Yooxanaa 9
9
Ciise oo bogsiiyay nin indho la’aan ku dhashay
1Ciise goortii uu soconayay ayuu wuxuu arkay nin indhoole ahaa tan iyo waagii uu dhashay. 2Markaas ayaa xertii Ciise weydiiyeen, “Macalinow, ninkan muxuu indhoole u yahay? Ma isaga ayaa dembaabay mise waalidkiis?”
3Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Maya ninkan iyo waalidkiisba midna dembi ma galin, laakiin tani waxey u dhacday in shaqada Illaahey isaga lagu muujiyo. 4Intey weli maalin tahay waa inaan sameyno shaqada kan isoo diray. Habeen ayaa soo socdaa, waqti uusan qofna shaqeyn karin. 5Intaan weli aduunka joogo waxaan ahay iftiinkii aduunka.”
6Ciise kadib markii uu waxyaalahan yiri dhulka ayuu candhuuf ku tufay, oo dhoobo ka sameeyay candhuuftii kadibna ninkii indhaha ka mariyay. 7Wuxuuna ninkii ku yiri, “Bax oo iskaga dhaq barkadii Siloo’am.” Ereygan oo micnihiisu yahay, “Waa la diray.” Ninkiina wuu tagay oo indhihii iska soo dhaqay, wuuna soo laabtay isaga oo wax arkaya.
8Markaas ayaa deriskii iyo dadkii isaga arki jiray isaga oo tuugsanaya aad ula yaabeen oo weydiiyeen, “Kan miyuusan ahayn isla ninkii meelaha fariisan jiray oo tuugsan jiray?” 9Qaarkood ayaa waxey yiraahdeen waa isla ninkii tuugsadaha ahaa.
Qaar kalana waxey yiraahdeen waa qof isaga u eg.
Laakiin ninkii la bogsiiyay ayaa yiri, “Waxaan ahay ninkii indhaha la’aa.”
10Markaas ayey ninkii weydiiyeen, “Sidee ayaad araga ku heshay?”
11Wuxuu ugu jawaabay, “Nin la yiraahdo Ciise ayaa wuxuu sameeyay dhoobo kadibna iga mariyay indhaha. Wuxuuna igu yiri bax oo barkada Siloo’am iskaga soo dhaq. Aniguna waan baxay oo iska soo dhaqay kadibna arageygi ayaa iisoo laabtay.”
12Markaas ayey weydiiyeen, “Aaway ninkaas?”
Wuxuu ugu jawaabay, “Ma garanayo.”
Farrisiintii ayaa doonayeen iney ogaadaan waxa dhacay
13Dadkii ayaa ninkii indhaha la’aa Farrisiinta u keenay. 14Haddaba maalintii uu Ciise dhoobada sameeyay oo ninka bogsiiyay waxey ahayd maalin Sabti ah. 15Farrisiintiina waxey ninkii weydiiyeen siduu araga ku helay. Ninkii wuxuu ugu jawaabay, “Ciise wuxuu sameeyay dhoobo wuxuuna iga saaray indhaha. Markaan iska dhaqeyna arageyga ayaan helay.”
16Farrisiintii qaarkood ayaa yiraahdeen, “Ninkan kama imaanin Illaahey, waayo wuxuu jabiyay sharcigii maalinta Sabtida.”
Laakiin kuwa kalana waxey yiraahdeen, “Sidee ayaa qof dembiile ah u sameyn karaa mucjisadan?” Sidaa darteed wey kala qeybsameen.
17Markaas ayey waxey ninkii la bogsiiyay weydiiyeen, “Maxaad ka sheegi kartaa ninkan ku bogsiiyay?”
Ninkii ayaa ku jawaabay, “Waa nebi.”
18Laakiin Yuhuuddii weli ma eysan aaminin ninkii inuu indhaha la’aa illaa ey u soo yeereen waalidkiis. 19Waxeyna weydiiyeen, “Wiilkan ma idinka ayaa dhalay? Ma kii aad dhahdeen indha la’aan ayuu ku dhashay baa? Sidee ayey ku noqotay inuu hadda wax arko?”
