YouVersion Logo
Search Icon

Yooxanaa 18

18
Ciise waa la qabtay
1Ciise markii uu ducada dhameystay kadib ayey xertiisi iskala gudbeen dhinaca kale ee Tog Qidroon. Dhinaca kale waxaa ku yaalay beer, isaga iyo xertiisana halkaas ayey tageen.
2Haddaba Yuudas kii isaga gacangelin lahaa wuu ogaa halkii ey joogeen. Waayo Ciise marar badan ayuu xertiisa halkaas kula kulmay. 3Markaas ayuu Yuudas yimid beertii isaga oo hogaaminaya askar iyo kuwa kale oo macbadka ilaaliya iyagoo ey Farrisiintii iyo gudoomiyayaashii wadaaddada soo direen. Waxeyna wateen tooshash, feynuusyo iyo hub.
4Ciise oo ogaa waxa ku dhici doona ayaa iyaga u yimid oo ku yiri, “Yaad dooneysaan?”
5Markaas ayey ku jawaabeen, “Ciisihii reer Naasared.”
Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Isagii ayaan ahay.” Yuudas kii gacangeliyay ayaa agtooda taagnaa. 6Markii uu Ciise yiri, “Isagii ayaan ahay,” intey gadaal u gurteen ayey dhulka ku wada dhaceen.
7Mar labaad ayuu Ciise haddana yiri, “Yaad dooneysaan?”
Waxeyna ugu jawaabeen, “Ciisihii reer Naasared.”
8Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Waan idiin sheegay inaan isaga ahay. Haddii aad aniga i dooneysaan kuwa kale iska daaya.” 9Arintan waxey u dhacday si ereyadii uu ku hadlay looga dhabeeyo. Markii uu yiri, “Kuwaad i siisay midna igama lumin.”
10Markaas ayaa Simoon Butros oo seef haystay soo baxsaday, kadibna nin wadaadkii sare adeege u ahaa dhagtiisa midigta ah ka gooyay. Adeegahaas magaciisu wuxuu ahaa Malkos.
11Ciise ayaa Butros amray oo ku yiri, “Seeftaada galkeeda ku celi! Miyaanan ka cabaynin koobka Aabahay i siiyay?”
12Markaas ayaa askartii, iyo hogaamiyahoodi iyo sarkaalkii Yuhuudda Ciise qabteen oo xireen. 13Waxeyna marka hore u keeneen Annas, kaasoo soddog u ahaa Kayafas, oo ahaa wadaadkii sare ee sanadkaas. 14Kayafas waa kii dadka Yuhuudda ku waaniyay, wey wanaagsanaan lahayd haddii uu hal nin u dhinto dadka oo dhan.
Butros dafiraadiisii ugu horeysay
15Simoon Butros iyo nin kale oo xerta ka mid ahaa ayaa Ciise daba socday. Waayo ninkaas xerta ah wadaadkii sare ayuu garanayay sidaa darteed Ciise ayuu la tagay illaa barxada gurigii wadaadkii sare. 16Laakiin Butros banaanka albaabka hortiisa ayuu ku sugayay. Ninkii kale ee Xerta ahaa oo garanayay wadaadkii sare ayaa soo laabtay oo la hadlay gabadhii shaqada ku jirtay taas oo u ogolaatay in Butros soo galo.
17Markaas ayaa gabadhii albaabka ilaalineysay Butros weydiisay, “Ma tihid miyaa mid ka mid ah xertii ninkan?”
Markaas ayuu ku yiri, “Ma ihi.”
18Halkaas qabow ayey ahayd, markaas ayaa adeegayaashii iyo saraakiishii dabka ag istaageen iyagoo isku kululeynaya. Butrosna wuu la taagnaa oo dabkii ayuu isku kululeynayay.
Wadaadkii sare ayaa Ciise su’aalo weydiiyay
19Waqtigaas ayaa wadaadkii sare Ciise su’aalo ku saabsan xertiisa iyo wax baritaankiisa weydiiyay.
20Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Aduunka oo dhan ayaan si cad ula hadlay, waxaan mar walba wax ku barayay sunagogyada iyo macbadka, halkaas oo ey Yuhuuddu iskugu timaado. Waxaan qarsoodi ugu hadlay ma jiraan. 21Maxaad iga su’aaleysaa? Weydii kuwii i dhageystay. Runtii wey garanayaan waxaan dhahay.”
