Luukos 5
5
Ciise oo doortay xertiisi ugu horeysay
1Maalin maalmaha ka mid ah Ciise oo warta Gennesared#5:1 Magaca kaloo warta Gennesared waa War Galili. dhinaceeda ka wacdinaya ayaa dad badan agtiisa yimaadeen oo ereyga Illaahey ayey dhageysanayeen. 2Markaas wuxuu arkay laba doon oo warta qarkeeda yaala, oo kalluumaysatadii uga dageen iney shabaagyadooda dhaqdaan. 3Markaas ayuu fuulay doomihii mid ka mid ah, oo ku yiri Simoon kii doonta iskalahaa, in yar dhinaca biyaha dhulka uga dhaqaaji. Markaas ayuu fariistay oo dadkii wax baray isaga oo doonta saaran.
4Goortuu hadalkii dhameeyay ayuu ku yiri Simoon, “Gee doontan meesha biyaha badan leh oo shabaagta ku rid biyaha si aad u kalluumaysatid.”
5Simoon ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Sayidow, xaley oo dhan ayaan shaqeyneynay waxna maanan qaban. Laakiin haddaad saas dhahday shabaagyada biyaha ayaan ku tuurayaa.”
6Markey saas sameeyeen ayey kalluun badan qabteen oo xitaa shabaagyadoodu dilaaci gaareen. 7Markaas ayey kuwa ey wada shaqeynayeen ee doonta kale ku jiray u baaqeen oo caawimaad weydiisteen, weyna yimaadeen oo labadii doomood ayey kalluun ka buuxiyeen illaa biyaha ku quusi gaareen.
8Laakiin Simoon Butros goortuu arkay waxa dhacay, ayuu Ciise jilbihiisi isku tuuray oo ku yiri, “Rabbiyow waxaan ahay dembiile, fadlan iga tag.” 9Maxaa yeelay Simoon Butros iyo kuwii ey isla jireen oo dhan ayaa ka yaabeen kalluunkii badnaa ey soo qabteen, 10sidoo kale Yacquub iyo Yooxanaa wiilashii Sebedi kuwii Simoon shirkad la ahaa.
Kadib Ciise ayaa ku yiri Simoon, “Ha cabsan, waayo maanta laga bilaabo dadka ayaad jillaaban doontaa.” 11Markey doonta xeebta keeneen ayey wax walba dhaafeen oo Ciise raaceen.
Ciise oo nin baras qaba bogsiiyay
12Ciise markii uu joogay magaalooyinka midood, waxaa u yimid nin baras qaba. Ninkii markii uu Ciise arkay ayuu u sujuuday isaga oo ka baryaya inuu bogsiiyo, wuxuuna ku yiri, “Rabbiyow, haddaad dooneyso waad i bogsiin kartaa.”
13Ciise intuu gacantiisa fidiyay ayuu ninkii taabtay oo yiri, “Waan doonayaa, ee bogso!” Isla markiiba baraskii wuu ka bogsaday.
14Kadib Ciise ninkii ayuu amray oo ku yiri, “Arintan qofna ha u sheegin, laakiin tag oo wadaadka tus inaad bogsatay oo allabari bixi sidii uu sharciga Muuse amray, nadiifintaada si ey iyaga marqaatifur ugu noqoto.”
15Laakiin warka Ciise ku saabsan aad ayuu u faafay, markaas ayaa dad badan waxey u yimaadeen iney wacdigiisa dhageystaan oona laga bogsiiyo cuduradooda. 16Laakiin Ciise badanaa wuxuu tagi jiray meel cidlo ah si uu ugu soo duceysto.
Ciise oo bogsiiyay nin curyaan ah
17Maalin Ciise oo wax baraya, waxaa ag fadhiyay Farrisiinta iyo macalimiinta sharciga. Waxey ka yimaadeen degmo walboo ka tirsan Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem. Xoogga Rabbiguna wuu la jiray Ciise si uu u bogsiiyo kuwa xanuunsan. 18Markaas ayaa waxaa u yimid niman derin ku wada nin curyaan ah, oo waxey isku dayeen iney gudaha geliyaan oo ey Ciise hortiisa dhigaan. 19Markey arintaas u suurtoobi weyday dadkii badnaa aawadood, waxey fuuleen saqafka guriga iyagoo derintiisi ku soo dejiyay dadkii badnaa dhexdooda illaa Ciise hortiisa ey dhigeen.
