Matayos 23
23
Labawejiilanimada
1Kadib Ciise ayaa dadkii iyo xertiisi ku yiri, 2“Macalimiinta sharciga iyo Farrisiintu waxey ku fadhiyaa kursiga Muuse. 3Haddaba adeeca wax walboo ey idin baraan, laakiin ha sameynina waxey sameeyaan, waayo ma ku dhaqmaan waxey ku wacdiyaan. 4Culeys ayey dadka dusha ka saaraan, iney far dhaqaajiyaan iskuma dayaan.
5 “Wax walboo ey sameeyaan waxey u sameeyaan iney dadku arkaan. Xirsiyo aayado ah ayey madaxa iyo gacmaha ku xirtaan shulshulka dharkooduna wuu dheeryahay. 6Waxey jecelyihiin iney xafladaha meelaha marti sharafta ka fariistaan sunagogyadana iney kuraasta muhiimka ah ka fariistaan. 7Waxey jecelyihiin in si xushmad leh suuqyada loogu salaamo waxey kale oo ey jecelyihiin in dadku ‘Macalin’ ugu yeeraan.
8 “Laakiin yaan la idin kugu yeerin ‘Macalin’ waayo waxaad leedihiin hal macalin kuligiinna waxaad tihiin walaalo. 9Qof aduunka joogana ha ugu yeerina ‘aabe,’ waayo waxaad leedihiin hal Aabe, wuxuuna joogaa jannada. 10Yaan la idin kugu yeerin sayidyo, waayo waxaad leedihiin hal Sayid oo ah Masiixa. 11Kan idin kugu weyn ha ahaado adeegihiina. 12Waayo kuwa is sareysiiya waa la hooseysiin doonaa, kuwa is hooseysiiyana waa la sareysiin doonaa.
Ciise oo ka digay labawejiilanimada Farrisiinta iyo macalimiinta sharciga
13 “Hoog ayaa idin sugaya, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Dadka waxaad ka xirtaan albaabka boqortooyada jannada. Idinku ma gashaan, kuwa galayana uma ogolaataan. [14Hoog ha idiin sugnaado, macallimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Waxaad boobtaan guryaha carmalada, kadibna waxaad istustus u tukataan salaado dhaadheer, sidaa darteed waxaad heli doontaan ciqaab daran.]#23:14 Qoraallada qaar ma laha aayadda 14.
15 “Hoog ha idiin sugnaado, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Waxaad u safartaan dhul iyo badba si aad hal naf u badashaan. Markaad badbaadisaanna, waxaad ka dhigtaan qof u qalma naarta labalaab intaad idinku u qalantaan.
16 “Hoog ha idiin sugnaado, hogaamiyayaal yahow indhoolayaasha ah! Waxaad tiraahdaan, ‘Micno weyn ma laha haddii uu qof ku dhaarto macbadka, laakiin qofkii ku dhaarta dahabka macbadka waa inuu dhaartiisa oofiyo.’ 17Doqoma yahow indhoolayaasha ah! Keebaa Illaahey agtiisa qiimo ka leh, dahabka mase macbadka ka dhiga dahabka quduus? 18Waxaad kale oo aad tiraahdaan, ‘Micno weyn ma laha haddii uu qof ku dhaarto meesha allabariga, laakiin qofkii ku dhaarta hadiyada meesha allabariga taala waa inuu dhaartiisa oofiyo.’ 19Niman yahow indhoolayaasha ah! Keebaa Illaahey agtiisa qiimo ka leh, hadiyada mase meesha allabariga ee ka dhigta hadiyada quduus? 20Sidaa darteed, qofkii ku dhaarta meesha allabariga wuxuu ku dhaartay meesha allabariga iyo wax walboo kor saaran. 21Qof walboo macbadka ku dhaartana wuxuu ku dhaartay macbadka iyo kan dhex deganba. 22Qofkii jannada ku dhaartana wuxuu ku dhaartay Illaahey carshigiisa iyo kan ku dul fadhiya.