20Ninkii waalidkiis ayaa ugu jawaabay, “Waan hubnaa inuu yahay wiilkeena, waana ognahay inuu ku dhashay indho la’aan. 21Laakiin siduu araga ku helay ama qofkii indhaha u furay ma garaneyno. Bal isaga weydiiya! Waa nin weyn oo isu hadli kara.” 22Waalidkiis waxey sidaas u yiraahdeen waxey ka cabsanayeen hogaamiyaashii Yuhuudda. Waayo waxey go’aansadeen mid walboo dhaha Ciise waa Masiix in laga saaro sunagogga. 23Sidaa darteed ayey waalidkiis u yiraahdeen, “Isaga weydiiya wuu isu hadli karaa.”
24Mar labaad ayey ninkii indho la’aanta ahaan jiray weydiiyeen, “Run sheeg oo Illaahey ammaan, waayo waan garaneynaa Ciise inuu yahay dembiile.”
25Markaas ayuu ugu jawaabay, “Inuu dembiile yahay ma garanayo, waxa kaliya ee aan ogahay inaan ahaa indhoole laakiin hadda wax ayaan arkaa!”
26Hogaamiyayaashii Yuhuudda ayaa ninkii weydiiyeen, “Muxuu kugu sameeyay? Siduu aragaaga kuugu soo celiyay?”
27Ninkiina wuxuu ku jawaabay, “Mar hore ayaan idiin sheegay ma eydan dhageysanin. Maxaad u rabtaan inaad mar labaad warkiisa maqashaan? Miyaad dooneysaan inaad xertiisa noqotaan?”
28Markaas ayey hogaamiyayaashii caayeen ninkii oo ku yiraahdeen, “Waxaad tahay xertiisa! Laakiin anagu waxaan nahay xertii Muuse! 29Waxaan ognahay Illaahey inuu la hadlay Muuse laakiin kan aad raacsantahay ma garaneyno halkii uu ka yimid.”
30Ninkii ayaa ugu jawaabay, “Taasi waa wax layaab leh! Idinku ma garaneysaan halka uu ka yimid laakiin indhaha ayuu ii furay. 31Waan ognahay in Illaahey uusan dhageysanin kuwa dembiilayaasha ah. Wuxuu maqlaa dadka cibaadada leh oo doonistiisa sameeya. 32Haddaba tani waa taariikhdii ugu horeysay ee nin indhaha u furay nin kale oo indha la’aan ku dhashay. 33Ninkan haddii uusan Illaahey ka imaanin waxyaalahan ma sameyn lahayn.”
34Hogaamiyayaashii waxey ninkii ku yiraahdeen, “Waxaad ahayd dembiile illaa waagii lagu dhalay! Sidee ayaad ugu maleysay inaad wax na bari kartid?” Weyna ka saareen halkaas.
Indhala’aanta ruuxiga ah
35Ciise markii uu maqlay waxa ku dhacay, ninkii ayuu raadiyay, oo weydiiyay, “Miyaad aaminsantahay Wiilka Aadanaha?”
36Ninkiina wuxuu yiri, “Kaasi yuu yahay mudane? Ii sheeg si aan aniguna isaga u aamino.”
37Ciise wuxuu ku yiri, “Hadda waad aragtaa, xitaa waa kan kula hadlaya.”
38Kadibna ninkii ayaa yiri, “Sayidow, waan aaminay.” Wuxuuna bilaabay inuu Ciise caabudo.
39Ciise ayaa yiri, “Waxaan u imid inaan xukumo dadka dunidan, si ey indhoolayaashu u arkaan oo kuwa indha lehna u noqdaan indhoole.”
40Qaar ka mid ah Farrisiinta oo halkaas joogay ayaa maqleen waxyaalihii Ciise ku hadlayay waxeyna weydiiyeen, “Anaguna ma waxaan nahay indhoole?”
41Ciise ayaa ku yiri, “Haddii aad indhoole ahaan lahaydeen kuma eydan eedeysanaateen dembiga, laakiin mar haddaad sheegateen inaad wax aragtaan, taas macnaheedu waa eediinu wey jireysaa.”
वर्तमान में चयनित:
Yooxanaa 9: EI
हाइलाइट
शेयर
कॉपी
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.