Matayos 28:12-15
Matayos 28:12-15 EI
Markaas ayey Gudoomiyayaashii wadaaddada la kulmeen odayaashii waxeyna go’aansadeen iney lacag laaluush ah siiyaan waardiyayaashii, waxeyna ku yiraahdeen, “Waxaad qof walba ku tiraahdaan, ‘xertii Ciise ayaa yimaadeen habeenkii intaan hurudnay oo xaday jirkii Ciise.’ Haddii taliyuhu maqlo warkan, waan qancineynaa, oo dhibka waan idin ka leexineynaa.” Markaas ayey waardiyayaashii qaateen lacagtii oo sameeyeen sidii lagu amray. Sheekadaasna illaa maanta Yuhuudda qaar wey aaminsanyihiin.