Luukos 9

9
Ciise oo laba iyo tobankii diray
1Maalin ayaa waxaa dhacday Ciise inuu iskugu yeeray laba iyo tobankii xertiisa ahayd, wuxuu siiyay awood iyo xukun ey ku bixiyaan ruuxyada wasakhda leh iyo iney dadka ka bogsiiyaan cuduradooda. 2Kadibna wuu diray si ey dadka oo dhan ugu wacdiyaan boqortooyada Illaahey oo cuduradoodana uga bogsiiyaan. 3Wuxuuna ku yiri, “Safarkaan ha u qaadanina ul, boorso, cunto, lacag ama shaar aad iska dheeraad ah. 4Guri walboo la idin kasoo dhaweeyo halkaas jooga illaa aad magaalada ka tagtaan. 5Haddii dadka idin soo dhaweyn waayaan, ka taga magaaladooda oo boorka cagahiina ka jafa si ey marqaatifur idin kugu ahaato.” 6Markaas ayey baxeen oo ey tageen tuulooyinka, iyagoo warka wanaagsan ku wacdinaya oo dadkana bogsiinaya.
7Haddaba taliye Herodos goortuu maqlay waxa dhacay aad ayuu uga welwelay. Waayo qaar ayaa dhahayeen Yooxanaa wuxuu kasoo sarakacay dhimashada, 8qaarna waxey dheheen Eliyaas ayaa soo laabtay, kuwa kalana waxey u maleeyeen nebiyadii hore iney nolosha ku soo laabteen. 9Laakiin Herodos wuxuu dhahay, “Aniga ayaa Yooxanaa madaxa ka gooyay, marka yuu noqon karaa kan aan sheekadiisa maqlayo?” Herodos wuxuu isku dayay inuu qofkaas arko.
Ciise wuxuu cunto siiyay shan kun oo qof
10Rasuulladii markey soo laabteen, Ciise ayey u sheegeen waxyaalihii ey soo sameeyeen oo dhan. Markaas ayuu iyagii watay oo waxey aadeen magaaladii Beytsayda, 11laakiin dadkii badnaa ayaa waxey garteen meesha ey u socdeen, weyna raaceen. Ciisana wuu soo dhaweeyay iyagii oo kala hadlay wax ku saabsan boqortooyada Illaah, wuuna bogsiiyay kuwii u baahnaa caafimaad.
12Duhuradii markii la joogay ayaa laba iyo tobankii xertiisa ahayd u yimaadeen Ciise oo ey ku yiraahdeen, “Dadkan u kala dir tuulooyinka meelahaan ku dhow ha aadaane oo cunto iyo meel ey jiifsadaan ha raadsadaane, waayo meeshan meel wax laga cuno ma laha.”
13Ciise ayaa ugu jawaabay oo ku yiri, “Siiya wax ey cunaan.” Markaas ayey ku yiraahdeen, “Waxaan haynaa shan kibis iyo laba kalluun oo kaliya, inaan tagno oo cunto dadkan oo dhan u soo gadno maahee.” 14(Waxaa meesha joogay qiyaastii shan kun oo nin.)
Laakiin wuxuu xertiisi ku yiri, “U fariisiya kooxo konton konton qof ka kooban.” 15Xertiina saas ayey sameeyeen oo dadkii wey fariisteen. 16Ciise intuu shantii kibis iyo labadii kalluun kor u qaaday oo uu cirka fiiriyay, ayuu Illaahey u mahadceliyay wuuna kala googooyay. Kadibna wuxuu siiyay xertii si ey dadka ugu qeybiyaan. 17Kuligoodna wey cuneen oo dhergeen, xertiina waxey ururiyeen laba iyo toban dambiilood oo buuxdo oo haraagii iyaga kasoo haray ah.
Butros oo qirtay Ciise inuu yahay Masiixa
18Maalin Ciise goortuu gaar u duceysanayay oo xertiisana ey la joogeen, wuxuu iyaga weydiiyay, “Dadku yey igu sheegaan?”
19Waxey ku jawaabeen, “Qaarkood waxey dhahaan waxaa tahay Yooxanaa Baabtiisaha, kuwa kalana waxey dhahaan Eliyaas, qaar kalana waxey dhahaan waa nebi nebiyadii hore ka mid ah oo soo noolaaday.”
20Markaas ayuu Ciise xertii weydiiyay, “Laakiin idinku yaad igu sheegtaan?”
