Markey quraacdeen kadib, Ciise wuxuu Butros ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, runtii miyaad i jeceshahay?”
Butros ayaa ugu jawaabay, “Haa Rabbiyow, waad ogtahay inaan ku jeclahay.”
Ciise ayaa ku yiri, “Idaheyga daaji.”
Haddana Ciise wuxuu ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, ma i jeceshahay?”
Butrosna wuxuu ku jawaabay, “Haa Rabbiyow, waad ogtahay inaan ku jeclahay.”
Ciise ayaa ku yiri, “Idahayga ilaali.”
Markii saddexaad Ciise wuxuu Butros ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, ma i jeceshahay?”
Butros wuu niyad jabay waayo markii saddexaad ayuu weydiiyay, “Miyaad i jeceshahay?” Markaas ayuu ku yiri, “Rabbiyow, wax walba waad ogtahay, waana ogtahay inaan ku jeclahay.”
Ciise ayaa yiri, “Idahayga daaji.