Falimaha 8

8
1Sawlos ayaana ku raacay dilkii ey u geysteen.
Kaniisaddii ayaa la silciyay oo kala firdhisantay
Maalintaas silac weyn ayaa ka dhacay kaniisadda Yeruusaalem, dhamaantoodna waxaan ka ahayn rasuullada waxey u kala firdhismeen Yahuudiya iyo Samaariya. 2Niman Illaahey yaqaana ayaa aasay Istefanos oo si aad ah ugu murugooday. 3Laakiin Sawlos ayaa bilaabay inuu xertii laayo. Isaga oo guri ka guri iskugu maraya ayuu dhamaan rag iyo dumarba kasoo saaray guryaha wuxuuna iskugu geeyay xabsi.
Filibos oo jooga Samaariya
4Kuwii soo kala firdhismay ayaa injiilka ka wacdiyay meel walboo ey tageen. 5Filibos ayaa magaalada Samaariya galay oo dadka u sheegay wax ku saabsan Masiixa. 6Dadkii badnaa markey maqleen Filibos oo ey arkeen mucjisooyinka uu sameeyay, ayey kuligood si taxadar leh u dhageysteen wuxuu sheegayo. 7Markaas ayey qayliyeen, oo kuwo badan oo iyaga ka mid ah ayaa ruuxyo wasakh leh kasoo baxeen, kuwo kale oo badan oo curyaamo ahna wey bogsadeen. 8Waxaana magaalada ka dhacday farxad weyn.
Simoonkii sixiroolaha ahaa
9Waxaa jiray nin la yiraahdo Simoon oo sixir ku sameyn jiray magaalada kaasoo ka yaabiyay dadkii reer Samaariya. Wuxuu ku faani jiray inuu ahaa qof weyn, 10dhamaan dadka, mid wax haysta iyo mid aan wax heysanba wey u jeesteen waxeyna ku dhawaaqeen, “Ninkan waxaa si xaq ah loogu yeeray Awoodda Weyn ee Illaahey.” 11Weyna raaceen sababtoo ah wuxuu muddo dheer ayuu uga yaabiyay sixirkiisa. 12Laakiin markey aamineen Filibos markii uu ku wacdiyay warka wanaagsan, boqortooyada Illaah iyo magaca Ciise Masiix, waa la baabtiisay dhamaan rag iyo dumarba. 13Simoon xitaa wuu rumeystay oo waa la baabtiisay. Wuxuuna Filibos u raacay meel walba, isaga oo la yaaban calaamadaha waaweyn iyo mucjisooyinka uu arkay.
14Markey rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in dadkii reer Samaariya ey aqbaleen ereyga Illaah, waxey Samaariya u soo direen Butros iyo Yooxanaa. 15Markey yimaadeen, waxey halkaas ugu duceeyeen mu’miniintii cusbayd si ey Ruuxa Quduuska ah u helaan, 16sababtoo ah Ruuxa Quduuska ah weli uma imaanin mid iyaga ka mid ah. Waxaana lagu baabtiisay magaca Sayid Ciise oo kaliya. 17Kadib Butros iyo Yooxanaa ayaa gacmahooda saaray dadkii, waxeyna heleen Ruuxa Quduuska ah.
18Markii uu Simoon arkay in Ruuxa lagu helo gacantii rasuullada ee dadka la saaray, wuxuu u soo bandhigay lacag wuxuuna yiri, 19“Anigana i siiya awoodan si qof walboo aan gacanteyda dul saaro u helo Ruuxa Quduuska ah.”
20Butros ayaa ugu jawaabay, “Lacagtaadu ha kula halaagsanto, sababtoo ah waxaad u maleysaa inaad hadiyada Illaah lacag ku iibsan karto! 21Qeyb kama tihid oo waxna lama wadaagtid xertaan, sababtoo ah qalbigaaga Illaahey hortiisa xaq kama aha. 22Ka toobadkeen xumaantan Rabbigana weydiiso oo ka rajee inuu kaa cafiyo fikirkan ku jira qalbigaaga. 23Sidan arko waxaa kaa buuxa xumaan waxaadna maxbuus u tahay dembiga.”
