Luukos 19
19
Sakhayos canshuur qaadihii
1Ciise ayaa galay Yerixoo isaga oo sii dhex maraya. 2Nin Sakhayos la yiraahdo ayaa halkaas joogay wuxuu ahaa taajir, wuxuuna ahaa gudoomiyaha canshuur qaadayaasha. 3Wuxuu rabay inuu arko Ciise qofka uu yahay, laakiin gaabnaantiisa daraadeed ma uusan awoodin inuu dadka badan ka dhex arko. 4Markaas ayuu intuu orday ayuu fuulay sukomoor geed berde u eg oo weyn si uu u arko, ileen Ciise wuxuu ku soo socday wadadaas.
5Markii uu Ciise soo gaaray meeshii, ayuu kor fiiriyay wuxuuna ku yiri, “Sakhayosow, dhaqso hoos u soo dag. Waa qasab inaan gurigaaga joogo maantay.” 6Markiiba intuu soo dagtay ayuu si farxad leh u soo dhaweeyay.
7Dadkii oo dhan ayaa arkay oo waxey bilaabeen iney hoos u dhahaan, “Wuxuu u baxay inuu marti u noqdo dembiile.”
8Laakiin Sakhayos ayaa istaagay oo ku yiri Sayidka, “Fiiri, Sayidow! Hadda halkan hantideyda bar waxaan siiyay masaakiinta, haddii aan qof wax ka khiyaameyna, waxaan u celinayaa afar jibaar intey ahayd.”
9Ciise ayaa ku yiri, “Maanta badbaado ayaa timid gurigaan, maxaa yeelay ninkan, isaguba, waa cunuggii Ibraahim. 10Sababtoo ah Wiilka Aadanaha wuxuu u yimid inuu raadiyo uuna badbaadiyo kuwa lumay.”
Tusaalihii tobankii shaqaale
11Intey dhagaysanayeen, wuxuu u sheegay tusaale, sababtoo ah wuxuu joogay Yeruusaalem agteeda dadkuna waxey u haysteen in boqortooyada Illaahey ey hal mar soo muuqanayso. 12Wuxuu ku yiri, “Amiir ayaa u socday waddan fog si boqornimo uu isugu caleemo saaro kadibna u soo laabto. 13Wuxuu iskugu yeeray toban ka mid ah shaqaalihiisi wuxuuna mid walba siiyay mina,#19:13 Mina waa mushaharka u dhigma saddex bilood. ‘Wuxuu ku yiri, ku shaqeeya lacagtan, illaa aan kasoo laabto.’
14 “Laakiin dadkii waddankiisa ayaa necbaa waxeyna u soo direen ergo si uu ugu dhaho, ‘Ma rabno ninkan inuu noo noqdo boqor.’
15 “Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga dhigay boqor, wuxuuna ku soo laabtay gurigiisi. Kadibna wuxuu u yeeray shaqaalihiisi kuwii uu lacagta siiyay, si uu u ogaado faa’iidada ey heleen.
16 “Midkii ugu horeeyay ayaa yimid oo ku yiri, ‘Mudane, lacagtaadii waxey dhashay faa’iido tobon jibaar ah.’
17 “Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Si fiican ayaad sameysay, adeege fiican ayaa tahay! Sababtoo ah waxaad noqotay qof wax yar lagu aamini karo, waxaad xukumeysaa toban magaalo.’
18 “Midkii labaad ayaa yimid oo yiri, ‘Mudane, lacagtaadii waxey faa’iido dhashay shan jibaar.’
19 “Sayidkiisi ayaa ku jawaabay, ‘Adigana shan magaalo ayaad xukumaysaa.’
20 “Kadib shaqaalihii kale ayaa yimid oo yiri, ‘Mudane, waa tan lacagtaadii, maro ayaan ku duuduubay oo meel ayaan dhigay. 21Waan kaa cabsaday, sababtoo ah waxaa tahay nin ad adag. Waxaad qaadataa wax aadan lahayn waxaadna gurataa wax aadan beeran.’
22 “Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Waxaan kugu xukumayaa ereyadaada, shaqaala yahow xun! Soo ma aadan ogayn inaan aniga ahay nin ad adag, oo aan qaato wax aanan lahayn oo aan gurto wax aanan beeran? 23Maxaad lacagteyda u dhigi weyse bangiga si markaan imaado aan u urursado faa’iidada?’
24 “Kadib ayuu ku yiri waardiyayaashiisii, ‘ka qaada mina oo siiya midka haysta toban mina.’
25 “Waxey yiraahdeen, ‘Mudane, toban ayuu haystaa kaas!’
