Luukos 4

4
Ciise ayaa cidlada lagu jarribay
1Ciise isaga oo uu Ruuxa Quduuska ah ka buuxo ayuu ka tagay webiga Urdun, oo Ruuxii ayaa u hogaamiyay cidlada. 2Meeshaas oo afartan maalmood ibliisku ku jarribay. Waqtigaas Ciise waxba ma uusan cunin sidaa darteed aad ayuu u gaajeysnaa.
3Markaas ayaa ibliiskii Ciise ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay, ku dheh dagaxaan kibis noqo.”
4Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Wey qoran tahay, ‘Binu aadanku waa in uusan kibis kaliya ku noolaanin.’ ”
5Ibliiskii ayaa haddana ku hogaamiyay meel dheer oo waqti yar gudaheeda ayuu ku tusay boqortooyada aduunka oo dhan. 6Markaas ayuu ibliiskii Ciise ku yiri, “Waxaan ku siin doonaa ammaanta boqortooyadaan iyo amar oo dhan, waayo aniga ayaa la i siiyay, qof walboo aan rabo ayaan siin karaa. 7Haddaba haddaad i caabudo waxan oo dhan adiga ayaa lahaan doona.”
8Isla markii ayaa Ciise u jawaabay oo ku yiri, “Wey qoran tahay, ‘Waa inaad caabudid Rabbiga Illaahaaga ah oo aadna kaligiis u adeegtid.’ ”
9Markaas ayaa haddana ibliiskii ku hogaamiyay Yeruusaalem wuxuuna kor istaajiyay darbigii ugu dheeraa ee macbadka, wuxuuna ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay meeshan iska tuur. 10Waayo wey qoran tahay,
“ ‘Illaahey wuxuu kuu amri doonaa malaa’igtiisa
si ey kuu daryeelaan,
11gacmahooda ayey kugu qaban doonaan
si eysan cagtaadu dhagaxa ugu dhicin.’ ”
12Ciise ayaa ugu jawaabay, “Qoraalku wuxuu leeyahay, ‘Ha jarribin Rabbiga Illaahaaga ah.’ ”
13Ibliiskii markii uu jarribaadii dhameeyay wuu ka tagay Ciise illaa iyo mar kale oo uu fursad ku heli doono.
Ciise oo Naasared laga diiday
14Ciise isaga oo xoogga Ruuxa Quduuska ah ka buuxo ayuu Galili ku soo laabtay, warka isaga ku saabsan ayaa meel walba ku faafay. 15Isaga oo sunagogyadooda wax ku baraya, qof walboo baritaankiisi maqlayna wuu ammaanay.
16Ciise wuxuu tagay Naasared meeshii uu ku soo korey, maalintii Sabtida wuxuu tagay sunagogga sida caadadiisu ahayd. Wuu kacay oo qoraalka akhriyay, 17oo waxaa loo dhiibay kitaabkii nebi Isayos, markii uu furay ayuu wuxuu helay meel ey ku qoran tahay,
18 “Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga,
waayo wuxuu ii doortay inaan warka wanaagsan gaarsiiyo masaakiinta.
Wuxuu ii soo diray inaan gaarsiiyo
xornimada kuwa xiran
iyo kuwa indhaha la’ aragoodi in loo soo celiyo
oo kuwa la dulmiyeyna la furto,
19 waa inaan u sheego sannadkan waa sanadka Rabbigu uu dadkiisa badbaadin doono.”
20Kadibna intuu kitaabkii duuduubay ayuu u dhiibay qofkii meesha ka adeegayay, wuuna fariistay. Qof walboo sunagogga joogay ayaa indhaha ku taagay Ciise. 21Markaas ayuu ku yiri, “Maanta qorniinkaan dhegahiina maqlaya ayuu ku rumoobay.”
22Kuligood hadala fiican ayey ka sheegeen, weyna la yaabeen hadallada nimcada leh ee afkiisa kasoo baxayay. Markaas ayey is weydiiyeen, “Kani miyuusan ahayn wiilkii Yuusuf?”
23Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Xaqiiqdii waxaad i weydiin doontaan maahmaahdan, ‘Dhakhtarow marka hore is bogsii!’ Waxaana kale oo i dhihi doontaan, ‘Magaaladaadi ku samee wixii aan maqalnay ee aad ku sameysay Kafarna’um.’ ”