24Kadib Simoon ayaa ku jawaabay, “Rabbiga ii bari si eysan waxa aad dhahday iigu dhicin.”
25Markey ku sii wacdiyeen ereyga Rabbiga oo eyna Ciise u marqaatifureen, Butros iyo Yooxanaa waxey u laabteen Yeruusaalem, iyagoo ku wacdinaya injiilka tuulooyin badan oo ka mid ah Samaariya.
Filibos iyo ninkii Itoobiyaanka ahaa
26Malagii Rabbiga ayaa ku yiri Filibos, “Aad wadada dhinaca koonfureed. Wadada lama dagaanka ah ee kasoo baxda xagga Yeruusaalem aadana illaa Gaasa.” 27Markaas ayuu safarkii bilaabay, wuxuuna wadada kula kulmay nin Itoobiyaan koron ah wuxuuna maamulayay qasnada Kandake oo ahayd boqoradii Itoobiyaanka. Ninkan wuxuu u aaday Yeruusaalem si uu ugu soo cibaadaysto, 28intii uu usii socday gurigiisa wuxuu saarnaa gaari faraskiisi wuxuuna akhrinayay kitaabka nebi Isayos. 29Ruuxa ayaa Filibos ku yiri, “Aad dhanka gaari faraska oo ag joog.”
30Kadib Filibos ayaa tagay dhankii gaari faraska wuxuuna maqlay ninkii oo akhrinaya kitaabkii nebi Isayos. Markaas ayuu Filibos weydiiyay, “Ma fahmaysaa waxaad akhrinaysid?”
31Wuxuuna ugu jawaabay, “Sidee ayaan u fahmi karaa, illaa uu qof ii sharaxo?” Markaas ayuu ka codsaday Filibos inuu gaari faraska la soo fuulo oo uu la fariisto.
32Tani waa qeyb ka mid ah qorniinkii uu akhrinayay,
“Sida laxdii waxaa loo waday meesha xoolaha lagu qalo,
sida wankuna uu ugu aamuso kan dhogorta ka xiiraya hortiisa,
isagu afkiisa ma uusan furin.
33Isaga oo bahdilan ayaa xornimadana laga qaaday.
Yaa ka hadli kara faraciisa?
Kaasoo noloshiisa dhulka laga kaxeeyay.”
34Ninkii ayaa Filibos weydiiyay, “Ii sheeg fadlan, waa kuma qofka uu nebigu ka hadlayo, ma isaga ayaa iska hadlaya mise qof kale?” 35Kadib Filibos ayaa ku bilaabay qorniinkii uu akhrinayay una sheegay warka wanaagsan ee Ciise ku saabsan.
36Intey wadada ku sii jireen, waxey soo agmareen meel biyo fadhiyaan ninkii ayaana yiri, “Fiiri, biyo waa kuwan, maxaa iga hor istaagi kara in la i baabtiiso?” 37[Filibos ayaa ugu jawaabay, “Haddaad si dhab ah u aaminsantahay waa lagu baabtiisi karaa.” Ninkii ayaa yiri, “Waan aaminsanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Illaahey.”]#8:37 Qoraallada qaar ma laha aayadda 37. 38Wuxuuna amar ku bixiyay in gaari faraska la joojiyo. Kadibna labadoodi wey dagteen waxeyna galeen biyihii oo Filibos wuu baabtiisay. 39Markey biyaha kasoo baxeen, Ruuxa Rabbiga ayaa isla markiiba Filibos qaaday, ninkiina ma arkin mar kale, laakiin wuu sii socday isaga oo faraxsan. 40Si kastaba ha ahaatee, Filibos, ayaa ka dhex muuqday Asootos isaga oo sii safraya, wuxuu ku wacdinayay injiilka magaalooyinka oo dhan illaa uu ka gaaray Kaysariya.

ಪ್ರಸ್ತುತ ಆಯ್ಕೆ ಮಾಡಲಾಗಿದೆ:

Falimaha 8: EI

Highlight

ಹಂಚಿಕೊಳ್ಳಿ

ಕಾಪಿ

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in