SABUURRADII 128
128
Gabayga meelokoridda.
1Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada,
Oo jidadkiisa ku socda.
2Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen,
Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.
3Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala.
Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
4Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa
Ninka Rabbiga ka cabsadaa.
5Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa,
Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.
6Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
Currently Selected:
SABUURRADII 128: SOM08
Highlight
Share
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah © Society for International Ministries, 2008
Learn more about Kitaabka Quduuska Ah