Matayos 20

20
Tusaalihii shaqaalaha beerta canabka ah
1 “Boqortooyada jannada waa sida nin dhul leh oo aroortii tagay si uu shaqaale ugu raadiyo beertiisa canabka ah. 2Wuxuu kula heshiiyay inuu maalintii siiyo hal diinaar, wuxuuna u diray beertiisi si ey uga shaqeeyaan.
3 “Mar ey tahay saddex saac oo subaxnimo ayuu haddana baxay wuxuuna arkay kuwa kale oo suuqa taagan oo shaqo la’aan ah. 4Markaas ayuu ku yiri, ‘Idinkuna taga beertayda oo ka shaqeeya, waxaanna idin siin doonaa wax kasta oo sax ah.’ 5Kadibna beerta ayey aadeen.
“Haddana lix saac oo duhurnimo iyo sagaal saac oo galabnimo ayuu baxay, mar walbana shaqaale ayuu beerta ku soo kordhiyay. 6Haddana kow iyo toban saac oo galabnimo ayuu baxay wuxuuna arkay kuwa kale oo suuqa taagan, markaas ayuu weydiiyay, ‘Maxaad maanta oo dhan halkan u taagneydeen idinka oo aan waxba qabaneyn?’
7 “Markaas ayey ku jawaabeen, ‘Waayo qofna shaqo nooma dirsan.’
“Markaas ayuu ku yiri, ‘Idinkuna taga oo beertayda ka shaqeeya.’
8 “Markii fiidkii la gaaray, ayuu ninkii beerta lahaa u yeeray madaxii shaqaalaha wuxuuna ku yiri, ‘U yeer shaqaalaha siina mushaharkooda, adigoo ka bilaabaya kii ugu dambeeyay ee shaqada yimid una dambaysiinaya kii ugu horeeyay ee shaqada yimid.’
9 “Markey yimaadeen kuwii la shaqaaleysiiyay kow iyo toban saac oo galabnimo, ayaa waxaa la siiyay hal diinaar midkiiba. 10Haddaba markey yimaadeen kuwii ugu horeeyay ee la shaqaaleysiiyay, waxey u maleynayeen iney wax kuwa kale ka badan heli doonaan. Laakiin mid walboo iyaga ka mid ah wuxuu helay hal diinaar. 11Waxey qaateen iyagoo ku gunuunacaya ninkii beerta lahaa. 12Waxey yiraahdeen, ‘Kuwan gadaal ka yimid waxey shaqeeyeen oo kaliya hal saac, waadna na la sintay inagu oo qoraxda ku shaqeyneynay maalintii oo dhan shaqada culeyskeedina qabanay.’
13 “Laakiin wuxuu ugu jawaabay midkood, ‘Saaxiib xaqdaro idin kuma sameyn. Miyaanan idin kula heshiin inaad iigu shaqeysaan hal diinaar? 14Mushaharkaaga qaado oo tag. Waxaan rabaa inaan midkii ugu dambeeyay ee la shaqaaleysiiyay siiyo wax la mida waxaan adiga ku siiyay. 15Miyaan xaq u lahayn inaan lacagtayda waxaan rabo ku sameeyo? Mise waxaad ka xun tahay inaan deeqsi ahay?’
16 “Haddaba kuwa sareeya wey hooseyn doonaan kuwa hooseeyana wey sareeyn doonaan.”
Ciise oo markii saddexaad dhimashadiisa sii sheegay
17Intuu Ciise Yeruusaalem usii socday, ayuu laba iyo tobankii xertiisa ahaa gooni ula baxay wuxuuna ku yiri, 18“Waxaan u soconaa Yeruusaalem, Wiilka Aadanahana waxaa loo gacangelin doonaa gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muuse. Waxey ku xukumi doonaan dil 19Waxaana loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn si ey u bahdilaan oona garaacaan oo iskutallaabta loogu qodbo. Saddex maalmood kadibna wuu soo sarakici doonaa!”
Codsigii hooyada
20Kadib waxaa Ciise u yimid wiilashii Sebedi hooyadood oo ey wiilasheedi la socdaan, weyna u sujuuday iyadoo wax ka baryaysa.
21Ciise ayaa ku yiri, “Maxaad rabtaa?”
Markaas ayey ku tiri, “U ogolow in labadeydan wiil ey kaa kala fariistaan gacantaada midigta kan kalana fariisto bidixda boqortooyadaada dhexdeeda.”
22Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Ma garaneysaan waxaad weydisaneysaan, miyaad ka cabi kartaan koobka aan ka cabi doono?”
Markaas ayey ku yiraahdeen, “Waan awoodnaa.”
23Ciisana wuxuu iyagii ku yiri, “Runtii waad ka cabi doontaan koobkeyga silaca ah, laakiin inaad midigtayda ama bidixdayda fariisataan anigu ma idiin ogolaan karo. Boosaskaas waxaa leh kuwa uu Aabahay u diyaariyay.”
24Markey tobankii kale ee xerta ahaa arintan maqleen, aad ayey uga xanaaqeen waxey labadii walaalaha ahaa sameeyeen. 25Laakiin Ciise ayaa iskugu yeeray oo ku yiri, “Waad garaneysaan sida ey boqorrada dadka aan Yuhuudda ahayn ugu taliyaan dadkooda, iyo sida ey madaxdu dadka awood ugu taliyaan. 26Laakiin idinku sidaas ha u dhaqmina. Qofkii raba inuu madax noqdo waa inuu dadka u adeego, 27qofkii raba inuu ugu hormarana waa inuu adoon oo kale idiin noqdo. 28Sida uusan Wiilka Aadanahu ugu imaan in loo adeego, laakiin inuu adeego, iyo inuu naftiisa u huro si uu kuwo badan u badbaadiyo.”
Labadii indhoole ee aragooda helay
29Markey Ciise iyo xertiisa Yerixoo kasii baxayeen, waxaa Ciise raacay dad badan. 30Laba nin oo indha la’ ayaa jidka dhiniciisa fadhiyay, oo markey maqleen inuu Ciise meesha marayo ayey qayliyeen, iyagoo leh, “Sayidow, ina Daa’uudow, noo naxariiso!”
31Dadkii ayaa canaantay oo u sheegay iney aamusaan, laakiin aad ayey usii qayliyeen iyagoo leh, “Sayidow, Wiilkii Daa’uudow, noo naxariiso!”
32Ciise ayaa joogsaday oo ku yiri, “Maxaad rabtaan inaan idiin sameeyo?”
33Waxeyna ku jawaabeen, “Sayidow, waxaan rabnaa inaan wax aragno.”
34Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay. Isla markii ayey wax arkeen weyna raaceen.

ที่ได้เลือกล่าสุด:

Matayos 20: EI

เน้นข้อความ

แบ่งปัน

คัดลอก

None

ต้องการเน้นข้อความที่บันทึกไว้ตลอดทั้งอุปกรณ์ของคุณหรือไม่? ลงทะเบียน หรือลงชื่อเข้าใช้