20Ciise markii uu arkay iimaankoodi, ayuu ku yiri, “Saaxiibow, dembiyadaadu wey cafisan yihiin.”
21Laakiin Farrisiintii iyo Macalimiintii sharciga Muuse waxey is weydiiyeen, “Yuu yahay qofkan Illaahey u gafaya? Yaa dembi cafin kara Illaahey maahee?”
22Laakiin Ciise wuu ogaa fikiradooda oo wuxuu weydiiyay, “Maxaad waxyaalahan qalbiyadiina uga fikireysaan? 23Teebaa fudud, ma inaad tiraahdo, ‘Dembiyadaadi waa la cafiyay,’ mise inaad tiraahdo, ‘Istaag oo soco’? 24Laakiin waxaan rabaa inaad ogaataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay awood uu dembiyada ku cafiyo.” Markaas ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yiri, “Waxaan kugu leeyahay istaag, derintaada qaado oo gurigaaga tag!” 25Isla markii ayuu dadkii hortooda ku kacay, oo derintiisi qaatay gurigiisina sii aaday isaga oo Illaah ammaanaya. 26Qof walba wuu yaabay oo Illaah ammaanay. Aad ayey uga yaabeen wixii ey arkeen oo waxey dheheen, “Maanta wax layaab leh ayaan aragnay!”
Ciise oo u yeeray Laawi lana cunteeyay dembiilayaal
27Waxyaalahaas kadib Ciise wuu tagay oo wuxuu arkay canshuur qaade lagu magacaabo Laawi oo fadhiya meesha canshuurta lagu qaado. Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Isoo raac,” 28Laawigiina wuu kacay kadib wixiisi oo dhan intuu ka tagay ayuu isaga raacay.
29Kadibna Laawi ayaa xaflad gurigiisa ku qabtay oo Ciise sida marti sharaf ugu soo casuumay. Kuwa badan oo canshuur qaadayaal Laawi la shaqeeya iyo marti kalana wey isla cunteynayeen. 30Laakiin Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga Muuse ayaa ganuunacay oo xertii Ciise ku yiri, “Maxaad canshuur qaadayaasha iyo dembiilayaasha wax ula cuntaan oo ula cabtaan?”
31Markaas ayaa Ciise u jawaabay iyaga oo ku yiri, “Dadka caafimaadka qaba uma baahno dhakhtar, ee kuwa xanuusan ayaa u baahan. 32Anigu uma imaanin kuwa u maleynaya iney yihiin kuwa xaq ah, laakiin waxaan u imid kuwa dembiilayaasha ah iney toobadkeenaan.”
Ciise oo la weydiiyay su’aal ku saabsan soonka
33Maalin ayaa dad ku yiraahdeen Ciise, “Xertii Yooxanaa baabtiisaha mar walba wey soomaan oo wey tukadaan, sidoo kale xertii Farrisiinta, laakiin maxey xertaadu mar walba wax u cunaan oo u cabaan?”
34Ciise ayaa ku jawaabay, “Miyay noqon kartaa kuwii arooska joogay oo la dabaaldegayay caruuska ah iney soomaan? Waa maya. 35Laakiin waqti ayaa imaan doona oo uu ninka arooska ah ka tagi doono, markaas ayey soomi doonaan.”
36Ciise wuxuu u sheegay tusaalahaan, “Qofna maro cusub intuu gooyo kuma dul tolo maro duug ah. Haddii kale marada cusub wey halaabeysaa, oo meesha lagu kabayna ma u ekaanayso marada duuga ah. 37Qofna kuma shubo khamri cusub sibraar duug ah, haddii kale khamriga cusub wuu kala dilaacinayaa sibraarada khamriguna wuu daadanayaa. 38Khamriga cusub waa in lagu shubo weel cusub. 39Qofna markuu cabo khamri raagay kadib ma doonayo kan cusub, waayo waxey dhahaan, ‘kan raagay ayaa ka fiican.’ ”
Currently Selected:
Luukos 5: EI
Highlight
Share
Copy

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.