Yooxanaa 2

2
Ciise oo jooga arooskii ka dhacay Kaana
1Maalintii saddexaad aroos ayaa ka dhacay Kaana oo Galili ku taala. Ciise hooyadiisna waxey joogtay halkaas. 2Ciise iyo xertiisana arooskaas ayaa laga casuumay. 3Markii khamriga dhamaaday ayey Maryan Ciise ku tiri, “Khamrigii wuu dhamaaday.”
4Markaas ayaa Ciise u jawaabay isaga oo leh, “Hooyo, waqtigeyga lama gaarin ee ha ii sheegin waxaan sameyn lahaa.”
5Hooyadiisna waxey adeegayaashii ku tiri, “Sameeya wuxuu idin dhaho.”
6Halkuu arooska ka dhacayay waxaa yaalay lix ashuun oo ey dadku u isticmaalayeen iney gacanta ku dhaqdaan sidii ey caadada Yuhuuddu ahayd. Ashuun walbana wuxuu qaaday boqol toban iyo saddex litir.
7Ciise wuxuu adeegayaashii ku yiri, “Ashuumada biyo ka buuxiya.” Iyagiina wey buuxiyeen illaa ashuumada afkooda.
8Kadibna Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Xoogaa biyo ah ka shuba oo u geeya sayidka dabaaldegga maamulaya.”
Adeegayaashiina sidaas ayey sameeyeen, 9sayidkii dabaaldegga maamulayayna wuu dhadhamiyay biyihii lagu badalay khamriga. Mana uusan ogaan meesha ey ka yimaadeen, inkastoo adeegayaashii u keenay ey ogaayeen. Markaas ayaa ninkii sayidka dabaaldegga maamulayay u yeeray ninkii arooska, 10wuxuuna ku yiri, “Khamriga ugu fiican waxaa la qeybiyaa marka ugu horeysa. Markey martidu in ku filan cabaan ayaa tan kale oo xun la soo saaraa. Laakiin adigu tan ugu wanaagsan ayaad gadaal marisay.”
11Mucjisadan waxey ahayd mucjisadii ugu horeysay uu Ciise sameeyay, wuxuuna ku sameeyay tuulada Kaana oo Galili ku taala. Halkaas ayuu Ciise ku muujiyay ammaantiisa, xertiisana wey aamineen.
12Dhacdadaas kadib Ciise wuxuu tagay Kafarna’um isaga oo ey la jiraan hooyadiis iyo xertiisa. Halkaasna dhowr maalmood ayey joogeen.
Ciise oo jooga macbadka
13Markii Iiddii Kormaridda ee Yuhuudda soo dhawaatay Ciise wuxuu tagay Yeruusaalem. 14Macbadka dhexdiisa wuxuu ku arkay dad halkaas ku iibinaya lo’, ido iyo qoolley. Kuwa kalana wey fadhiyeen iyagoo lacag baddalaya. 15Markaas ayuu Ciise qaatay xarig oo ka dhigtay ul. Kadibna dadkii oo dhan, labadaba idihii iyo lo’dii ayuu macbadka ka saaray, miiskii lacagta lagu baddalayeyna wuu daba gediyay oo qadaadiic wuu daadiyay. 16Kuwii qoolleyda gadayayna wuxuu ku yiri, “Qoolleyda halkan ka saara! Joojiya inaad guriga Aabahay ka dhigtaan suuq.” 17Markaas ayaa xertiisi soo xusuusteen qoraalka dhahaya, “Jaceylkaan gurigaaga u qabo sida dabka ayuu ii gubayaa.”
18Yuhuuddiina waxey ku yiraahdeen Ciise, “Calaamadee ayaad natusi kartaa taas oo cadeyneysa awoodda aad waxyaalahan ku sameyneyso?”
19Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Macbadkan dumiya, aniguna saddex maalmood gudahood ayaan ku dhisi doonaa.”
20Markaas ayey Yuhuuddii u jawaabeen iyagoo leh, “Afartan sano ayey nagu qaadatay inaan dhisno macbadkan, adiguna waxaad leedahay saddex maalmood ayaan ku dhisi doonaa?” 21Laakiin Ciise macbadka uu ka hadlayay wuxuu ahaa jirkiisa. 22Markii uu Ciise dhimashada kasoo sarakacay kadib ayey xertiisi ereyadan uu dhahay xusuusteen. Waxeyna aamineen qorniinkii iyo ereyadii uu Ciise ku hadlay.
23Haddaba Ciise oo weli Yeruusaalem jooga waqtigii Iidda Kormaridda, dad badan ayaa arkay mucjisooyinkii uu sameynayay oo magaciisa rumeystay. 24Laakiin Ciise wuu ogaa qalbiyadooda, sidaa darteed ma isku haleynin iyaga. 25Ma uga baahneyn binu aadanka marqaatifur, waayo wuu ogaa waxa qalbiyadooda ku jira.

தற்சமயம் தேர்ந்தெடுக்கப்பட்டது:

Yooxanaa 2: EI

சிறப்புக்கூறு

பகிர்

நகல்

None

உங்கள் எல்லா சாதனங்களிலும் உங்கள் சிறப்பம்சங்கள் சேமிக்கப்பட வேண்டுமா? பதிவு செய்யவும் அல்லது உள்நுழையவும்