Matayos Hordhac
Hordhac
Saddexda Injiil ee ugu horeysa wey isku egyihiin mar walbana waxaa loo yaqaanaa Injiilada isku eg waayo nolosha Ciise isku si ayey uga sheekeeyaan. Inkastoo uu mid walba mawduuc ka duwan kuwa kale xoogga saarayo. Matayos wuxuu ku bilaabay isaga oo ka sheekeynaya sheekada reerka uu Ciise kasoo jeedo illaa Ibraahim iyo dhacdooyin badan taas oo ku saabsan dhalashada Ciise. Matayos ujeedadiisu waxey ahayd inuu muujiyo in Illaahey uu ilaaliyay ballankiisii qadiimiga ahaa ee uu ka qaaday reer binu Israa’iil uuna ku oofiyay noloshii, dhimashadii iyo sarakicintii Ciise midka Masiixa ah. Xukunkii samada ee muddada dheer la sugayay ayaa hadda imaanaya dhulka, kaasoo kor u qaadaya taariikhda Yuhuudda. Matayos ayaa ku bilaabay isaga oo muujinaya in Ciise uu ahaa wiilkii Daa’uud, kaasoo ahaa Boqorkii reer binu Israa’iil ugu caan sanaa, iyo inuu sidoo kale yahay cunuggii Ibraahim, kaasoo ahaa awoowgii ey kasoo farcameen reer binu Israa’iil. Ciise waa Israa’iili dhab ah iyo Masiixii uu Illaahey ballan qaaday.
Masiixa waxaa la isku tusay sidii ku taalay sheekadii reer binu Israa’iil, wuxuu yimid Webigii Urdun, cidlada ayuu jarribaad ku maray, wuxuu isku keenay laba iyo tobankii xertiisa ahayd kuwaasoo ka dhignaa laba iyo toban qabiil oo cusub, wuxuu fuulay buur si uu u soo jeediyo Towraad cusub, iwm. Qoraagu wuxuu muujinayaa fikrada ah inuu Ciise yahay Muuse cusub isaga oo waxbaridiisii isugu soo ururiyay shan qudbadood oo dhaadheer. Kuwaasoo lagu kala calaamadeeyay jumladan. Markii uu Ciise dhameeyay inuu sheego waxyaalahan. Sida uu Towraadku u leeyahay shan buug, ayuu Matayos u leeyahay shan qeybood oo waaweyn.
Buuggan wuxuu kusoo gabagaboobayaa isaga oo noo sheegaya sida uu Ciise dadkiisa ugu keenay ficilka madax furashada cusub ee qaaliga ah. Sida ku qoran sheekada Baxniinta reer binu Israa’iil. Iiddii kormaridda ayaa cuntadeeda loo dabaaldegay, kadibna waxaa timid furashadii. Ciise wuxuu naftiisa u bixiyay aduunka dartiis kadibna wuxuu kasoo sarakacay dhimashadii. Buugga bilowgiisa, Ciise waxaa loo bixiyay magaca Cimmaanuu’eel kaasoo micnihiisu yahay, “Illaah ayaa na la jira.” Ugu dambeyntiina, Ciise ayaa xertiisi aduunka u diray isaga oo ka ballan qaaday, Xaqiiqdii waan idin la jiraa weligiin.
सध्या निवडलेले:
Matayos Hordhac: EI
ठळक
सामायिक करा
कॉपी करा
तुमचे हायलाइट तुमच्या सर्व डिव्हाइसेसवर सेव्ह करायचे आहेत? साइन अप किंवा साइन इन
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.