YouVersion Logo
Search Icon

Falimaha 7

7
Istefanos oo odayaashii la hadlay
1Kadib wadaadkii sare ayaa weydiiyay Istefanos, “Waxa lagugu soo eedeeyay ma run baa?”
2Markaas ayuu Istefanos ku jawaabay, “Walaalayaalow, i dhagaysta! Illaaheena ammaanta leh wuxuu isku muujiyay awoowaheen Ibraahim isaga oo weli jooga Mesobotamiya, inta uusan Haaraan dagin. 3Wuxuuna ku yiri, ‘Ka tag waddankaaga iyo qaraabadaada oo tag dalka aan ku tusi doono.’
4“Markaas ayuu Ibraahim ka tagay dalkii reer Kaldayiin oo degay Haaraan. Kadib markii uu aabihiis dhintay ayuu Illaahey ku amray Ibraahim inuu dhulkan aad hadda ku nooshihiin yimaado. 5Isaga oo aanan dhaxal ka siin, xitaa meel uu cagta saari karo kuma lahayn. Laakiin Illaahey wuxuu ballan qaaday inuu dhulkan dhaxalsiin doono isaga iyo farcankiisa, inkastoo Ibraahim uusan markaas caruur lahayn. 6Illaahey ayaa sidan ku yiri, ‘Afar boqol oo sano ayey farcankaagu shisheeye ku ahaan doonaan waddan aan kooda ahayn, oo waa la adoonsan doonaa si xun ayaana loola dhaqmi doonaa. 7Laakiin waan ciqaabi doonaa dadkii iyaga adoonsanayay, kadibna wey kasoo bixi doonaan waddankaas halkan aad hadda joogto ayeyna igu caabudi doonaan.’ 8Kadib Illaahey wuxuu Ibraahim siiyay axdiga gudniinka. Markii uu Ibraahim dhalay Isxaaq ayuu guday markii uu siddeed maalmood jiray. Isxaaqna wuxuu guday wiilkiisii Yacquub, Yacquubna wuxuu guday laba iyo tobankiisi wiil ee aan kasoo farcannay.
9“Haddaba markey wiilashii Yacquub ka maseyreen walaalkood Yuusuf ayey adoon ahaan uga iibiyeen waddanka Masar. Laakiin Illaahey ayaa Yuusuf la jiray, 10oo ka samatabixiyay dhibaatooyinkii oo dhan. Wuxuuna siiyay xigmad iyo dabeecad soo jiidatay Fircoon boqorkii Masar, wuxuuna taliye uga dhigay Masar oo dhan iyo wax walboo uu lahaa.
11“Kadib waxaa Masar iyo Kancaan ka dhacay abaar keentay dhibaato weyn, awoowayaasheenna waxey cunaan ayey waayeen. 12Haddaba markii uu Yacquub maqlay in Masar badar yaalo, wuxuu markoodi ugu horraysay diray awoowayaasheen. 13Safarkoodi labaad ayuuna Yuusuf isku sheegay walaalihiis, markaas ayaa Fircoon wuxuu gartay Yuusuf meeshuu kasoo jeedo. 14Kadib Yuusuf wuxuu u yeeray aabihiis Yacquub iyo reerkiisi oo dhan oo ahaa toddobaatan iyo shan qof. 15Sidaas ayuuna Yacquub ku tagay Masar, halkaas oo ey isaga iyo awoowayaasheenba ku dhinteen. 16Jirkoodiina waxaa dib loogu celiyay Shekem waxaana la galiyay xabaashii uu Ibraahim hadda ka hor kaga gatay xoogaa lacaga wiilashii Xamoor ee Shekem joogay.
17“Laakiin markii uu soo dhawaaday waqtigii uu Illaahey oofin lahaa ballantii uu ka qaaday Ibraahim, ayaa waxaa aad u kordhay tirada dadkeeni Masar joogay. 18Kadib waxaa Masar boqor ka noqday nin aan aqoon u lahayn Yuusuf. 19Wuu khiyaaneeyay dadkeeni wuuna silciyay oo wuxuu awoowayaasheen ku qasbay iney ilmahooda yar yar banaanka dhigaan si ey u dhintaan.
