Luukos 4:5-8
Luukos 4:5-8 EI
Ibliiskii ayaa haddana ku hogaamiyay meel dheer oo waqti yar gudaheeda ayuu ku tusay boqortooyada aduunka oo dhan. Markaas ayuu ibliiskii Ciise ku yiri, “Waxaan ku siin doonaa ammaanta boqortooyadaan iyo amar oo dhan, waayo aniga ayaa la i siiyay, qof walboo aan rabo ayaan siin karaa. Haddaba haddaad i caabudo waxan oo dhan adiga ayaa lahaan doona.” Isla markii ayaa Ciise u jawaabay oo ku yiri, “Wey qoran tahay, ‘Waa inaad caabudid Rabbiga Illaahaaga ah oo aadna kaligiis u adeegtid.’ ”