Falimaha Hordhac
Hordhac
Tani waa qeybtii labaad ee sheekadii lagu soo bilaabay injiilka Luukos waxeyna noo sheegeysaa wixii dhacay markey xertii Ciise aduunka u baxeen si ey u soo wacdiyaan. Waxey ku bilaabaneysaa markii uu Ciise samada kor u aaday iyo imaanshihii Ruuxa Quduuska ah ee maalintii Bentekoste. Lixda qeybood ee buugga Falimaha Rasuullada mid walba wuxuu sharaxayaa qeyb cusub oo ka hadleysa Masiixa iyo waxyaalo uu Yeruusaalem banaankeeda ku sameeyay. Qeybahan oo dhan waxaa lagu calaamadeeyay weero kala duduwan Ereyga Illaahey wuu sii faafay oo meel walba ayuu gaaray,
Qeybta koowaad, kaniisadda waxaa lagu aasaasay Yeruusaalem oo waxeyna ku hadlayeen af Gariigga, taas oo u sahashay iney boqortooyada Rooma oo dhan ku faafiyaan fariinta ku saabsan warka wanaagsan.
Qeybta labaad, dhaqdhaqaaqii wuxuu gaaray illaa Falastiin.
Qeybta saddexaad, kuwa aan Yuhuudda ahaynna waxaa loo ogolaaday iney ku soo biiraan kulanka xerta Ciise.
Qeybta afaraad, fariin sidayaal ayaa loo diray galbeedka illaa gobolka Aasiya ee Rooma.
Qeybta shanaad, fariin sidayaashii waxey tageen Yurub.
Qeybta lixaad ee ugu dambaysa, dhaqdhaqaaqii wuxuu gaaray magaala madaxda Rooma illaa kuwii bulshada ugu waaweynaa, sidaa darteed boqortooyada Illaahey waxaa lagu wacdiyay quruumaha oo dhan.
ಪ್ರಸ್ತುತ ಆಯ್ಕೆ ಮಾಡಲಾಗಿದೆ:
Falimaha Hordhac: EI
Highlight
ಹಂಚಿಕೊಳ್ಳಿ
ಕಾಪಿ

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.