Butros ayaa ugu jawaabay oo yiri, “Waxaad tahay Masiixa Illaah.”
Ciise oo sii sheegay dhimashadiisa
21Ciise ayaa uga digay xertiisi in eysan qofna u sheegin qofka uu yahay. 22Wuxuu yiri, “Wiilka Aadanahu waa inuu in badan silcaa oo xitaa ey diidaan odayaasha, gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga. Waana la dili doonaa oo maalinta saddexaad ayuu soo sarakici doonaa.”
23Markaas ayuu iyagoo dhan ku yiri, “Mid walboo xerteyda noqon raba waa inuu is naftiisa inkiraa oo iskutallaabtiisa maalin walba soo qaataa oona isoo raacaa. 24Waayo mid walboo noloshiisa badbaadin rabo wuu luminayaa, laakiin mid walboo noloshiisa darteyda u lumiyay wuu badbaadi doonaa. 25Qof maxey u taraysaa hadduu aduunkoo dhan helo, laakiin uu nafsadiisa lumiyo? 26Mid walboo aniga iyo ereygayga ceeb ku dareemaya, Wiilka Aadanahuna wuu diidi doonaa goortii uu ku yimaado ammaantiisa iyo ammaanta Aabihiis iyo tan malaa’igta quduuska ah.
27 “Runtii waxaan idin ku leeyehay, qaar idin ka mid ah oo halkan taagan dhimashada ma arki doonaan illaa inta eysan boqortooyada Illaah arkin ka hor.”
Isbeddelkii
28Siddeed maalmood Ciise goortuu waxyaalahan sheegay kadib, wuxuu kaxaystay Butros, Yooxanaa iyo Yacquub oo waxey isla tageen buurta korkeeda si ey u soo duceystaan. 29Markii uu duceysanayay, wejigiisa ayaa beddelmay, oo dharkiisi waxey noqdeen caddaan. 30Isla markiiba laba nin ayaa u soo muuqatay, oo kala ahaa Muuse iyo Eliyaas iyagoo Ciise la hadlaan. 31Waxey ugu muuqdeen ammaan oo ey kala hadleen dhimashadiisa, taas oo Yeruusaalem lagu oofin doono. 32Butros iyo kuwii kale wey hurdeen, laakiin markey soo kaceen, waxey arkeen ammaantii Ciise iyo laba nin oo la taagan. 33Nimankii goortay tagi rabeen ayaa Butros ku yiri Ciise, “Sayidow, wey fiicnaan lahayd inaan halkan sii joogno. Haddaba waxaan halkan ku dhisaynaa saddex teendho mid adiga ayaa leh, midna Muuse midna Eliyaas.” Laakiin Butros ma garaneynin wuxuu ka hadlayo.
34Goortuu hadlayay ayaa waxaa soo muuqatay daruur iyaga oo dhan wada qarisay, aad ayey u cabsadeen markey daruurtii galeen. 35Markaas ayaa cod ka yimid daruurtii oo yiri, “Kani waa Wiilkeyga, kii aan doortay, dhageysta isaga.” 36Markii codkii hadlayay uu dhamaaday waxey arkeen Ciise inuu kaligiis yahay. Markaas ayey xertii iska aamuseen oo qofna uma sheegin waxey arkeen.
Ciise wuxuu bogsiiyay wiil ruuxyo wasakh leh qabay
37Maalintii ku xigtay, markey buurta kasoo daganayeen dad badan ayaa Ciise la kulmay. 38Nin dadkii badnaa ku jiray ayaa Ciise u wacay oo ku yiri, “Macalinow, fadlan fiiri wiilkeyga, waayo kaligiis ayaan ilmo ka leeyahay. 39Oo ruuxyo wasakh leh ayaa qabta, wuu qayliyaa, dhulka ayey ku tuuraan oo wiilkuna afka ayuu ka xumbeeyaa. Ruuxan wasakhda lehna kama baxo wiilkan, oo noloshiisa ayey ka haleynayaa. 40Xertaada ayaan ka baryay iney ruuxa wasakhda leh ka saaraan, laakiin wey awoodi waayeen.”
41Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dad yahow aan iimaanka lahayn, illaa goorma ayaan idin la joogi doonaa oo idiin dulqaadan doonaa? Wiilkaaga halkan keen.”