23 “Hoog ayaa idin sugaya, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Toban meelood meel ayaad Illaahey ka siisaan dhirta beertiina kasoo baxda oo kala ah reexaan, kabsar iyo hayl. Laakiin waxaad ka tagteen waxyaalo ka muhiimsan oo sharciga ku qoran sida cadaalad, naxariis iyo aaminnimo. Waxey ahayd inaad waxyaalahaas sameysaan idinka oo aan kuwa kale ka tagin. 24Hogaamiyayaal yahow indhoolayaasha ah! Waxaad iska miirtaan kaneecada waxaadna laqdaan geela.
25 “Hoog ha idiin sugnaado, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Banaanka ayaad koobka iyo baaquliga ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa hunguri weyni iyo dulmi. 26Farrisiin yahow indhoolayaasha ah! Marka hore koobka iyo baaquliga gudaha ka nadiifiya kadibna banaanka wey ka nadiifsanaan doonaan.
27 “Hoog ayaa idin sugaya, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Waxaa tihiin sida xabaalo la cadeeyay, kaasoo korka ka qurxoon laakiin gudaha waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh. 28Sidaas si la mida, idinku dusha waxaad uga egtihiin dad xaq ah, laakiin gudihiina waxaa ka buuxa labawejiilenimo iyo shar.
29 “Hoog ayaa idin sugaya, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada waxaadna qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa. 30Waxaadna tiraahdaan, ‘Haddii aan waqtigii awoowayaasheen noolaan lahayn, kama aanan qeyb qaadan laheyn daadinta dhiigga nebiyada.’ 31Sidaas ayaad iskugu marqaatifurteen inaad tihiin dhashii kuwii dilay nebiyada. 32Haddaba sii wada oo dhameystira wixii ey awoowayaashiin bilaabeen!
33 “Waxaa tihiin masas iyo caruur abeeso! Sidee ayaad uga badbaadi doontaan ciqaabta naarta? 34Sidaa darteed waxaan idiin soo diri doonaa nebiyo iyo niman xigmad leh iyo macalimiin sharciga Muuse. Laakiin qaarkood waad dili doontaan iskutallaabta ayaadna ku qodbi doontaan, qaar kalana waxaad ku garaaci doontaan sunagogyadiina waxaadna ku silcin doontaan magaalo illaa ka magaalo. 35Sidaas ayaadna dembiilayaal ugu ahaan doontaan dilka qof walboo wanaagsan ee dunida, laga soo bilaabo dhiiggii Haabiil kii xaqa ahaa illaa laga soo gaaro dhiiggii Sakariyas ina Barakiyas, kaasoo aad ku disheen inta u dhaxeysa macbadka iyo meesha allabariga. 36Runtii waxaan idin ku leeyahay, waxyaalahan oo dhan dadka qarnigaan ayey ku dhici doonaan.
37 “Yeruusaalemey, Yeruusaalemey, tan disha nebiyadaay oo dhagaxeysa kuwa loo soo diray, intee ayaan sugayay inaan isku keeno caruurtaada, sida ey digaagadu iskugu keento jiijiilayaasheeda baalasheeda hoostooda, adiguna ma aadan rabin. 38Fiiri, waa lagaaga tagay gurigaaga oo waa laguu cidleeyay. 39Waxaan kugu leeyahay, ima arki doontid mar dambe illaa aad ka tiraahdo, ‘Waxaa barakeysan midka ku yimaada magaca Sayidka.’ ”
ที่ได้เลือกล่าสุด:
Matayos 23: EI
เน้นข้อความ
แบ่งปัน
คัดลอก
![None](/_next/image?url=https%3A%2F%2Fimageproxy.youversionapi.com%2F58%2Fhttps%3A%2F%2Fweb-assets.youversion.com%2Fapp-icons%2Fth.png&w=128&q=75)
ต้องการเน้นข้อความที่บันทึกไว้ตลอดทั้งอุปกรณ์ของคุณหรือไม่? ลงทะเบียน หรือลงชื่อเข้าใช้
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.