Kadib Butros ayaa weydiiyay, “Ananiyasow, sidee ayey ku dhacday inuu Shaydaanku qalbigaaga galay oo aad Ruuxa Quduuska ah been u sheegeyso lana hartay qaar ka mid ah lacagtii aad dhulka ku gaday? Adiga soo ma aadan lahayn inta aadan gadin ka hor? Oo markaad gaday kadibna adigu uma aadan talin? Maxaa kugu kalifay inaad waxan oo kale sameyso? Dadka oo kaliya ma aadan khiyaanin ee waxaad khiyaantay Illaahey.”
Ananiyas markii uu maqlay arintaas, dhulka ayuu ku dhacay wuuna dhintay. Dadkii maqlay wixii dhacayna cabsi weyn ayaa gashay.