Yooxanaa 19
19
Ciise waxaa lagu xukumay dhimasho
1Kadibna Bilaatos Ciise ayuu amray in la garaaco. 2Askartiina waxey isku duuduubeen taaj laga sameeyay laan qodaxyo leh oo ey madaxa u geliyeen. Dhar gaduudanna wey u xireen. 3Wey u yimaadeen oo wey ku jeesjeeseen iyagoo leh, “Boqorka Yuhuuddu ha noolaado!” Waxeyna ka dharbaaxeen wejiga.
4Haddana Bilaatos intuu u soo baxay dadkii banaanka ku urursanaa ayuu ku yiri, “Haddaba banaankaan idiin keenayaa, si aad u ogaataan in aanan ninkan waxba ku helin.” 5Markii uu Ciise banaankii u soo baxay isaga oo gashan taajkii qodaxda ahaa iyo dharkii guduudnaa ayaa Bilaatos iyagii ku yiri, “Waa kan ninkii!”
6Isla markiiba gudoomiyayaashii wadaaddada iyo saraakiishii markey Ciise arkeen ayey bilaabeen iney ku qayliyaan, “Ha la qodbo! Ha la qodbo!”
Laakiin Bilaatos ayaa ku jawaabay, “Idinku kaxeysta oo soo qodba isaga. Waayo anigu eed kuma helin.”
7Markaas ayaa odayaashii Yuhuuddu ugu jawaabeen, “Waxaan leenahay sharci, sidaa darteed sharciga haddaan raacno waa qasab inuu dhinto. Waayo wuxuu iskugu yeeray Wiilkii Illaahey.”
8Bilaatos markii uu arintaas maqlay aad ayuu usii cabsaday. 9Qasriga ayuu ku laabtay oo weydiiyay Ciise, “Halkeed ka timid?” Laakiin Ciise ma u jawaabin. 10Markaas ayaa Bilaatos yiri, “Maxaad u diiday inaad ila hadashid? Miyaadan ogayn inaan leeyahay awood aan kugu daayo ama kugu qodbo?”
11Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Xoog ma igu lahaateen aniga haddii uusan Illaahey samada kaa siinin. Sidaa darteed kan aniga iisoo kaa gacangeliyay ayaa dembi badan leh.”
12Kadibna Bilaatos wuxuu isku dayay inuu Ciise soo daayo, laakiin Yuhuuddii ayaa qaylineysay iyagoo leh, “Haddii aad ninkan soo daysid, ma tihid saaxiibka Kaysar. Waayo mid walboo boqor iskugu waca wuxuu kasoo horjeedaa Kaysar.”
13Bilaatosna markii uu waxyaalahan maqlay ayuu Ciise banaanka keenay oo ku fariistay kursigi xukunka, meeshaas oo la yiraahdo Sallaxa Dhagaxa ah oo af Cibraaniga lagu yiraahdo Gabbata. 14Waxeyna ahayd maalintii la isku diyaarinayay Iiddii Kormaridda. Waqti duhuradii ah.
Bilaatos ayaa Yuhuudda ku yiri, “Waa kan boqorkiini.”
15Laakiin waxey ku qayliyeen, “Naga wad! Naga wad! Ha la qodbo!”
Markaas ayaa Bilaatos iyaga weydiiyay, “Miyaan iskutallaabta ku qodbaa boqorkiina?”
Gudoomiyayaashii wadaaddada waxey ku jawaabeen, “Boqor kale ma lihin waxaan Kaysar ka ahayn.”
16Ugu dambeentii Bilaatos iyaga ayuu gacanta ka saaray si ey iskutallaabta ugu qodbaan.
Ciise waa la qodbay
Sidaa darteed Ciise askartii ayaa sii kaxeysay. 17Isaga oo iskutallaabtiisa wata ayuu yimaaday meel la yiraahdo lafta madaxa, taas oo af Cibraaniga lagu yiraahdo Golgota. 18Halkaas ayaa iskutallaabta lagu qodbay, isaga iyo laba kale mid dhinaciisa midigta kan kalana dhinaciisa bidixda Ciisana dhexdoodi ayuu ku jiray.
19Bilaatosna wax ayuu qoray oo uu ku dhejiyay iskutallaabta. Waxaa ku qornaa,
Ciisihii reer Naasared, Boqorka Yuhuudda.
20Yuhuud badan ayaa qoraalkaas akhrisay, waayo halkii Ciise lagu qodbayay magaalada ayey u dhaweyd, oo qoraalkana waxaa lagu qoray af Cibraani, Roomaani iyo af Gariig. 21Markaas ayaa gudoomiyayaashii wadaaddadu diideen oo ey ku yiraahdeen Bilaatos beddel qoraalkan, “Boqorka Yuhuudda, oo waxaad ku qortaa wuxuu iskugu waca boqorka Yuhuudda.”
22Bilaatosna wuxuu ku jawaabay, “Waxaan qoray waaban qoray.”
