Luukos 7
7
Iimaankii boqol u taliyaha
1Markii uu Ciise dhameeyay waxyaalihii uu dadka u sheegayay, wuxuu u laabtay Kafarna’um. 2Waqtigaas waxaa dhacday in nin adoon u ahaa boqol u taliye uu aad u xanuusaday oo xitaa dhiman gaaray. Boqol u taliyihii aad ayuu u jeclaa ninkan shaqaalahiisi ah. 3Boqol u taliyihii ayaa maqlay warka ku saabsan Ciise, markaas ayuu u diray odayaashii Yuhuudda si ey Ciise u weydiiyaan inuu yimaado oo bogsiiyo adoonkiisa. 4Odayaashii markey Ciise u yimaadeen, aad ayey uga baryeen oo waxey ku yiraahdeen, “Haddiiba qof u qalmo caawimaadaada, ninkan ayaa u qalma, 5waayo ninkan aad ayuu u jecel yahay dadkeena oo xitaa wuxuu noo dhisay sunagogga.” 6Isla markiiba Ciise wuu raacay.
Laakiin inteysan guriga soo gaarin ka hor ayaa boqol u taliyihii soo diray saaxiibadiis si ey Ciise ugu yiraahdaan, “Sayidow ha isku dhibin inaad gurigeyga timaadid, uma qalmo inaad gurigeyga timaado. 7Xitaa uma qalmi inaan kuu imaado oo ku arko. Erey kasoo dheh meeshaad joogtid adeegaheyguna wuu bogsan doonaa. 8Waayo anigu xitaa waxaan ahay qof sharci ku hoos jira, askarna wey iga hooseysaa. Midkood ayaan ku dhahaa, ‘Tag,’ wuuna tagaa, mid kalana waxaan ku dhahaa, ‘Kaalay’ wuuna yimaadaa. Adeegaheyga ayaan ku dhahaa, ‘Waxan samee,’ wuuna sameeyaa.”
9Ciise markii uu arintaas maqlay, aad ayuu ula yaabay. Markaas ayuu dadkii badnaa ee la socday u jeestay oo ku yiri, “Waxaan idin ku leeyahay, weligey ma arkin iimaan sidan oo kale ah xitaa reer binu Israa’iil dhexdooda!” 10Goortii saaxiibadii ninkii boqol u taliyaha ahaa gurigiisi ku soo laabteen, waxey arkeen adoonkii oo bogsaday.
Ciise oo sarakiciyay naag carmalad ah wiilkeeda
11In yar kadib Ciise iyo xertiisa waxey tageen magaalada Na’in, dad badan ayaa la yimaaday. 12Markey magaalada soo galayeen waxey la kulmeen dad meyd wada, wiilka dhintayna wuxuu hooyadiis ku ahaa madi, oo hooyadiisna waxey ahayd carmalad. Dad badan oo magaaladaas ka yimidna wey la jireen. 13Rabbigu markii uu iyada arkay qalbigiisa naxariis ayaa gashay, oo wuxuu ku yiri, “Ha ooyin.”
14Markaas ayuu naxashkii u yimaaday oo taabtay, kuwii naxashka wadayna wey istaageen. Isla markii ayuu ku yiri, “Yariisow, waxaan ku leeyahay, soo kac!” 15Kadibna wiilkii dhintay wuu soo fariistay oo bilaabay inuu hadlo! Ciisana wiilkii ayuu hooyadiis u dhiibay.
16Cabsi badan ayaa dadkii oo dhan gashay, oo Illaahey ayey ammaaneen, iyagoo leh, “Nebi xoog leh ayaa dhexdeena kasoo baxay. Illaaheyna dadkiisi ayuu soo booqday.” 17Isla markii ayaa warka ku saabsan Ciise ku faafay Yahuudiya oo dhan iyo meelaha kale ee u dhow.
Ciise iyo Yooxanaa Baabtiisaha
18Xertii Yooxanaa Baabtiisaha ayaa u sheegay Yooxanaa waxyaalihii uu Ciise sameynayay oo dhan. Markaas ayaa Yooxanaa wuxuu wacay laba xertiisa ah, 19wuxuu u diray Rabbiga oo ku yiri bal soo weydiiya, “Miyaad tahay Masiixa imaanaya, mise ku kale ayaan sugnaa?”