20“Waqtigaas waxaa dhashay Muuse, Illaahey hortiisa wuxuu ku ahaa cunug aad u qurux badan. Saddex bilood ayey reerkiisu xanaaneynayeen. 21Markii banaanka la dhigayna waxaa qaadatay gabadhii uu Fircoon dhalay oo u korisay sidii wiilkeedi oo kale. 22Muuse waxaa la baray xigmaddii Masriyiinta oo dhan wuxuuna noqday nin ey hadalkiisa iyo ficilkiisuba xoog leeyihiin.
23“Haddaba markii uu Muuse afartan sano jiray, wuxuu go’aansaday inuu dadkiisi reer binu Israa’iil booqdo. 24Intuu dhex joogay ayuu maalin arkay mid iyaga ka mid ah oo uu nin Masri ah si xun ula dhaqmayo, markaas ayuu u hiiliyay ninkii oo wuxuu dilay Masrigii. 25Muuse wuxuu u maleynayay in dadkiisu garteen in Illaahey isaga u adeegsan doono inuu iyaga badbaadiyo, laakiin ma eysan garan. 26Maalintii xigtay Muuse wuxuu arkay laba reer binu Israa’iil ah oo dagaalamaya. Wuxuu damcay inuu heshiisiiyo isaga oo ku yiri, ‘Niman yahow waxaa tihiin walaalo, maxaad u dagaalameysaan?’
27“Laakiin kii midka kale sida xun ula dhaqmayay ayaa Muuse riixay oo ku yiri, ‘Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakim? 28Ma waxaad rabtaa inaad ii disho sidii aad shalay u dishay ninkii Masriga ahaa?’ 29Markii uu Muuse hadalkaas maqlay wuxuu u cararay dalka Midyaan, halkaas oo uu shisheeye ahaan u degay laba wiilna ku dhalay.
30“Markii uu afartan sano Midyaan joogay, ayaa waxaa Muuse oo jooga saxarihii Buur Siinay u muuqday malag ku dhex jira geed dab ka ololayo. 31Muuse markii uu arintaas arkay, waxey la noqotay layaab wuuna ku dhawaaday si uu si fiican ugu arko, wuxuuna maqlay Rabbiga oo leh, 32‘Waxaan ahay Illaaha awoowayaashaa, Illaaha Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub.’ Muuse cabsi ayaa gashay mana uusan ku dhicin inuu fiiriyo geedkii ololayay.
33“Kadib Rabbiga ayaa ku yiri, ‘Kabahaaga siib, sababtoo ah meesha aad taagan tahay waa dhul quduus ah. 34Xaqiiqdii waan arkay rafaadka lagu hayo dadkayga Masar jooga. Waan maqlay cabashadooda waxaanna u imid inaan xoreeyo. Haddaba kaalay, waxaan dib kuugu diri doonaa Masar.’
35“Kani waa isla Muusihii ey dadka reer binu Israa’iil diideen iyagoo ku yiri, ‘Yaa nooga kaa dhigay taliye iyo xaakim?’ Isagii ayuu Illaahey ugu muuqday sidii malag ku dhex jira geedkii ololayay si uu iyaga taliye iyo samatabixiye ugu noqdo. 36Muuse wuxuu kasoo saaray reer binu Israa’iil Masar, wuxuuna mucjisooyin ku sameeyay Masar, Badda cas iyo afartan sano oo ey cidlada joogeen.
37“Kani waa Muusihii ku yiri reer binu Israa’iil, ‘Illaahey wuxuu dhexdiina kasoo saari doonaa nebi aniga oo kale ah.’ 38Waana kii hogaaminayay awoowayaasheen markey saxaraha joogeen isaga oo uu la socdo malagii kula hadlay Buur Siinay, halkaas oo lagu siiyay ereyadan nool si uu awoowayaasheen u gaarsiiyo.
39“Laakiin awoowayaasheen wey diideen iney adeecaan Muuse hogaamintiisa, waxeyna rabeen iney Masar ku laabtaan. 40Oo waxey Haaruun ku yiraahdeen, ‘illaahyo na hogaamiya noo samee! Waayo ma garaneyno waxa ku dhacay Muusihii naga soo waday Masar.’ 41Waxeyna sameeyeen sanam qaab weyl leh, oo u keeneen allabari, weyna ku faraxsanaayeen wixii ey sameeyeen. 42Laakiin Illaahey wuu ka jeestay iyaga, kadib waxey bilaabeen iney caabudaan waxyaalaha samada ku jira sida qoraxda, xiddigaha iyo dayaxa, sida ku qoran buugga nebiyada.
