YouVersion Logo
Search Icon

Luukos 4:9-12

Luukos 4:9-12 EI

Markaas ayaa haddana ibliiskii ku hogaamiyay Yeruusaalem wuxuuna kor istaajiyay darbigii ugu dheeraa ee macbadka, wuxuuna ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay meeshan iska tuur. Waayo wey qoran tahay, “ ‘Illaahey wuxuu kuu amri doonaa malaa’igtiisa si ey kuu daryeelaan, gacmahooda ayey kugu qaban doonaan si eysan cagtaadu dhagaxa ugu dhicin.’ ” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Qoraalku wuxuu leeyahay, ‘Ha jarribin Rabbiga Illaahaaga ah.’ ”