20Labadii xerta Yooxanaa ahaa ayaa Ciise u yimaadeen oo ku yiraahdeen, “Waxaa na soo diray Yooxanaa Baabtiisaha inaan wax ku weydiino, ‘Miyaad tahay kan imaanaya, mise ku kale ayaan sugnaa?’ ”
21Isla waqtigaas, Ciise wuxuu dadka ka bogsiiyay cuduradooda, xanuunkooda, iyo kuwa ruuxyo xun ku jireen, dad badan oo indhaha la’aana aragooda ayaa loo soo celiyay. 22Xertii Yooxanaa ayuu Ciise u jawaabay oo ku yiri, “Ku laabta Yooxanaa oo u sheega waxaad aragteen oo maqasheen oo dhan, indhoolayaasha waxey heleen aragooda, kuwii curyaamada ahaana wey socdeen, kuwii baraska lahaana waa la nadiifiyay, kuwii dhagaha la’aana wax ayey maqleen, kuwii dhintayna waa la sarakiciyay, warka wanaagsanna waa loogu wacdiyay masaakiinta. 23Waxaana barakeysan kuwa aanan iga shakinin.”
24Xertii Yooxanaa markey tageen kadib, Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii kala hadlo wax ku saabsan Yooxanaa. “Nin sidee ah ayaad cidlada u tagteen si aad u soo aragtaan? Ma cawsduur ey dabayshu dhinac walba u ruxeyso? 25Haddeysan sidaas ahayn nin noocee ah ayaad cidlada u tagteen inaad aragtaan? Ma inaad aragtaan nin dhar wanaagsan ku labisan? Maya dadka dharka qaaliga ah ku xaragooda oo nolosha fiican ku jira waxey ku nool yihiin qasriyada. 26Laakiin maxaad cidlada u tagteen inaad soo aragtaan? Ma waxaad u tagteen inaad nebi soo aragtaan? Haa weliba waxaan idin ku leeyahay wuu ka sareeyaa nebi. 27Kani waa kii uu qoraalku ka qoray isaga oo leh,
“ ‘Waxaan hortaada soo diri doonaa wargeeyaheyga,
kaasoo jidka kuu sii diyaarin doona inta aadan imaanin ka hor.’
28 Waxaan idin ku leeyahay mid Yooxanaa ka weyn weli hooyo ma dhalin. Laakiin kan boqortooyada Illaahey ugu liita ayaa isaga ka weyn.”
29Dadkii oo dhan, xitaa canshuur qaadayaashii ayaa markey arintan maqleen isku wada raacay Illaahey inuu yahay mid xaq ah, waayo Yooxanaa ayaa soo baabtiisay. 30Laakiin Farrisiintii iyo kuwii sharciga yaqaanay ayaa diiday qorshaha uu Illaahey iyaga u hayay, waayo wey diideen xitaa baabtiiskii Yooxanaa.
31Markaas ayaa Ciise yiri, “Maxaan u ekeysiin karaa dadka qarnigaan? Maxey u egyihiin? 32Waa sida caruur meelaha suuqa ah fadhiya oo isku dhahaya,
“ ‘Waxaan idiin tunnay muusig,
laakiin idinkuna ma eydan ciyaarin,
markaas ayaan haddana idiin barooranay,
laakiin ma eydan ooyin.’
33 Waayo Yooxanaa Baabtiisaha wuxuu yimid isaga oo aan cuneynin kibis oo aan cabeynin khamri, idinkuna waxaad leedihiin, ‘Ruuxyo wasakh leh ayuu qabaa.’ 34Laakiin Wiilka Aadanaha ayaa yimid isaga oo wax cunaya waxna cabaya, waxaadna tiraahdeen, ‘Waa hunguri weyne oo khamriga ayuu cabaa, wuxuu saaxiib la yahay canshuur qaadayaasha iyo dembiilayaasha.’ 35Laakiin xigmadda waxaa cadeeyay kuwii aqbalay iney xaq tahay.”
