Matayos 14

14
Dhimashadii Yooxanaa Baabtiisaha
1Waqtigaas ayuu taliye Herodos maqlay warka ku saabsan Ciise, 2wuxuuna askartiisi ku yiri, “Kani waa Yooxanaa Baabtiisaha, wuxuu kasoo sarakacay dhimashada! Waana sababta uu u haysto awoodda mucjisooyinka lagu sameeyo.”
3Herodos horay ayuu Yooxanaa u qabtay oo ku xiray xabsi Herodiya oo ahayd xaaska walaalkiis Filibos darteed, 4waayo Yooxanaa ayaa isaga ku yiri, “Kuuma banaana inaad naagta walaalkaa guursatid.” 5Herodos wuxuu rabay inuu dilo Yooxanaa, laakiin dadka ayuu ka cabsanayay, waayo dadku waxey Yooxanaa u haysteen nebi.
6Markii la gaaray maalintii xuska dhalashada Herodos, gabadhii Herodiya ayaa si fiican martidii ugu ciyaartay aad ayeyna uga farxisay Herodos, 7markaas ayuu ku dhaartay inuu siinayo wax walboo ey weydiisato. 8Iyadoo ey hooyadeed horay ula soo talisay ayey tiri, “Saxan weyn iigu rid madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.” 9Boqorku wuu ka xumaa wuxuu ballan qaaday, laakiin ma uu rabin inuu jabiyo ballantii uu martida hortooda ku qaaday, haddaba wuxuu amray in dalabkeeda la yeelo, 10oo Yooxanaa madaxa xabsiga looga soo gooyo. 11Waxaa la keenay madixiisi oo saxan ku jira waxaana la siiyay gabadhii, iyaduna waxey u geysay hooyadeed. 12Xertii Yooxanaa ayaa yimaadeen oo qaateen jirkiisi weyna duugeen. Kadibna waxey u sheegeen Ciise.
Ciise oo quudiyay shan kun oo qof
13Markii uu Ciise maqlay dhimashadii Yooxanaa, wuxuu qaatay doon wuxuuna aaday dhinaca kale ee warta Galili si uu kaligiis u ahaado. Laakiin markey dadkii ogaadeen wey raaceen iyagoo ka kala yimid magaalooyin kala duwan. 14Markii uu Ciise doontii ka dagtay oo uuna arkay dadkii badnaa, wuu u naxariistay wuxuuna bogsiiyay kuwoodi xanuusanaa.
15Markii fiidkii la gaaray, ayey xertii Ciise u yimaadeen waxeyna ku yiraahdeen, “Meeshan waa meel cidlo ah, waqti dambe ayaana la joogaa, ee dadkan kala dir si ey tuulooyinka u tagaan oo ey cunto uga soo gataan.”
16Ciise ayaa ugu jawaabay, “Uma baahna iney tagaan. Idinku siiya waxey cunaan.”
17Xertii ayaa ku jawaabeen, “Waxaan halkan ku haynaa oo kaliya shan kibis iyo laba kalluun.”
18Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Halkan iigu keena.” 19Wuxuuna dadkii u sheegay iney cawska fariistaan. Ciise intuu shantii kibis iyo labadii kalluun kor u qaaday oo uu cirka fiiriyay, ayuu Illaahey u mahadceliyay wuxuuna kala googooyay kibistii. Kadibna wuxuu u dhiibay xertii, xertiina waxey sii siiyeen dadkii. 20Dadkii oo dhan wey cuneen weyna dhargeen, xertiina waxey soo ururiyeen laba iyo toban dambiil oo jabab kibis ah ka buuxaan. 21Tirada kuwa meeshaas wax ku cunay waxey ahaayeen shan kun oo nin marka laga reebo haweenka iyo caruurta.
Ciise oo ku dul socday biyo
22Isla markiiba Ciise wuxuu xertii ku amray iney raacaan doon oo ey kaga hor maraan dhinaca kale ee warta intuu dadkii badnaa kala dirayay. 23Markii uu iyaga kala diray kadib ayuu kaligii aaday buurta dhinaceeda si uu u soo duceysto. Halkaas ayuuna habeenkii intiisi badnaa kaligiis joogay, 24doontiina aad ayey dhulka uga fogaatay, hirarkuna wey dhibayeen waayo dabaysha ayaa celineysay.
25Wax yar ka hor waaberiga ayuu Ciise iyaga u tagay, isaga oo biyaha warta ku dul soconaya. 26Markey xertii arkeen isaga oo biyaha warta ku kor socda, aad ayey u argagaxeen, waxeyna iyagoo qaylinaya yiraahdeen, “Waa ruuxaan.”
27Laakiin Ciise ayaa isla markiiba ku yiri, “Ha welwelina! Waa anigee. Ha cabsanina.”
28Markaas ayaa Butros u jawaabay oo ku yiri, “Sayidow, haddaad adiga tahay igu amar inaan kuugu imaado biyaha korkooda.”
29Ciise ayaa ku yiri, “Kaalay.”
Kadib Butros doontii ayuu ka dagtay, biyihii ayuuna ku dul socday wuxuuna aaday dhinicii Ciise. 30Laakiin markii uu dabayshii arkay ayuu cabsaday, wuxuuna bilaabay inuu quuso markaas ayuu ku qayliyay, “Sayidow, i badbaadi!”
31Isla markiiba Ciise intuu gacantiisa soo fidiyay ayuu qabtay wuxuuna ku yiri, “Iimaan yare yahow, maxaad u shakiday?”
32Markii Ciise iyo Butros doontii fuuleen dabayshiina wey dagtay. 33Kadibna kuwii doonta saarnaa ayaa Ciise u sujuuday iyagoo leh, “Runtii waxaad tahay Wiilka Illaahey.”
34Ciise iyo xertiisi markey u gudbeen dhinaca kale, waxey yimaadeen dhulka Gennesared. 35Nimankii meeshaasna markey aqoonsadeen Ciise, ayey fariin u direen dhulalkii u dhawaa oo dhan. Waxeyna Ciise u keeneen dadkii xanuusanaa oo dhan 36waxeyna ka baryeen iney darafka maradiisa oo kaliya taabtaan, kuwii taabteyna wey bogsadeen.

वर्तमान में चयनित:

Matayos 14: EI

हाइलाइट

शेयर

कॉपी

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in