Matayos 10

10
Ciise oo laba iyo tobankii xerta ahaa diray
1Ciise ayaa iskugu yeeray laba iyo tobankii xertiisa ahaa wuxuuna siiyay awood ey ruuxyada wasakhda leh ku saaraan kuna bogsiiyaan cudur walba iyo xanuun walba.
2Laba iyo tobanka rasuulna magacyadoodu waxey ahaayeen,
kan ugu horeeya waa Simoon oo Butros loo yaqaanay, iyo walaalkiis Andaros.
Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa.
3Filibos, Bartolomayos,
Toomas iyo Matayos oo canshuur qaade ahaa,
Yacquub ina Alfayos iyo Tadayos.
4Simoon oo loo yaqaanay Qiiroole iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyay Ciise.
5Laba iyo tobankaan Ciise ayaa diray isaga oo ku yiri, “Dadka aan Yuhuudda ahayn ha dhex galina hana tagina magaalooyinka reer Samaariya. 6Laakiin waxaad aadaan idaha lunsan ee reer binu Israa’iil. 7Intaad sii socotaan dadka u wacdiya oo waxaad ku tiraahdaan, ‘Boqortooyada jannada wey soo dhawaatay.’ 8Dadka xanuusan bogsiiya, kuwa dhintay soo sarakiciya, kuwa baraska qaba bogsiiya, ruuxyada wasakhda leh saara. Lacag la’aan ayaad ku hesheen ee lacag la’aan ku bixiya.
9 “Ha ku qaadanina lacag, dahab, qalin ama shilimaad kiishada suunkiina. 10Hana qaadanina boorso ama shaati iyo kabo dheeraad ah ama ul lagu socdo, waayo shaqaaluhu xaq ayuu u leeyahay mushaharkiisa. 11Haddaba marka aad magaalo ama tuulo gashaan, raadiya qof istaahila inaad marti u noqotaan gurigiisana jooga illaa aad meeshaas ka tagtaan. 12Marka aad guri gashaan salaama. 13Haddii gurigu uu istaahilo nabadiinu ha la jirto, laakiin haddii uusan gurigu istaahilin nabadiina la noqda. 14Qofkii aan idin soo dhawayn ama dhagaysan fariintiina, ka taga gurigiisa ama magaaladiisa cagahiinana boorka ka jafa. 15Runtii waxaan idin ku leeyahay, maalinta wax la xukumayo Sodom iyo Gomora ayaa ka xukun fududaan doona magaaladaas.
16 “Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex nool. Sidaa darteed u caqli badnaada sidii mas oo kale sidii qoolley oo kalana daacad u ahaada. 17Is ilaaliya, waayo waxaa la idin geyn doonaa maxkamadaha oo sunagogyada dhexdooda ayaa la idin ku garaaci doonaa. 18Aniga dartey ayaa la idiin hor keeni doonaa taliyayaal iyo boqorro si aad iyaga iyo dadka aan Illaahey garaneyn marqaati ugu noqotaan. 19Laakiin markey idin qabtaan, ha ka welwelina waxaad dhihi lahaydeen ama sidaad u dhihi lahaydeen. Waqtigaas ayaa la idin siin doonaa waxaad dhahdaan, 20waayo idinka ma aha kuwa hadlaya, laakiin waxaa idin ka dhex hadli doona Ruuxa Aabihiin.
21 “Walaal ayaa walaalka kale in la dilo u gacangelin doona, waalid ayaa caruurtooda gacangelin doona, caruurna waxey kasoo horjeesan doonaan waalidkood oo wey dili doonaan. 22Aniga daraadey ayuuna qof walba idiin nici doonaa, laakiin kan illaa dhamaadka adkeysta ayaa badbaadi doona. 23Markii meel la idin ku silciyo meel kale u carara. Runtii waxaan idin ku leeyahay, inta eydan magaalooyinka Israa’iil wada tagin ayuu Wiilka Aadanahu imaan doonaa.
24 “Ardeygu macalinka kama sareeyo, adeeguhuna sayidkiisa kama sareeyo. 25Wey ku filan tahay ardeydu iney macalinkooda oo kale noqdaan, adoomaduna sayidyadooda oo kale noqdaan. Haddii ey dadku odayga reerka ugu yeeraan Be’elsebul, intee ka badan ayey ugu yeeri doonaan kuwa gurigiisa ku nool!
26 “Haddaba ha ka cabsanina, waayo wax walboo qarsoon banaanka ayaa la soo dhigi doonaa, sir walbana waa la ogaan doonaa. 27Wixii aan mugdiga idiin ku sheego, iftiinka ku sheega, wixii dhagta la idiin ku sheego, guryaha korkooda kaga qayliya. 28Ha ka cabsanina kuwa jirka kaliya dila laakiin aan dili karin nafta. Laakiin ka cabsada kan nafta iyo jirkaba naarta ku tuuri kara. 29Miyaan laba shimbirrood benni lagu gadan? Midoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabihiin la’aantiis. 30Xitaa timaha madaxaaga ku yaala wey tirsan yihiin. 31Sidaa darteed ha cabsanina waayo waad ka qiimo badan tihiin shimbirro badan.
32 “Mid walboo igu qirta dadka hortooda, waxaan aniguna ku qiran doonaa Aabahayga jannada ku jira hortiisa. 33Laakiin mid walboo igu inkira dadka hortooda, waxaan aniguna ku inkiri doonaa Aabahayga jannada ku jira hortiisa.
34 “Ha u maleynina inaan u imid inaan dhulka nabad keeno. Uma imaan inaan dhulka nabad keeno ee waxaan u imid inaan seef keeno. 35Waxaan u imid inaan iska soo horjeediyo
“ ‘wiil iyo aabihiis,
gabar iyo hooyadeed,
naag iyo soddohdeed.
36 Ninka cadowgiisa waxaa noqon doona qoyskiisa.’
37 “Qof walboo iga jecel hooyadiis iyo aabihiis ima istaahilo, qof walboo iga jecel wiilkiisa ama gabadhiisa ima istaahilo. 38Mid walboo aan iskutallaabtiisa soo qaadan ina soo raacin ima istaahilo. 39Qof walboo naftiisa helaa wuu lumin doonaa, qof walboo naftiisa u lumiya aniga darteyna wuu heli doonaa.
40 “Qof walboo idin soo dhaweeya aniga ayuu isoo dhaweeyay, qof walboo aniga isoo dhaweeyana wuxuu soo dhaweeyay kan isoo diray. 41Qofkii nebi u soo dhaweeya nebinimo wuxuu heli doonaa nebi abaalgudkiis, qofkii qof xaq ah kusoo dhaweeya xaqnimadiisa darteed wuxuu heli doonaa qof xaq ah abaalgudkiis. 42Qofkii siiya xitaa hal koob oo biyo qabow ah mid ka mid ah xerteydan, runtii waxaan idin ku leeyahay, qofkaas waa loo abaalgudi doonaa.”

ที่ได้เลือกล่าสุด:

Matayos 10: EI

เน้นข้อความ

แบ่งปัน

คัดลอก

None

ต้องการเน้นข้อความที่บันทึกไว้ตลอดทั้งอุปกรณ์ของคุณหรือไม่? ลงทะเบียน หรือลงชื่อเข้าใช้