Luukos 15

15
Tusaalihii laxdii luntay
1Canshuur qaadayaashii iyo dembiilayaashii waxey iskugu yimaadeen si ey u dhagaystaan Ciise. 2Laakiin Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga waxey si hoos ah isku weydiiyeen, “Ninkan wuxuu soo dhaweystaa oo waxna la cunaa dembiilayaasha.”
3Kadibna Ciise ayaa tusaalahaan u sheegay, 4“Kasoo qaad midkiin inuu leeyahay boqol ido oo hal lax ka lunto. Miyuusan kaga tagayn meel cidla ah sagaal iyo sagaashanka kale uusanna raadineyn laxdii luntay illaa uu ka helo? 5Markii uu helana, si farxad leh ayuu garbihiisa ugu qaadaa 6guriga ayuuna aadaa. Kadibna wuxuu iskugu yeeraa saaxiibadiis iyo deriskiisa wuxuuna ku yiraahdaa, ‘Ila farxa, waxaan helay laxdii iga luntay.’ 7Waxaan idin ku leeyahay sidaas si la mid ah, in jannada looga farxi doono markii uu hal dembiile ah toobadkeeno in ka badan inta loogu farxo sagaal iyo sagaashan qof oo xaq ah oo aan u baahneyn toobadkeen.
Tusaalihii shilinkii lumay
8 “Ama kasoo qaad haweeney ayaa haysatay toban shilin oo qalin ah mid ayaana ka lumay. Miyaysan daareyn feynuus, oo eysan xaaqeyn guriga si fiicanna eysan u raadineyn illaa ey ka hesho? 9Marka ey heshana, waxey iskugu yeeraysaa saaxiibadeed iyo deriskeeda waxeyna ku leedahay, ‘Ila farxa, waxaan helay shilinkeygii iga lumay.’ 10Sidaa si la mid ah, waxaan idiin sheegayaa, iney farxad ka jiri doonto malaa’igta Illaahey agtooda marka uu hal dembiile toobadkeeno.”
Tusaalihii wiilkii lumay
11Ciise ayaa hadalkii sii waday oo yiri, “Waxaa jiray nin lahaa laba wiil. 12Midkii yaraa ayaa aabihiis ku yiri, ‘Aabe, isii qeybta aan ku leeyahay dhaxalkaaga.’ Markaas ayuu aabahoodna hantidiisi labadooda u kala qeybiyay.
13 “Wax yar kadib, wiilkii yaraa ayaa qaatay wax walba uu lahaa, waxa uuna u guuray waddan kale halkaas ayuuna nolol micno daro ah ugu dhameeyay hantidiisi oo dhan. 14Kadib markii uu wax walba isticmaalay, abaar daran ayaa ka dhacday waddankii oo dhan, wuuna gaajooday. 15Kadibna wuxuu shaqo u doontay nin magaaladaas u dhashay, ninkii ayaa beertiisa ka siiyay shaqo ah inuu ilaaliyo doofaaradiisa. 16Qofna wax ma siin jirin, balse wuxuu ku faraxsanaa inuu wax ka cuno cuntada ey doofaarradu cunayaan.
17 “Markii uu is ogaaday, ayuu yiri, ‘Meeqa ka mid ah shaqaalaha aabahay ayaa haysta cunto ey cunaan, waa i kan anigana gaaja ayaan la dhiman rabaa! 18Waxaan u laabanayaa aabahay waxaana ku dhahayaa, aabe, adiga iyo samada ayaan ku dembaabay. 19Uma qalmo in wiilkaaga la iigu yeero, iga dhig shaqaalahaaga mid ka mid ah.’ 20Wuu baxay wuxuuna aaday aabihiis.
“Laakiin markii uu meel dheer kasoo muuqday ayaa aabihiis arkay wuxuuna u dareemay naxariis, wiilkiisii ayuu ku orday, intuu habsiiyay ayuu dhunkaday.
21 “Wiilkii ayaa ku yiri, ‘Aabbe, waxaan ku dembaabay adiga iyo samada. Mana istaahilo in la iigu yeero wiilkaaga.’
22 “Laakiin aabihii ayaa shaqaalihiisi ku yiri, ‘Dhaqsada! U keena dharka midka ugu fiican oo u xira. Faraanti iyo kabana u galiya. 23Keena weysha ugu buuran una qala isaga. Aan xaflad samaysano oo dabaaldagno. 24Wiilkeygan wuu dhintay haddana waa kan nool mar kale, wuu iga lumay waana helay.’ Haddaba waxey bilaabeen iney dabaaldagaan.
25 “Dhanka kale, wiilkii weynaa wuxuu jiray beerta. Markii uu yimid meel u dhow guriga, wuxuu maqlay muusig iyo ciyaar. 26Markaas ayuu u yeeray mid ka mid ah shaqaalihii wuxuuna weydiiyay waxa jira. 27Markaas ayuu ugu jawaabay, ‘Walaalkaa ayaa yimid, aabahaana wuxuu u qalay weyl buuran sababtoo ah si nabad ah ayuu ku soo laabtay.’
28 “Wiilkii weynaa ayaa xanaaqay oo diiday inuu gudaha galo. Markaas ayaa aabihiis banaanka ugu baxay oo baryay. 29Markaas ayuu ugu jawaabay, ‘Fiiri! Intaasoo sano ayaan kuu adeegayay weligeyna ma diidin amarkaaga. Sidaas ey tahayna weligaa ima siinin hal waxar oo aan saaxiibadey kula dabaaldago. 30Laakiin markii uu wiilkaagan hantidaada ku soo dhameeyay naagaha jirkooda ka ganacsada uu guriga yimid, waxaad u qashay weyl buuran!’
31 “Aabihii ayaa yiri, ‘Wiilkeygiyow, weligaa waad ila joogtay, wax walboo aan haysto adiga ayaa leh. 32Laakiin waa inaan dabaaldagnaa oona faraxnaa, sababtoo ah walaalkaagan wuu dhintay waana kan nool mar kale, wuu lumay waana la helay.’ ”

தற்சமயம் தேர்ந்தெடுக்கப்பட்டது:

Luukos 15: EI

சிறப்புக்கூறு

பகிர்

நகல்

None

உங்கள் எல்லா சாதனங்களிலும் உங்கள் சிறப்பம்சங்கள் சேமிக்கப்பட வேண்டுமா? பதிவு செய்யவும் அல்லது உள்நுழையவும்