1
BILOWGII 22:14
KITAABKA QUDUUSKA AH
Ibraahimna meeshaas wuxuu u bixiyey Yehowah Yireh; xataa ilaa maanta waxaa la yidhaahdaa, Buurta Rabbiga ayaa lagu arki doonaa.
Lee anya n'etiti ihe abụọ
Nyochaa BILOWGII 22:14
2
BILOWGII 22:2
Markaasuu ku yidhi, Hadda kaxee wiilkaaga keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas isaga sida allabari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono.
Nyochaa BILOWGII 22:2
3
BILOWGII 22:12
Markaasay ku tidhi, Gacantaada ha saarin wiilka, waxbana ha ku samaynin: waayo, hadda waan garanayaa inaad Ilaah ka cabsatid, maxaa yeelay, igama aadan lexejeclaysan wiilkaaga, kaas oo ahaa wiilkaaga keligiis ah.
Nyochaa BILOWGII 22:12
4
BILOWGII 22:8
Ibraahimna wuxuu yidhi, Ilaah qudhiisaa keeni doona wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa, wiilkaygiiyow; saas daraaddeed labadoodiiba way israaceen.
Nyochaa BILOWGII 22:8
5
BILOWGII 22:17-18
inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda; oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.
Nyochaa BILOWGII 22:17-18
6
BILOWGII 22:1
Oo waxaa dhacay waxyaalahaas ka dib, in Ilaah tijaabiyey Ibraahim, oo uu ku yidhi, Ibraahimow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan.
Nyochaa BILOWGII 22:1
7
BILOWGII 22:11
Markaasay malaa'igtii Rabbigu samada uga yeedhay isaga, oo waxay ku tidhi, Ibraahimow, Ibraahimow. Kolkaasuu yidhi, Waa i kan.
Nyochaa BILOWGII 22:11
8
BILOWGII 22:15-16
Kolkaasaa mar labaad malaa'igtii Rabbigu Ibraahim samada uga yeedhay, oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay
Nyochaa BILOWGII 22:15-16
9
BILOWGII 22:9
Oo waxay yimaadeen meeshii Ilaah isaga u sheegay; Ibraahimna meeshaasuu ka dhisay meeshii allabariga, qoryihiina wuu hagaajiyey, markaasuu xidhay wiilkiisii Isxaaq, oo meeshii allabariga saaray qoryihii dushooda.
Nyochaa BILOWGII 22:9
Ulo
Akwụkwọ Nsọ
Atụmatụ
Vidiyo