42Xitaa wiilkii goortuu imaanayay ruuxii wasakhda lahaa dhulka ayuu ku tuuray oo gilgilay. Markaas ayaa Ciise canaantay ruuxii wasakhda lahaa, wiilkii ayuu bogsiiyay oo aabihiis u dhiibay. 43Iyagoo dhan ayaa ka yaabay weynaantii Illaah.
Markii labaad ayuu Ciise dhimashadiisi sii sheegay
Goortii qof walba uu la yaabanaa wixii uu Ciise sameeyay oo dhan, wuxuu xertiisi ku yiri, 44“Si fiican u dhageysta waxaan idiin sheegi rabo, Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelin doonaa dad.” 45Laakiin iyaga wuxuu ka hadlayay ma eysan fahmin. Waa laga qariyay, si ey waxba uga fahmin, weyna ka cabsadeen iney isaga weydiiyaan.
46Xertii ayaa dood ka dhex dhacday, oo waxey ka doodayeen yaa noqon doona kan ugu weyn. 47Laakiin Ciise wuu ogaa fikirkooda, markaas ayuu cunug yar keenay oo is ag istaajiyay. 48Kadibna wuxuu ku yiri, “Mid walboo cunuggaan magaceyga ku soo dhaweystaa wuu isoo dhaweystay, mid walboo aniga isoo dhaweystana wuxuu soo dhaweystay kii isoo diray. Waayo dhexdiina kan u hooseeya ayaa ugu weyn.”
49Markaas ayaa Yooxanaa Ciise ku yiri, “Sayidow, waxaan aragnay qof ruuxyo wasakh leh magacaaga ku bixinayay oo waxaan isku daynay inaan jooji ku dhahno, waayo nagama mid ahayn.”
50Laakiin Ciise wuxuu ku yiri xertii, “Ha u diidina, waayo qofkii aan idin kasoo horjeedin wuu idin la jiraa.”
Kasoo horjeedintii reer Samaariya
51Goortii waqtigii Ciise samada loo qaadi lahaa la gaaray ayaa wuxuu tagay Yeruusaalem. 52Wuxuu iska hor diray adeegayaashiisi, kuwaas oo tageen tuulooyinka samaariya si ey wax walba ugu sii diyaariyaan, 53laakiin dadkii halkaas joogay ma soo dhaweynin isaga waayo wuxuu u socday Yeruusaalem. 54Markii Yacquub iyo Yooxanaa oo ka mid ahaa xerta arkeen waxa dhacaya ayey Ciise ku yiraahdeen, “Rabbiyow, miyaad dooneysaa inaan amarno dab inuu cirka ka yimaado oo iyaga dhan wada baabi’iyo?” 55Laakiin Ciise intuu u jeestay ayuu canaantay iyagii. 56Kadibna isaga iyo xertiisi waxey tageen tuulo kale.
Qiimaha loo bixiyo Ciise raacitaankiisa
57Intey jidka sii socdeen ayaa nin Ciise ku yiri, “Meel walboo aadid waan kuu raacayaa.”
58Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dawacooyinku godad ayey leeyihii shimbirruhuna buulal, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu u hoydo ma laha.”
59Markaas ayuu Ciise nin kale ku yiri, “Isoo raac.” Laakiin wuxuu ku jawaabay,
“Rabbiyow, marka hore iga yeel inaan tago oo aan soo duugo aabahay.”
60Ciisana wuxuu ku yiri, “Dhaaf meydadku ha is duugaane, laakiin adigu tag oo soo wacdi boqortooyada Illaah.”
61Mid kalana wuxuu yiri, “Rabbiyow, waan ku raacayaa, laakiin marka hore iga yeel inaan tago oo aan soo macsalaameeyo reerkeyga.”
62Ciise wuxuu ku jawaabay, “Ma jiro qof gacantiisa qoddo saaray oo haddana gadaal fiiriyay oo u qalma shaqada boqortooyada Illaah.”

தற்சமயம் தேர்ந்தெடுக்கப்பட்டது:

Luukos 9: EI

சிறப்புக்கூறு

பகிர்

நகல்

None

உங்கள் எல்லா சாதனங்களிலும் உங்கள் சிறப்பம்சங்கள் சேமிக்கப்பட வேண்டுமா? பதிவு செய்யவும் அல்லது உள்நுழையவும்