24Ciise hadalkii ayuu sii waday oo yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, nebi magaaladiisa laga aqbalayo ma jiro. 25Laakiin runtii waxaan idin ku leeyahay, waqtigii Eliyaas waxaa Israa’iil ka jiray carmallo badan. Cirkana roob kama di’in muddo saddex sano iyo bar ah, waxaa dhulka oo dhan ka dhacay abaar weyn. 26Laakiin Eliyaas midkoodna looma dirin, waxaa loo diray carmalad joogtay magaalada Sarefta ee dalka Siidoon. 27Waqtigii nebi Eliishana waxaa Israa’iil ka jiray dad badan oo baras leh, laakiin midkoodna lama nadiifinin Nacamaan oo reer Suuriya ahaa maahee.”
28Dadkii sunagogga ku jiray markey arintan maqleen ayey ka xanaaqeen. 29Intey kaceen ayey magaalada ka saareen, oo geeyeen illaa buurtii ey magaalada ku kor dhisneyd si ey qarkeeda uga tuuraan. 30Laakiin Ciise intuu dhexdooda maray ayuu iska tagay.
Ciise wuxuu bixiyay ruux wasakh leh
31Ciise wuxuu tagay kafarna’um magaalo Galili ku taalo, oo maalintii Sabtida ayuu dadka wax barayay. 32Wax baritaankiisi ayaa ka yaabiyay waayo wuxuu ku hadlayay hadallo awood leh.
33Sunagogga waxaa joogay nin ruux wasakh leh qaba wuxuu ku qayliyay cod dheer oo yiri, 34“Naga tag, maxaad naga rabtaa Ciisihii reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabi’iso? Waan garanayaa qofka aad tahay, waxaad tahay kan Quduuska ah oo xagga Illaah ka yimid!”
35Ciise ayaa canaantay oo ku yiri, “Aamus! Kasoo bax!” Markaas ayaa ruuxii wasakhda lahaa ninkii dhulka ku tuuray dadka oo dhan hortooda wuuna kasoo baxay isaga oo aan nabar xitaa u geysanin.
36Markaas ayaa dadkii oo dhan la yaabeen oo ey is weydiiyeen, “Maxey tahay hadalladan amarka iyo xoogga leh oo xitaa ruuxyada wasakhda leh ayuu amray oo wey soo baxeen!” 37Isla markiiba warka isaga ku saabsan ayaa ku faafay meel walba.
Ciise dad badan ayuu bogsiiyay
38Ciise wuxuu ka tagay sunagogga oo wuxuu aaday gurigii Simoon. Haddaba Simoon sodohdiis ayey qandha la jiiftay, markaas ayey Ciise ka baryeen inuu caawiyo iyada. 39Markaas ayuu ku soo foorarsaday oo canaantay qandhadii, isla markiina qandhadii wey deysay. Weyna kacday oo u adeegtay iyagii.
40Qoraxdi markey dhacday, dadkii ayaa Ciise u keenay kuwo cudurro kala duduwan qaba markii uu qof walba gacmahiisa saareyna wuu wada bogsiiyay. 41Badi waxey qabeen ruuxyo wasakh leh oo amarkiisa ayey kaga soo baxeen, iyagoo leh, “Waxaad tahay Wiilkii Illaah.” Markaas ayuu canaantay oo u diiday iney hadlaan, waayo wey garanayeen inuu yahay Masiixa.
42Subaxdii ku xigtay ayaa Ciise tagay meel cidla ah, dadkii ayaa isaga raadinayay markey yimaadeen meeshii uu joogay waxey u diideen inuu iyaga ka tago. 43Laakiin Ciise wuxuu ku yiri, “Waa inaan magaalooyinka kalana ka wacdiyaa warka wanaagsan ee boqortooyada Illaah, waayo arintaas ayaa la ii soo diray.” 44Wuuna kasii wacdinayay sunagogyadii Yahuudiya.

தற்சமயம் தேர்ந்தெடுக்கப்பட்டது:

Luukos 4: EI

சிறப்புக்கூறு

பகிர்

நகல்

None

உங்கள் எல்லா சாதனங்களிலும் உங்கள் சிறப்பம்சங்கள் சேமிக்கப்பட வேண்டுமா? பதிவு செய்யவும் அல்லது உள்நுழையவும்