22Markii uu Ciise waxyaalahan ku hadlay mid ka mid ah saraakiishii ayaa Ciise wejiga ka dharbaaxay. Markaas ayuu ku yiri, “Sidan miyaad wadaadka sare ugu jawaabeysaa?”
23Ciisana wuu u jawaabay oo ku yiri, “Haddii aan wax sax ahayn ku hadlay bal ii sheeg waxaas aan saxda ahayn. Laakiin haddaan runta ku hadlay maxaa afka la iigu dhufanayaa?” 24Waxyaalahaas kadib Annas ayaa Ciise u diray Kayafas oo ahaa wadaadkii sare isaga oo weli xiran.
Butros dafiraadiihiisii labaad iyo tii saddexaad
25Weli Simoon Butros wuxuu taagnaa dabkii agtiisa oo wuu is kululeynayay. Markaas ayey weydiiyeen isaga, “Ma tihid miyaa mid ka mid ah xerta?”
Butrosna wuu inkiray oo yiri, “Ma ihi.”
26Laakiin mid wadaadkii sare adeege u ahaa, kaasoo qaraabo la ah ninkii uu Butros dhegta ka gooyay ayaa weydiiyay, “Miyaanan idin arkin idinka oo beerta wada jooga?” 27Butros mar kale ayuu diiday, isla markii ayaana diiqii ciyay.
Ciise waxaa la hor keenay Bilaatos
28Subixii ayaa Ciise laga kaxeeyay gurigii Kayafas oo loo geeyay qasriga gudoomiyaha Rooma. Laakiin saraakiishii Yuhuudda ma eysan gelin guriga taliyaha si eysan u nijaasoobin waayo waxey doonayeen iney Iidda Kormaridda wax ka cunaan. 29Markaas ayaa Bilaatos intuu soo baxay iyaga weydiiyay, “Maxaad ninkan ku haysataan?”
30Markaas ayey u jawaabeen oo ku yiraahdeen, “Haddii uusan xumaan fale ahayn maba laguu keeni lahayn.”
31Bilaatosna wuxuu yiri, “Idinka wata oo sharcigiina ku xukuma.”
Waxey yiraahdeen, “Laakiin anagu xaq uma lihin inaan qof dilno.” 32Arintan waxey u dhacday in hadalkii Ciise yiri rumoobo markii uu ka hadlayay sida uu u dhiman doono.
33Kadibna Bilaatos wuxuu ku laabtay qasriga, oo Ciise weydiiyay, “Ma waxaad tahay boqorka Yuhuudda?”
34Ciise ayaa ugu jawaabay, “Tani ma fikirkaagaa mise dad kale ayaa kuu sheegay waxyaalo igu saabsan?”
35Bilaatos ayaa ku yiri, “Ma waxaan ahay Yuhuudi? Dadkaaga iyo gudoomiyayaasha wadaaddada ayaa ii kaa keenay. Maxaad sameysay?”
36Ciise ayaa ku yiri, “Boqortooyadeydu tan aduunka ma aha. Haddii ey ahaan lahayd adeegayaasheyda ayaa ii dagaalami lahaa si eysan Yuhuuddu ii qaban. Laakiin boqortooyadeydu tan dunidan ma aha.”
37Markaas ayaa Bilaatos ku yiri Ciise, “Marka boqor ayaad tahay!”
Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waad dhahday boqor ayaad tahay. Taas ayaan u dhashay oo xitaa aan dunidan u imid inaan u marqaatifuro runta. Kuwa runta jacel wey ogyihiin inaan runta ka hadlayo.”
38Bilaatos ayaa Ciise weydiiyay, “Waa maxey runtaas?” Hadaladaan kadib Bilaatos banaanka ayuu haddana u baxay halkii Yuhuuddu iskugu timid oo iyaga ku yiri, “Eed isaga kuma helin. 39Laakiin waxaa caado idiin ah inaan hal maxbuus idiin soo daayo waqtiga Iidda Kormaridda. Ma waxaad dooneysaan inaan idiin soo daayo boqorka Yuhuudda?”
40Markaas ayaa dadkii qayliyeen oo ey yiraahdeen, “Maya, isaga ma aha! Baraabbas noosoo daa!” Baraabbas wuxuu ahaa nin xun.

Currently Selected:

Yooxanaa 18: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in