Yooxanaa 1

1
Ereygii oo jir qaatay
1Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Illaahey, Ereyguna wuxuu ahaa Illaahey. 2Isagu Illaahey ayuu la jiray Ilaa bilowgii. 3Wax walbana ereygaas ayaa lagu sameeyay, wixii la sameeyeyna lama sameyn la’aantiis. 4Isaga waxaa ku jiray nolol, noloshaasna waxey ahayd iftiinka binu aadanka oo dhan. 5Iftiinkaasna wuxuu ka dhex ifayaa mugdiga, mugdiguna kama awood badinin.
6Waxaa jiray nin Illaahey soo diray oo la yiraahdo Yooxanaa. 7Kaasoo u yimid marqaati ahaan inuu u marqaatifuro waxa ku saabsan iftiinkaas, si dartiis kuwa badan u aaminaan. 8Isagu ma ahayn iftiinka laakiin wuxuu u yimid inuu u marqaatifuro iftiinkaas.
9Iftiinka runta ah ee dadka oo dhan iftiinka siiya ayaa aduunka imaanayay. 10Ereygu wuxuu joogay aduunka, inkastoo aduunka isaga laga sameeyay, laakiin dunidu ma eysan garanin isaga. 11Wuxuu u yimid aduunkii uu lahaa, laakiin ma eysan aqbalin isaga. 12Balse mid walboo isaga aqbalay iyo mid walboo magaciisa aaminay wuxuu siiyay xaq ey ku noqdaan caruurta Illaahey. 13Caruur taas oo aan sida dabiiciga u ah binu aadanka loo dhalin, laakiin ah caruur xagga Illaahey ka dhashay.
14Ereygii wuxuu noqday jir oo dhexdeena ayuu ku noolaaday. Ammaantiisa ayaan aragnay, ammaanta Wiilka kaliya ee ka yimid Aabaha isaga oo ey ka buuxdo nimco iyo run.
15Yooxanaana isaga ayuu u marqaatifuray oo yiri, “Kan waa kii aan idiin sheegay inuu imaan doono! Wuu iga awood weyn yahay waayo wuxuu noolaa inta aanan dhalanin ka hor.” 16Isaga dartiis ayaan ku helnay nimco buuxda. 17Waayo sharciga waxaa la siiyay Muuse, laakiin Ciise Masiix ayaa noo keenay nimcada iyo runta. 18Qofna weligiis ma arkin Illaahey, laakiin Wiilka kaliya oo isaguba ah Illaahey, xiriir fiicanna la leh Aabaha ayaa noo muujiyay Illaahey.
Yooxanaa Baabtiisaha oo diiday inuu yahay Masiixa
19Kani waa marqaatifurkii Yooxanaa, markii hogaamiyayaashii Yuhuudda ee joogay Yeruusaalem u soo direen wadaaddo iyo kuwa reer Laawi ah si ey u soo weydiiyaan qofka uu yahay. 20Markaas ayuu si cad u yiri, “Masiixa ma ihi.”
21Markaas ayey weydiiyeen, “Haddaba yaa tahay? Ma waxaad tahay Eliyaas?”
Wuxuu ku jawaabay, “Maya ma ihi.”
“Ma waxaad tahay nebi?”
Wuxuu ugu jawaabay, “Maya.”
22Ugu dambeyntii waxey yiraahdeen, “Yaa tahay? Na sii jawaab aan u geyno kuwii na soo diray. Noo sheeg yaad tahay?”
23Markaas ayaa Yooxanaa ku jawaabay ereyadii nebi Isayos, “Waxaan ahay codka kan cidlada ka dhawaaqaya oo leh, ‘Waddooyin toosan Rabbiga u sameeya.’ ”
24Haddaba Farrisiintii isaga loo soo diray 25ayaa weydiiyeen, “Maxaad dadka u baabtiiseysaa haddaadan ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebi?”
26Yooxanaa ayaa ugu jawaabay, “Anigu waxaan ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiina waxaa taagan qof eydan garaneyn. 27Inkastoo aan kasoo horeeyay, laakiin ma istaahilo inaan suumanka kabahiisa furo.”
28Waxyaalahan oo dhan waxey ka dhaceen Beytaniya dhinaca kale ee webi Urdun, halkaas oo uu Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.
Yooxanaa oo u marqaatifuray Ciise
29Maalintii ku xigtay ayaa Yooxanaa arkay Ciise oo dhinaciisa u soo socda markaas ayuu yiri, “Fiiriya, Wankii Illaahey kaasoo qaada dembiga aduunka! 30Waa kii aan idiin sheegay markaan iri, ‘Qof kale ayaa imaan doona kaasoo iga awood weyn waayo wuxuu noolaa inta aanan dhalanin ka hor.’ 31Anigu xitaa ma garaneynin isaga, laakiin sababta aan biyaha idiin kugu baabtiisayo waa in isaga Israa’iil loo muujiyo.”
