BILOWGII 7

7
1Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda. 2Xoolaha daahirka ah toddoba iyo toddoba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; xoolaha aan daahirka ahaynna laba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; 3haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan. 4Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa. 5Nuuxna wax kasta sidii Rabbigu ugu amray ayuu u sameeyey.
6Nuuxna wuxuu jiray lix boqol oo sannadood markii daadka biyuhu dhulka dul joogay. 7Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka. 8Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba 9Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii, lab iyo dhaddig, sidii Ilaah ugu amray Nuux. 10Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen. 11Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay. 12Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen. 13Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray; 14iyagii, iyo dugaag kasta caynkiisa, iyo xoolo kasta caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, iyo haad kasta caynkiisa, iyo shimbir kasta oo cayn kasta ah. 15Wax kasta oo jidh leh oo neefta noloshu ku jirtaba Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii. 16Oo kuwii galay waxay ahaayeen lab iyo dhaddig oo wax kasta oo jidh leh, sidii Ilaah ku amray isagii: oo Ilaahna waa ku xidhay isagii. 17Daadkiina afartan maalmood buu dhulka dul joogay; biyihiina way sii kordheen, oo doonnidii bay kor u qaadeen, oo waxaa iyadii kor looga qaaday dhulka. 18Biyihiina way xoogaysteen, oo dhulkay aad ugu kordheen; doonnidiina waxay dul socotay biyihii. 19Biyihiina aad bay ugu xoogaysteen dhulka; oo dhammaan buurihii dhaadheeraa oo samada oo dhan ka hooseeyey way qarsoomeen. 20Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen. 21Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba. 22Wax walba oo dhulka engegan joogay oo dulalka sankiisa ay neefta ruuxa nolosha ku jirtay, way wada dhinteen. 23Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii. 24Biyihiina boqol iyo konton maalmood ayay dhulka xoog ku lahaayeen.

Айни замон обунашуда:

BILOWGII 7: SOMBIBLE

Лаҳзаҳои махсус

Паҳн кунед

Нусха

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in