Markos 13

13
Dumida macbadka
1Ciise goortii uu macbadka ka baxayay mid xertiisi ka mid ah ayaa ku yiri, “Macalinow, fiiri dhagaxan weyn iyo dhismahan quruxda badan!”
2Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ma aragtaan dhismahan weyn? Halkan laguma dhaafi doono dhagax dhagax kale dul saaran, kuli waa la burburin doonaa.”
3Kadib Ciise oo dul fadhiya buur Saytuun taas oo kasoo hor jeeda macbadka, ayaa Butros, Yacquub, Yooxanaa iyo Andaros gooni ahaan u weydiiyeen, 4“Bal noo sheeg waxyaalahan goorma ayey dhici doonaan? Calaamadee ayaan ku garan doonaa iney mar dhow rumoobi doonaan?”
5Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Iska ilaaliya in uusan qofna idin khiyaanin. 6Kuwa badan ayaa magacayga ku imaan doona iyagoo dhahaya, ‘Waxaan ahay Masiixa.’ Oo dad badan ayey khiyaani doonaan. 7Markaad maqashaan dagaallo iyo waxyaalo ku saabsan dagaallo ha cabsanina. Waxyaalahan oo kale waa iney dhacaan, laakiin dhamaadka aduunka weli lama gaarin. 8Qowmiyadna qowmiyadda kale ayey ka hor imaan doontaa, boqortooyana boqortooyada kale ayey ka hor imaan doontaa. Waxaana meelo badan ka dhici doona abaar iyo dhul gariir. Laakiin waxan oo dhan waa bilowga dhibaatooyinka.
9 “Is ilaaliya waayo waxaa la idiin geyn doonaa maxkamadaha oo sunagogyada dhexdooda ayaa la idin ku garaaci doonaa. Aniga dartey ayaad u hor istaagi doontaan taliyayaal iyo boqorro oo iyaga ayaad marqaati ugu noqon doontaan. 10Sidaa darteed warka wanaagsan waa in laga wacdiya quruumaha oo dhan. 11Haddii la idin qabto, ha ka welwelin waxaad dhihi lahaydeen. Ereyo sax ah ayaa waqtigaas la idiin siin doonaa, waayo idinku ma hadleysaan ee kan idin ka dhex hadlayo waa Ruuxa Quduuska ah.
12 “Walaal ayaa walaalka kale in la dilo u gacangelin doona, waalid ayaa caruurtooda gacangelin doona, caruurna waxey kasoo horjeesan doonaan waalidkood oo wey dili doonaan. 13Aniga daraadey ayuuna qof walba idiin nici doonaa, laakiin kan illaa dhamaadka adkeysta ayaa badbaadi doona.
14 “Haddaba markaad aragtaan ‘Waxyaalo xun’ oo ka dhacaya meesha quduuska ah, kii wax akhriyaa ha fahmo, kadibna kuwa Yahuudiya joogaa ha u cararaan buuraha. 15Haddii qof saaranyahay gurigiisa korkiisana gurigiisa yuusan galin si uu wax ugala soo baxo. 16Qofkii beerta joogana yuusan ku laaban guriga si uu jaakaddiisa u soo qaato. 17Waqti dhib badan ayey u ahaan doontaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya! 18Ku duceysta in arintaas eysan dhicin xiliga qabowga, 19waayo waqtigaas wuxuu noqon doonaa waqtigii ugu dhibaatada badnaa illaa markii uu Illaahey aduunka abuuray, wax sidan oo kale u xunna mar dambe ma dhici doonaan.
20 “Rabbigu haddii uusan maalmahaas gaabin, qofna ma badbaadi lahayn. Laakiin Illaahey dadkiisa uu doortay dartood ayuu waqtiga u gaabiyay. 21Waqtigaas haddii uu qof kugu yiraahdo, ‘Fiiri, Masiixi waa kan!’ Ama uu kugu yiraahdo, ‘Fiiri Masiixi waa kaas!’ Ha rumeysan. 22Waayo waxaa imaan doona masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, waxeyna sameyn doonaan mucjisooyin layaab leh si ey dadka ugu khiyaanaan, xitaa waxey isku dayi doonaan iney khiyaanaan Illaahey dadka uu doortay. 23Sidaa darteed is ilaaliya, waayo waan idiin sii sheegay waxyaalaha soo socda oo dhan.
24 “Dadku markey dhibaatoodaan kadib,
“ ‘Qoraxdu wey madoobaan doontaa,
dayaxuna iftiin ma lahaan doono.
25 Xiddiguhuna cirkey kasoo dhici doonaan,
awoodaha cirkana waa la gariirin doonaa.’
26 “Waqtigaas dadku waxey arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku soo dhex maraya awood weyn iyo ammaan. 27Wuxuuna diri doonaa malaa’igtiisa si ey aduunka oo dhan uga soo ururiyaan dadka uu doortay.
28 “Haddaba casharkan ka barta geedka berdaha ah. Haddii ey laamihiisu curdan noqdaan oo uu caleemo bixiyo, waxaad ogaataan in roobku dhowyahay. 29Sidaas markaad aragtaan waxyaalahan oo dhacaya waad ogtihiin inuu dhowyahay oo albaabka ag joogo. 30Runtii waxaan idin ku leeyahay dadka qarnigaan wey noolaan doonaan illaa ey waxyaalahan oo dhan ka dhacaan. 31Cirka iyo dhulku wey dhamaan doonaan, laakiin ereyadaydu weligood ma dhamaan doonaan.
Qofna ma oga maalinta iyo waqtiga khiyaamaha
32 “Laakiin maalinta iyo waqtiga qiyaamaha qofna ma garanayo, xitaa malaa’igta jannada iyo Wiilku ma garanayaan, laakiin Aabaha oo kaliya ayaa garanaya. 33Is ilaaliya! Waayo ma garaneysaan waqtiga ey waxyaalahan dhici doonaan. 34Waa sida nin safar u socda, oo gurigiisa ka tagay wuxuuna maamulka u dhiibay shaqaalihiisa, shaqaala walbana wuxuu sameynayo ayuu u sheegay, kan albaabka waardiyeeyana wuxuu ku yiri ila socodsii wax walba.
35 “Sidaa darteed soo jeeda waayo ma garaneysaan kan guriga leh goortuu soo laaban doono. Waxey noqon kartaa fiidkii ama habeen barkii, markii uu diiqu ciyo ama aroortii. 36Haddii uu yimaado isaga oo aan la filaneyn yuusan idin helin idinka oo jiifa. 37Waxaan qof walba u sheegaa waxaan idiin sheegay oo ah, ‘Is ilaaliya!’ ”

தற்சமயம் தேர்ந்தெடுக்கப்பட்டது:

Markos 13: EI

சிறப்புக்கூறு

பகிர்

நகல்

None

உங்கள் எல்லா சாதனங்களிலும் உங்கள் சிறப்பம்சங்கள் சேமிக்கப்பட வேண்டுமா? பதிவு செய்யவும் அல்லது உள்நுழையவும்

Markos 13 க்கான வீடியோக்கள்