26 “Wuxuu ugu jawaabay, ‘Waan idiin sheegay mid walboo haysta wax badan, wax badan ayaa la siinayaa, laakiin midka aan waxba haysanin, xitaa wuxuu haystana waa laga qaadi doonaa. 27Laakiin cadowgayga kuwa aanan rabin inaan boqor u noqdo inta ii keena oo horteyda ku dila.’ ”
Ciise ayaa Yeruusaalem u yimid sidii boqorkii
28Kadib Ciise markii uu intaas yiri, horay ayuu usii socday, isaga oo aadaya illaa Yeruusaalem. 29Markii uu kusoo dhawaaday Beytfaage iyo Beytaniya buurta la yiraahdo Buur Saytuun, wuxuu diray laba ka mid ah xertiisi, waxa uuna ku yiri, 30“Baxa oo tuulada idin ka horaysa taga, oo markaad gashaan, waxaad arki doontaan dameer halkaas ku xiran, kaasoo qofna kaxaynin weligiis. Xarigga kasoo fura oo halkan keena. 31Haddii uu qof idin weydiiyo, ‘Maxaad xarigga uga furaysaan?’ Ku dhaha, ‘Sayidka ayaa u baahan.’ ”
32Kuwii loo diray ayaa tageen oo ka heleen meeshii uu u sheegay. 33Iyagoo xarigga ka furaya dameerka, dadkii lahaa ayaa weydiiyeen, “Maxaad xarigga uga furaysaan dameerka?”
34Waxey ku jawaabeen, “Sayidka ayaa u baahan.”
35Ciise ayey u keeneen, dharkoodi intey dusha ka saareen qeyl dameer ayey Ciise fuuliyeen. 36Intii uu sii socday dadkii ayaa maryahoodii wadada goglay.
37Markii uu u soo dhawaaday meeshii ey wadada ka aadaysay dhinicii Buur Saytuun, dadkii xertiisa ahaa oo dhan waxey bilaabeen iney si farxad leh oo cod dheer Illaahey ugu ammaanaan mucjisooyinkii ey arkeen dartood,
38“Waxaa barakeysan boqorka ku yimaada magaca Rabbiga!”
“Nabadda jannada haku ahaato ammaanna ha u ahaato kan ugu sareeya!”
39Qaar ka mid ah Farrisiintii dadka ku dhex jiray ayaa Ciise ku yiraahdeen, “Macalin, canaano xertaada hanaga aamusaane!”
40Wuxuu ugu jawaabay, “Waxaan idiin sheegayaa, haddii ey aamusaan, dhagaxaanta ayaa qaylin doona.”
41Markii Ciise soo galay Yeruusaalem oo uu arkay magaalada, wuu ku dul ooyay. 42Kadibna wuxuu yiri, “Haddii aad idinku xitaa ogaan lahaydeen maalintan waxa kaliya ee nabad idiin keeni kara! Laakiin hadda wey ka qarsoontahay indhihiina. 43Waxaa imaan doona maalmaha ey cadowgiinu darbi idin ka dhex dhisi doonaan oo ey idin kaga soo wareejin doonaan dhinac walba. 44Dhulka ayey idin galin doonaan idinka iyo ilmihiina. Kamana tagi doonaan dhagax dhagax kale dul saaran, sababtoo ah ma eydan garan waqtiga uu Illaahey idiin yimid.”
Ciise oo macbadka jooga
45Markii uu Ciise soo galay macbadka dhexdiisa, wuxuu bilaabay inuu kala ceyriyo kuwii meesha wax ku gadanayay. 46Wuxuuna iyagii ku yiri, “Waxaa qoran, ‘Gurigeyga waxaa loogu yeeri doonaa meel qof walba yimaado oona ku duceysto.’ Laakiin waxaad ka dhigteen ‘Xerada tuugada.’ ”
47Maalin walba wuxuu wax ku bari jiray macbadka. Laakiin gudoomiyayaashii wadaaddada, macalimiinta sharciga Muuse iyo hogaamiyayaasha dadka dhexdooda waxey isku dayayeen iney dilaan. 48Mana eysan helin qaab ey u sameeyaan, sababtoo ah dadka oo dhan ayaa dhagaysanayay hadaladiisa.
தற்சமயம் தேர்ந்தெடுக்கப்பட்டது:
Luukos 19: EI
சிறப்புக்கூறு
பகிர்
நகல்
உங்கள் எல்லா சாதனங்களிலும் உங்கள் சிறப்பம்சங்கள் சேமிக்கப்பட வேண்டுமா? பதிவு செய்யவும் அல்லது உள்நுழையவும்
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.