Ciise markii uu joogay magaalooyinka midood, waxaa u yimid nin baras qaba. Ninkii markii uu Ciise arkay ayuu u sujuuday isaga oo ka baryaya inuu bogsiiyo, wuxuuna ku yiri, “Rabbiyow, haddaad dooneyso waad i bogsiin kartaa.”
Ciise intuu gacantiisa fidiyay ayuu ninkii taabtay oo yiri, “Waan doonayaa, ee bogso!” Isla markiiba baraskii wuu ka bogsaday.