Matayos 8

8
Ciise oo bogsiiyay nin baras qaba
1Markii uu Ciise buurtii kasoo degay, dad badan ayaa raacay. 2Nin baras qaba ayaa u yimid intuu hortiisa ku sujuuday ayuu ku yiri, “Rabbiyow, haddaad dooneyso waad i bogsiin kartaa.”
3Ciise intuu gacantiisa fidiyay ayuu ninkii taabtay oo yiri, “Waan doonayaa, ee bogso.” Isla markiiba baraskii wuu ka bogsaday. 4Kadib Ciise ayaa ku yiri, “Arintan qofna ha u sheegin, laakiin tag oo wadaadka tus inaad bogsatay. Kadib hadiyad macbadka gee sidii uu Muuse amray, si ey marqaatifur ugu noqoto iyaga.”
Iimaankii Boqol u taliyaha
5Markii uu Ciise galay Kafarna’um, waxaa u yimid Boqol u taliye#8:5 Boqol u taliye wuxuu ahaa nin u taliya boqol dagaal yahan. caawimaad weydiisanaya, 6wuxuu ku yiri, “Sayidow, adeegaheygi guriga ayuu dhex jiifaa mana kici karo aad ayuuna u dhibaatoonayaa.”
7Ciise ayaa ugu jawaabay, “Miyaan imaadaa oo bogsiiyaa?”
8Boqol u taliyihii ayaa ku jawaabay, “Sayidow, uma qalmo inaad gurigeyga timaado, laakiin erey oo kaliya dheh adeegaheyguna wuu bogsan doonaa. 9Waayo anigu xitaa waxaan ahay qof sharci ku hoos jira, askarna wey iga hooseysaa. Midkood ayaan ku dhahaa, ‘Tag,’ wuuna tagaa, mid kalaan ku dhahaa, ‘Kaalay,’ wuuna yimaadaa. Adeegaheyga ayaan ku dhahaa, ‘Waxan samee,’ wuuna sameeyaa.”
10Ciise markii uu arintaas maqlay, aad ayuu ula yaabay wuxuuna kuwii la socday ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, reer binu Israa’iil dhexdooda kuma arag qof iimaankiisu sidan u weyn yahay. 11Waxaan idin ku leeyahay, dad badan ayaa ka imaan doona bariga iyo galbeedka, waxeyna la fariisan doonaan Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub xafladda boqortooyada jannada dhexdeeda. 12Laakiin kuwii boqortooyada ey ahayd iney ku jiraan banaanka mugdiga ah ayaa lagu tuuri doonaa, halkaas oo ey ka jiri doonto baroor iyo ilka isku qabsi.”
13Kadib Ciise ayaa ku yiri boqol u taliyihii, “Tag gurigaaga, sidaad u aamintay hakuu ahaato.” Isla markiina adeegihiisi wuu bogsooday.
Ciise oo dad badan bogsiiyay
14Markii uu Ciise yimid gurigii Butros, wuxuu arkay Butros sodohdiis oo sariirta qandha la jiiftay. 15Gacanteeda ayuu taabtay, qandhadiina wey deysay, weyna kacday oo u adeegtay.
16Markii fiidkii la gaaray, waxaa Ciise loo keenay dad badan oo ruuxyo wasakh leh qaba, erey oo kaliya ayuu ruuxyadii wasakhda lahaa ku saaray dadkii xanuusanaa oo dhanna wey bogsadeen. 17Arintaas waxey ka dhabeyneysaa wixii lagu sheegay afkii nebi Isayos,
“Wuxuu qaaday cuduradeeni
wuuna na bogsiiyay.”
Ka mid noqoshada xerta Ciise
18Markii uu Ciise arkay dadkii badnaa ee hareerahiisa joogay, wuxuu amray iney dhinaca kale ee harada tagaan. 19Kadib waxaa u yimid mid ka mid ah macalimiinta sharciga Muuse wuxuuna ku yiri, “Macalinow, meel walboo aadid waan kuu raacayaa.”
20Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dawacooyinku godad ayey leeyihii shimbirruhuna buulal, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu u hoydo ma laha.”
21Mid kale oo xerta ka mid ah ayaa Ciise ku yiri, “Rabbiyow, marka hore ii ogolaw inaan tago oo aan soo duugo aabahay.”
22Laakiin Ciise ayaa ugu jawaabay, “Isoo raac oo dhaaf meydadku ha duugaan meydkooda.”
Ciise oo duufaantii dajiyay
23Kadib Ciise wuxuu fuulay doon xertiisina wey raaceen, 24isla markiiba duufaan daran ayaa wartii ka kacday, hirarkiina waxey garaaceen doontii. Laakiin Ciise wuu hurday. 25Markaas ayaa xertii u tageen oo kiciyeen iyagoo leh, “Sayidow, na badbaadi! Waan dhiman rabnaaye!”
26Ciise ayaa ugu jawaabay, “Kuwiinan iimaanka yarow, maxaad sidan ugu cabsaneysaan?” Kadibna wuu kacay oo wuxuu canaantay duufaantii iyo hirarkii, weyna degeen.
27Nimankii doonta saarnaa wey yaabeen waxeyna yiraahdeen, “Yuu yahay ninkan? Xitaa duufaanta iyo hirarka ayaa adeecaya!”
Ciise oo bogsiiyay laba nin oo ruuxyo wasakh leh qaba
28Markii uu Ciise gaaray dhinicii kale ee warta soohdinta Gadareni, wuxuu la kulmay laba nin oo ruuxyo wasakh leh qaba oo xabaalaha kasoo baxaya. Aad ayey khatar u ahaayeen qofna jidkaas ma mari karin. 29Waxey ku qayliyeen, “Ciisow, Wiilkii Illaaheyow, maxaad naga rabtaa? Ma waxaad u timid inaad na ciqaabto intaan waqtigii na la ciqaabi lahaa la gaarin?”
30Meel xoogaa u jirta waxaa daaqayay doofaarro badan. 31Markaas ayaa ruuxyadii wasakhda lahaa Ciise ka baryeen, oo ku yiraahdeen, “Haddaad na bixineysid, noo dir doofaarradaas.”
32Ciise ayaa ku yiri, “Taga” Markaas ayey ninkii ka baxeen waxeyna galeen doofaarradii, doofaarradii ayaa hoos u daadagay oo ku yaacay warta, biyihii ayeyna ku dhinteen. 33Kuwii doofaarrada daajinayay ayaa u cararay magaalada, qof walbana waxey u sheegeen wixii dhacay gaar ahaan wixii ku dhacay nimankii ruuxda wasakhda leh qabay. 34Kadib dadkii magaalada oo dhan ayaa banaanka u soo baxay si ey Ciise ula kulmaan. Markey arkeen Ciise ayey ka baryeen inuu soohdintooda ka tago.

वर्तमान में चयनित:

Matayos 8: EI

हाइलाइट

शेयर

कॉपी

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in