23Askartii markey Ciise iskutallaabta ku qodbeen kadib ayey maradiisi afar qeybood u kala qeybsadeen, askari walba hal qeyb ayuu helay. Maradii uu hoosta ka xirnaa meelna kama tolneyn kor illaa hoos.
24Markaas ayey isku yiraahdeen, “Yaanan kala gooynin laakiin aan qori tuur ku sameyno si aan u go’aansano kan heli doona.”
Tani waxey u dhacday si uu qorniinku u rumoobo, isaga oo leh,
“Dharkeyga ayey kala qeybsadeen
oo waxey qori tuur ku sameeyeen maradeyda.”
Waxyaalahan ayey askartii sameeyeen.
25Iskutallaabtii Ciise waxaa agtaagnaa hooyadiis, walaasha hooyadiis, Maryantii ahayd xaaskii Kaloobaas iyo Maryantii reer Magdala. 26Ciise wuxuu arkay hooyadiis iyo mid xertiisa ka mid ahaa oo uu jeclaa oo halkaas taagan. Markaas ayuu ku yiri hooyadiis, “Hooyoy, waa kan wiilkaagi.” 27Kii xertiisa ahaana wuxuu ku yiri, “Waa tanaa hooyadaa.” Waqtigaas ka bilaabato ninkii xerta ahaa ayaa watay iyada si ey ugu noolaato gurigiisa.
Dhimashadii Ciise
28Ciise wuu ogaa in waqtigaas wax walba dhamaadeen, si uu qorniinku u rumoobo Ciise wuxuu yiri, “Waan haraadsanahay.” 29Weel uu khamri dhanaan ku jiro ayaa halkaas yaalay. Intey suuf weelkii geliyeen ayey suufkii saareen laan geed husob ah oo faruuryihii Ciise ayey ku taabteen. 30Markii uu Ciise khamriga dhedhemiyay ayuu yiri, “Wey dhamaatay.” Kadibna madaxiisi ayuu foorariyay oo ruuxiisa bixiyay.
31Haddaba waxey ahayd maalintii diyaarinta ee Iidda Kormaridda, maalintii ku xigteyna waxey ahayd Sabti. Sidaa darteed Yuhuuddu ma dooneynin iney meydka maalinta Sabtida ku daayaan iskutallaabta, markaas ayey Bilaatos weydiiyeen in lugaha laga jabiyo kuwii la qodbay si ey dhakhso u dhintaan oo iskutallaabta looga soo dejiyo. 32Haddaba askartii ayaa yimaadeen oo lugaha ka jabiyeen ninkii ugu horeeyay oo Ciise lala qodbay kadibna ninkii kale. 33Markey Ciise soo gaareen waxey arkeen isaga oo dhintay, sidaa darteed lugaha lagama jabinin. 34Laakiin nin askartii ka mid ah ayaa Ciise dhinaca waran kaga duray, isla markii ayaa dhiig iyo biyo kasoo daateen. 35Ninkii waxyaalahan arkay ayaa marqaatifuray, marqaatifurkiisuna waa run. Wuuna og yahay inuu run sheegayo, wuxuuna u marqaatifuray si idinku xitaa aad u aamintaan. 36Waxyaalahan waxey u dhaceen in qorniinku rumoobo, “Lafihiisa midna ma jabi doonaan.” 37Qorniin kalana wuxuu leeyahay, “Dadku waxey fiirin doonaan kan waranka lagu duray.”
Duugtii Ciise
38Waxyaalahan kadib Yuusufkii reer Arimataya ayaa ka baryay Bilaatos inuu jirka Ciise qaato. Yuusuf wuxuu ka mid ahaa xerta Ciise, laakiin wuu is qarinayay waayo wuxuu ka cabsaday hogaamiyaashii Yuhuudda. Goortii uu Bilaatos amar siiyay ayuu Yuusuf yimid oo jirkii Ciise qaatay. 39Nikodemos ayaa la socday Yuusuf, ninkii hadda ka hor Ciise u yimid habeenkii. Nikodemos wuxuu keenay malmal iyo cuud oo qiyaastii soddon iyo afar kiillo ah. 40Labadii nin jirkii Ciise intey qaadeen ayey maro iyo dhir udgoon ku duuduubeen sida caadadii Yuhuuddu ahayd markey meydka duugta u diyaarinayaan. 41Halkii Ciise lagu qodbay waxaa ku yaalay beer, beertaasna waxaa ku yaalay xabaal dhagax laga sameeyay. Kaasoo aan weligiis qofna lagu duugin. 42Waayo waxey ahayd waqtigii ey Yuhuuddu is diyaarineysay, xabaashiina halkaas ayey ka dhaweyd sidaa darteed Ciise halkaas ayaa lagu duugay.
ಪ್ರಸ್ತುತ ಆಯ್ಕೆ ಮಾಡಲಾಗಿದೆ:
Yooxanaa 19: EI
Highlight
ಹಂಚಿಕೊಳ್ಳಿ
ಕಾಪಿ

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.