxaa lagaga hadlay magaaladii buuraha lahayd ee Yahuudiya. 66Qof walboo warkan maqlayna aad ayuu ula yaabay oo waxey is weydiiyeen, “Cunugaan muxuu noqon doonaa?” Waa hubaal Rabbigu wuu la jiray.
Heesihii Sakariyas
67Yooxanaa aabihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, wuxuuna bilaabay inuu wax sii sheego,
68“Ammaan ha u ahaato Rabbiga, Illaaha Israa’iil,
waayo dadkiisi ayuu caawiyay oona madax furtay.
69Badbaadiye xoog leh ayuu noosoo diray
kan ka imaanaya reerkii adeegihiisa Daa’uud.
70Sidii uu ku sheegay nebiyadiisi hore ee quduuska ahaa.
71Haddaba wuxuu naga badbaadin doonaa cadowyadeena,
iyo kuwa na neceb oo dhan.
72Inuu u naxariisto awoowayaasheen
oo uuna xasuusto axdigii quduuska ahaa.
73Axdigii uu ugu dhaartay aabaheen Ibraahim.
74Inuu naga badbaadiyo gacanta cadowyadeena,
oo na siiyo awood aan cabsi la’aan ugu adeegno,
75si aan anaguna hortiisa quduusnimo iyo xaq ugu noolaan lahayn weligeen.
76“Adiguna, wiilkeygiyow,
waxaa lagugu yeeri doonaa nebiga Kan ugu Sareeya,
waayo waxaad ka hor mari doontaa Rabbiga
oo jidka ayaad usii diyaarin doontaa.
77Waxaad dadkiisa ogeysiin doontaa sida badbaadada
dembidhaafka loo helo.
78Naxariista iyo jaceylka Illaaheena ayaa
qoraxda samada nooga soo ifin doona.
79Si ey ugu iftiinto kuwa mugdiga
iyo hooska dhimashada ku nool,
oo iftiinkuna wuxuu u ifayaa inuu nagu hogaamiyo jidka nabadda.”
80Yooxanaana wuu koray wuxuuna ku xooggeystay Ruuxa Illaahey. Wuxuuna joogay cidlada illaa maalintii uu shaqada Illaah si cabsi la’aan ah uga bilaabay reer binu Israa’iil dhexdooda.

Currently Selected:

Luukos 1: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in