32Kadib Yooxanaa ayaa u marqaatifuray oo yiri, “Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degay qoolley ahaan oo isaga kor istaagay. 33Waxyaalahan inteysan dhicin ka hor anigu xitaa ma garaneyn qofka uu yahay, laakiin kan ii soo diray inaan biyo wax ku baabtiiso ayaa ii sheegay isaga oo leh, ‘Waxaad arki doontaa nin uu Ruuxu kusoo dul degi doono. Markaas ayaad ogaan doontaa inuu yahay kan wax ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.’ 34Waan arkay waana ka marqaatifurayaa inuu kani yahay midka Illaahey doortay.”
Xertii Yooxanaa oo Ciise raaceen
35Maalintii ku xigtayna Yooxanaa halkii ayuu joogay oo laba xertiisa ka mid ah ayaa la joogay. 36Markii uu arkay Ciise oo meeshaas maraya ayuu yiri, “Fiiriya, Wankii Illaahey!”
37Labadii xertiisa ahayd ayaa markey arintaas maqleen Ciise raacay. 38Markii uu Ciise gadaal u jeestay oo uu arkay iyagoo soo daba socda ayuu ku yiri, “Maxaad dooneysaan?”
Markaas ayey ku yiraahdeen, “Rabbiyow! Taas oo micnaheedu yahay macalin, halkeed degantahay?”
39Wuxuu ku jawaabay, “Kaalaya, waad arki doontaane.”
Markaas ayey raaceen oo soo arkeen halkii uu joogay, maalintaasna wey la joogeen. Waxeyna ahayd afartii galabnimo.
40Mid ka mid ah labadii nin ee maqashay wixii uu Yooxanaa yiri oo Ciise soo raacay wuxuu ahaa Andaros oo ahaa Simoon Butros walaalkiis. 41Wixii ugu horeeyay uu Adaros sameeyay waxey ahayd inuu walaalkiis Simoon u sheegay oo ku yiri, “Waxaan aragnay Masiixa!” Kaasoo micnahiisu yahay Kiristooska. 42Wuxuuna u keenay Ciise.
Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Waxaad tahay Simoon ina Yooxanaa. Waxaana lagugu yeeri doonaa Keeyfas.” Kaasoo micnahiisu yahay, Butros.
Ciise oo u yeeray Filibos iyo Nataana’el
43Maalintii ku xigtay Ciise wuxuu go’aansaday inuu tago Galili. Halkaasna wuxuu ku arkay Filibos markaas ayuu ku yiri, “Isoo raac.”
44Filibos sida Andaros iyo Butros ayuu isaguna kasoo jeeday magaalada Beytsayda. 45Filibosna markii uu arkay Nataana’el ayuu ku yiri, “Waxaan aragnay kii ey sharcigii Muuse iyo nebiyadu wax ka qoreen. Waana Ciisihii reer Naasared ina Yuusuf.”
46Markaas ayaa Nataana’el yiri, “Ma wax wanaagsan ayaa ka imaan kara Naasared?”
Filibosna wuxuu ku yiri, “Kaalay oo arag.”
47Markii uu Ciise arkay Nataana’el oo soo socda ayuu ku yiri, “Haddaba waa kan reer Israa’iilkii runta ahaa kaasoo aan khiyaanoole ahayn.”
48Markaas ayuu Nataana’el Ciise ku yiri, “Sidee ayaad igu garatay?”
Ciisana wuxuu ku jawaabay, “Waxaan ku arkay markaad geedka berdaha ah hoos fadhiday Filibos inta uusan kuu wicin ka hor.”
49Nataana’elna wuxuu yiri, “Macalinow, waxaad tahay Wiilka Illaahey, waxaadna tahay boqorka Israa’iil.”
50Ciisana wuxuu yiri, “Ma waxaad u aamintay inaan ku iri geedka berdaha ah hoostiisa ayaan kugu arkay darteed. Waxaad arki doontaa waxyaalo kuwan ka waaweyn. 51Runtii waxaan idin ku leeyahay waxaad arki doontaan samada oo furantay oo malaa’igta Illaahey ey u kacayaan kuna soo degayaan Wiilka Aadanaha.”

ที่ได้เลือกล่าสุด:

Yooxanaa 1: EI

เน้นข้อความ

แบ่งปัน

คัดลอก

None

ต้องการเน้นข้อความที่บันทึกไว้ตลอดทั้งอุปกรณ์ของคุณหรือไม่? ลงทะเบียน หรือลงชื่อเข้าใช้