Markaas ayuu Ciise qaatay xarig oo ka dhigtay ul. Kadibna dadkii oo dhan, labadaba idihii iyo lo’dii ayuu macbadka ka saaray, miiskii lacagta lagu baddalayeyna wuu daba gediyay oo qadaadiic wuu daadiyay. Kuwii qoolleyda gadayayna wuxuu ku yiri, “Qoolleyda halkan ka saara! Joojiya inaad guriga Aabahay ka dhigtaan suuq.”