“ ‘Miyaad ii qasheen xoolo ama ii keenteen allabari,
afartankii sano ee aad cidlada joogteen, reer binu Israa’iilow?
43Laakiin waxaad qaadateen teendhadii Molokh
iyo xiddigihii illaahiina Remfan,
oo ah sanamyadii aad u sameyseen inaad caabudaan.
Sidaa daraadeed waxaan idiin diri doonaa Baabuloon shishadeeda.’
44“Awoowayaasheen waxey cidlada ku haysteen teendhadii axdiga. Waxaa loo sameeyay sidii uu Illaahey Muuse ku amray, iyadoo la raacayo qaabkii uu u arkay. 45Kadib awoowayaasheen ayaa kala wareegay aabayaashood, wey soo qaadeen iyagoo uu Yashuuca hogaaminayo. Waxey keeneen dhulkii ey qaateen markii uu Illaahey uga cayriyay dadkii lahaa. Halkaas ayeyna taalay illaa waqtigii Daa’uud, 46Daa’uudna nimcada Illaahey ayuu helay wuxuuna weydiistay inuu dhiso guri lagu caabudo Illaaha Yacquub. 47Laakiin Sulaymaan ayaa gurigii dhisay.
48“Si kastaba ha ahaatee, Illaaha ugu sareeya kuma noola guryaha ey binu aadanka gacmahooda ku sameeyaan. Sida uu nebigu u yiri,
49“ ‘Jannadu waa carshigeyga,
dhulkuna waa meesha aan cagaha saarto.
Guri noocee ah ayaad ii dhisi doontaan?
Ayuu yiri Rabbigu.
Ama xaggee ayey noqon doontaa meesha aan ku nasto?
50Miyeysan gacanteydu sameynin waxyaalahan oo dhan?’
51“Dadkiinan madaxa adagow! Qalbiyadiina iyo dhagahiina weli kama bixin dembigi. Waxaad la mid tihiin awoowayaashiin. Markasta waad diidaan Ruuxa Quduuska ah! 52Ma waxaa jira nebi eysan awoowayaashiin soo silcinin? Waxey xitaa dileen kuwii sii sheegay imaanshaha midka xaqa ah. Iyo sida aad u khiyaanteen oo u disheen. 53Idinkoo ah kuwii qaatay sharcigii loo soo dhiibay malaa’igta balse aanan adeecin.”
Dhagaxayntii Istefanos
54Markey dadkii ka tirsanaa shirka maqleen arintan, wey caroodeen oo wey u faruurya qaniinsadeen.#7:54 Dhaqanka soomaalida qofku markii uu xanaaqo faruuryaha ayuu qaniinaa ee ilkaha ma jiririqsado. 55Laakiin Istefanos, isaga oo uu ka buuxo Ruuxa Quduuska ah, ayuu kor u fiiriyay samada waxa uuna arkay ammaanta Illaah, iyo Ciise oo taagan gacanta midig ee Illaah. 56Wuxuuna yiri, “Fiiriya, waxaan arkaa samada oo furan oo uu Wiilka Aadanahuna taagan yahay gacanta midig ee Illaah.”
57Markaas ayey dhagahooda dabooleen, iyagoo cod dheer ku qaylinaya, kuligoodna xaggiisey kusoo ordeen, 58wey jiideen oo magaaladii ayey ka saareen waxa eyna bilaabeen iney dhagaxeeyaan. Qaar ka mid ah kuwii marqaatiyaasha ayaa jaakadahoodii ag dhigay cagaha wiil dhalinyaro ah oo Sawlos la dhaho.
59Markey dhagaxaynayeen, Istefanos ayaa ku duceystay, “Sayid Ciisow, qaado ruuxdeyda.” 60Kadib ayuu jilba jabsaday oo uu ku dhawaaqay, “Sayidow, dembigaan ha u qabsanin iyaga.” Markii uu sidaas yiri ayuu dhintay.

Currently Selected:

Falimaha 7: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in