Markaas ayaa haddana ibliiskii ku hogaamiyay Yeruusaalem wuxuuna kor istaajiyay darbigii ugu dheeraa ee macbadka, wuxuuna ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay meeshan iska tuur. Waayo wey qoran tahay,
“ ‘Illaahey wuxuu kuu amri doonaa malaa’igtiisa
si ey kuu daryeelaan,
gacmahooda ayey kugu qaban doonaan
si eysan cagtaadu dhagaxa ugu dhicin.’ ”
Ciise ayaa ugu jawaabay, “Qoraalku wuxuu leeyahay, ‘Ha jarribin Rabbiga Illaahaaga ah.’ ”