Ciise oo naag dembiile ah ey subagtay
36Farrisiinta midkood ayaa Ciise gurigiisa casho ku casuumay, markaas ayaa Ciise tagay gurigiisi oo u fariistay inuu cunteeyo. 37Naag magaaladaas joogtay oo nolol dembi ah ku noolayd ayaa maqashay Ciise inuu guriga Farrisiinta ka cunteynayo, markaas ayey halkaas la timid dhalo laga sameeyay dhagax qaali ah oo cadar qaali ahna ku jiro. 38Markaas ayey gadaashiisi jilba dhigatay oo cagahiisa ku dhacday iyadoo ooyneysa, ilmadeeda ayaa cagahiisa ku daadatay, oo iyadana waxey ku tirtirtay timaheeda. Kadibna cagahiisa ayey dhunkatay oo cadarkii marisay.
39Goortuu ninkii Farrisiga ahaa ee isaga martiqaaday arkay arintaas, wuxuu is dhahay, “Ninkan hadduu nebi ahaan lahaa wuu garan lahaa naagtaan taabanaysa iney tahay dembiile.”
40Ciise ayaa fikirkiisi uga jawaabay oo ku yiri, “Simoon waxaan rabaa inaan wax kuu sheego.”
Markaas ayuu ku yiri, “Ii sheeg, macalinow.”
41Markaas ayaa Ciise sheekadan u sheegay, “Nin ayaa laba qof lacag deymiyay. Mid wuxuu ku lahaa 500 diinaar,#7:41 Hal diinaar waa mushaharka shaqaalahu maalin walba qaataa waagaas. kan kalana wuxuu ku lahaa 50 Diinaar. 42Laakiin midna uma soo celin, waxey noqotay inuu labadoodiba u cafiyo deyntooda. Haddaba yaad u malaynaysaa inuu ninkii aad u jeclaan doono arintaas markey dhacday kadib?”
43Simoon ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Waxaan u maleynaya kii deynta badan lagu lahaa ee loo cafiyay.”
Markaas ayaa Ciise ku dhahay, “Si sax ah ayaad u xukuntay.”
44Kadibna naagtii intuu u jeestay ayuu Simoon ku yiri, “Miyaad u jeedaa naagtaan? Markaan gurigaaga imaaday ma aadan i siinin biyo aan cagaha ku dhaqdo, laakiin iyada cagaheyga waxey ku qooysay ilinteeda kadibna timaheeda ayey ku tirtirtay. 45Adiga dhunkasho ma aadan igu soo dhoweynin, laakiin haweeneydan illaa markaan gurigaan soo galay cagaheyga ayey dhunkanaysay. 46Madaxaygana ma aadan marinin saliid seytuun, laakiin iyada waxey cagaheyga marisay cadar. 47Marka waxaan ku leeyahay, dembiyaasheeda badan waa laga cafiyay, waayo jaceyl weyn ayey i tustay. Laakiin qofka wax yar laga cafiyay wuxuu jeclaadaa in yar.”
48Ciise naagtii ayuu ku yiri, “Dembiyadaadu wey cafisan yihiin.”
49Markaas ayaa martidii meeshaas joogtay is weydiiyeen, “Yuu yahay kan xitaa dembiyada cafinaya?”
50Ciisana naagtii wuxuu ku yiri, “Iimaankaaga ayaa ku badbaadiyay ee nabad ku tag.”
தற்சமயம் தேர்ந்தெடுக்கப்பட்டது:
Luukos 7: EI
சிறப்புக்கூறு
பகிர்
நகல்
![None](/_next/image?url=https%3A%2F%2Fimageproxy.youversionapi.com%2F58%2Fhttps%3A%2F%2Fweb-assets.youversion.com%2Fapp-icons%2Fta.png&w=128&q=75)
உங்கள் எல்லா சாதனங்களிலும் உங்கள் சிறப்பம்சங்கள் சேமிக்கப்பட வேண்டுமா? பதிவு செய்யவும் அல்லது உள்நுழையவும்
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.