Logo YouVersion
Icona Cerca

BILOWGII 36

36
Farcankii Ceesaw
1Haddaba kuwanuna waa farcankii Ceesaw, isna waa Edom. 2Ceesaw wuxuu gabdhihii reer Kancaan ka guursaday Caadah ina Eeloon kii reer Xeed, iyo Aaholiibaamah ina Canah, oo ahayd ina Sibecoon kii reer Xiwi, 3iyo Basmad oo ahayd ina Ismaaciil, oo la dhalatay Nebayod. 4Caadahna waxay Ceesaw u dhashay Elifas, Basmadna waxay u dhashay Recuu'eel; 5Aaholiibaamahna waxay u dhashay Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax; kuwanu waa wiilashii Ceesaw, oo isaga ugu dhashay dalkii Kancaan. 6Markaasaa Ceesaw kaxaystay naagihiisii, iyo wiilashiisii iyo gabdhihiisii, iyo dadkii gurigiisa oo dhan, iyo lo'diisii, iyo xayawaankiisii oo dhan, iyo wixii uu lahaa oo dhan oo uu ku urursaday dalkii Kancaan; markaasuu tegey dal ka fog walaalkiis Yacquub. 7Waayo, xoolahoodu aad bay u badnaayeen oo ma ay wada degi karin; dhulkii ay degganaan jireenna ma uu wada qaadi karin lo'dooda aawadeed. 8Ceesawna wuxuu degay Buur Seciir; Ceesaw waa Edom. 9Kuwanuna waa farcankii Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood oo degganaan jiray Buur Seciir. 10Kuwanu waa wiilashii Ceesaw magacyadoodii, Elifas oo ahaa wiilkii Caadah oo naagtii Ceesaw ahayd, iyo Recuu'eel oo ahaa wiilkii Basmad oo naagtii Ceesaw ahayd. 11Wiilashii Elifasna waxay ahaayeen Teemaan, Oomaar, Sefoo, iyo Gactaam iyo Qenas. 12Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd. 13Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel: Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah; kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd. 14Kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah oo ahayd ina Sibecoon; oo iyana waxay Ceesaw u dhashay Yacuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax. 15Kuwanu waxa weeye ugaasyadii wiilashii Ceesaw. Waa wiilashii Elifas kii ahaa curadkii Ceesaw kuwaas oo ah ugaas Teemaan, iyo ugaas Oomaar, iyo ugaas Sefoo, iyo ugaas Qenas, 16ugaas Qorax, iyo ugaas Gactaam, iyo ugaas Camaaleq. Kuwanu waa ugaasyadii Elifas dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii Caadah. 17Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel oo ahaa ina Ceesaw: ugaas Nahad, iyo ugaas Serax, iyo ugaas Shammah, iyo ugaas Misaah. Kuwanuna waa ugaasyadii uu Recuu'eel dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd. 18Kuwanuna waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Aaholiibaamah ahayd: ugaas Yecuush, iyo ugaas Yaclaam, iyo ugaas Qorax. Kuwanuna waa ugaasyadii ay dhashay naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah. 19Kuwanu waa wiilashii Ceesaw oo ahaa Edom, oo kuwanu waa ugaasyadoodii. 20Kuwanuna waa wiilashii Seciir, kii reer Xor, oo ahaa kuwii dhulka degganaa, Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah, 21iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan. Kuwanu waa ugaasyadii reer Xor, oo ahaa ilma Seciir oo degganaa dhulkii Edom. 22Carruurtii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Heemaam, Lootaan walaashiisna waxay ahayd Timnac. 23Kuwanuna waa carruurtii Shoobaal; Calwaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefo, iyo Oonaam. 24Kuwanuna waa carruurtii Sibecoon; Ayah, iyo Canah. Kanu waa Canah kii cidlada ka helay ilaha biyaha oo kulul, markuu daajinayay dameerrada aabbihiis Sibecoon. 25Kuwanuna waa carruurtii Canah; Dishon, iyo Aaholiibaamah, gabadhii Canah. 26Kuwanuna waa carruurtii Dishon; Xemdaan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan. 27Kuwanuna waa carruurtii Eeser; Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Caqaan. 28Kuwanuna waa carruurtii Diishaan; Cuus iyo Araan. 29Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor; ugaas Lootaan, iyo ugaas Shoobaal, iyo ugaas Sibecoon, iyo ugaas Canah, 30ugaas Dishon, iyo ugaas Eeser, iyo ugaas Diishaan. Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor siday ahaayeen ugaasyadoodii dalka Seciir joogay.
Boqorradii Dalka Edom
31Kuwanuna waa boqorradii xukumi jiray dalkii Edom intaan boqorna xukumin reer binu Israa'iil. 32Belac ina Becoor wuxuu xukumi jiray Edom, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Dinhaabah. 33Markaasaa Belac dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa. 34Yoobaabna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Xushaam oo ka yimid dhulkii reer Teemaan. 35Xushaamna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadad ina Bedad, oo reer Midyaan ku laayay berrinkii Moo'aab, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid. 36Markaasaa Hadadna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Samlah oo reer Masreqah ahaa. 37Markaasaa Samlahna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Sha'uul oo reer Rexobod ahaa oo webiga ag degganaa. 38Markaasaa Sha'uulna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Bacal Xaanaan ina Cakboor. 39Bacal Xaanaan ina Cakboorna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadar, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Faacuu; naagtiisa magaceeduna wuxuu ahaa Meheetabeel, oo ay Matreed gabadha Meesaahaab dhashay. 40Kuwanuna waa magacyadii ugaasyadii Ceesaw dhalay, siday ahaayeen qabiilooyinkoodii iyo magacyadii meelahoodii ay degganaan jireen, waana ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed, 41iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon; 42iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar; 43iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Kuwanu waa ugaasyadii reer Edom sidii ay u degganaayeen dhulkii ay lahaayeen. Kanu waa Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood.

Attualmente Selezionati:

BILOWGII 36: SOM08

Evidenziazioni

Condividi

Copia

None

Vuoi avere le tue evidenziazioni salvate su tutti i tuoi dispositivi?Iscriviti o accedi